General Duke Posted July 29, 2007 A truly remarkable turn around in fortune for the secessionist camp the ever irrepressible Dahir Riyaale Kahin strikes again at the heart of the secessionists. Riyaale Oo Xabsiga Mandheere Dhigay Dr. Gaboose Iyo Ku Xigeenkiisii (Hargeisa}28.7-7 Daahir Riyaale Kaahin ayaa xabsiga mandheera ku hubsaday Guddoomiyaha ururka Qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Guddoomiye kuxigeenka ururkaas INj.Maxamed Xaashi Cilmi iyo masuuliyiin kale , iyadoo sitoos ah loogu dhaadhiciyay Xabsiga Mandheera................................................ Ciidamada Booliska ayaa saaka subaxnimadii hore qabqabtay siyaasiyiinta ugu sarraysa hoggaanka ururka QARAN, isla markaana u taxaabay xabsiga. Ciidamada Boolisku waxay guryahooda oo ku yaalla meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah ka soo qabqabteen, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha ururka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururkaas iyo Jamaal Caydiid, waxaana isla saaka loo qaaday Xabsiga Mandheera. Xadhiga siyaasiyiintaas oo la filayey ilaa Khamiistii Dorraad, waxa la fuliyey saaka subaxnimadii hore, abbaaro 6:00 aroornimo. Laba ka mid ah, siyaasiyiintaas, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Inj. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa iyaga waaranka ama amarka qabashadooda uu FDaahir Riyaale kaahiin gacanta ku hayey ilaa Khamiistii, halka Jamaal Caydiid isla saaka Maxkamadda la geeyey, si looga xalaaleeyo xadhigiisa. Wax dhibaato ahi kama dhicin qabashada siyaasiyiintaas oo lama filaan ku noqotay dadweynaha Hargeysa, laguna baraarugey barqadii saaka markii loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera. Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE iyo dad kale oo badan ayaa hadda abaabulaya shirar jaraa'id oo ay kaga hadlayaan xadhiga siyaasiyiintaas. widhwidhonline@gmail.com Widhwidh Online News Desk..Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 Shirguddoonka Golaha Wakiillada Oo Cambaareeyey Xadhiga Hoggaamiyayaasha Ururka Qaran Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 July, 2007 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Somaliland.org) – Shirguddoonka Golaha Wakiillada ayaa cambaareeyey xadhiga hoggaanka ururka Qaran. Waxayna ugu baaqeen Xukuumadda inay sida ugu dhakhsaha badan xorriyadooda ugu soo celiso muwaaddiniintaas. Shirguddoonka Golaha Wakiilladu warsaxaafadeed uu caawa soo saaray, waxa uu ku sheegay in qofna aanu dembiile ahayn ilaa maxkamad horteed dembi kaga caddaado, sidaa darteed, waxa uu ku baaqay Shirguddoonka in xorriyadooda loo soo celiyo. "Ma jiro Qof sharciga ka sarreeya, " ayuu yidhi warsaxaafadeedka Shirguddoonku, waxana uu sheegay in muranka ku saabsan sharciyadda ururka Qaran loo maro sharciga, garsoorka hortiisana la isku qanciyo. Shirguddoonka Wakiilladu waxa uu ku tilmaamay xadhiga siyaasiyiinta ururka Qaran mid lagu degdegey. Waxana uu ugu baaqay xukuumadda iyo shacbigaba inay ka fogaadaan wixii nabadda iyo xasiloonida wax u dhimaya. Waxa kale oo uu shacbiga guud ahaan, Caasimadda iyo goboladaba ugu baaqeen inay ilaashadaan nabadgelyada. Warsaxaafadeedkan caawa ka soo baxay Shirguddoonka Golaha Wakiillada ayaan laga sii deynin warbaahinta dowladdu gacanta ku hayso, iyadoo la gaadhsiiyey Radio Hargeysa iyo Telefishanka Madaxtooyada laga maamulo ee lagu magacaabo Telefishanka Qaranka. C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa. E-mail: dubad@Somaliland.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 Baaq Ay Soo Saareen Gudida Wada Jirka ee Beelaha Bariga iyo Galbeed Burco Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 28 July, 2007 "Sida aan Maalmahan maqlaynay ficilkeeduna u muuqday Saaka Subaxnimadii Taariikhdu ahayd 23/7/2007 Waxaa dhacday Xadhig Sharci daro ah, oo ay fulisay Dawlada kuna fulisay Madaxdii Sare ee Ururka Qaranka, hadaba waxaan u aragnaa Xadhigaas in uu yahay mid sharci daro ah, oo aan waafaqsanayn Distoorka iyo Xeerarka Wadanka u yaala, kaas oo ina xasuusinaya Dhibtii ummadani uu soo markiyey Nidaamkii hore ee Digtaytarka ahaa. Hadaba Gudida Wada jirka ahi ee Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco waxay Canbaaraynayaan Xadhigaas Sharci darada ah. Waxaanay soo jeedinayaan In Si Bilaa Shuruud ah, oo Deg deg ah Loogu Soo Celiyo Madax Banaanidoodii iyo Xoriyadoodii. Dawladuna ay ka korto Cagajuglaynta iyo Cabudhinta aan waafaqsanayn Dimuqraadiyada iyo Shuruucda Wadanka u yaala, laguna kala baxo wixii muran sharci ah ee Yimaada Distoorka iyo Xeerarka Wadanka u degsan, Waxaa kale oo ay Beeluhu ku dareen Qabaan in ay Dawladu Arimahaas uga jeedo Xaalad Abuur lagu caqabadaynayo doorashooyinka. Magacyada Gudida 1 Axmed Xuseen Jaamac Soodaani 2 Cawil Xaaji Aadan Axmed 3 Shariif Abokor Dhuux Yare 4 Siciid Xasan Nuur 5 Maxamed Axmed Yaasiin 6 Mijir Qaadi Maxamuud 7 Nuux Cabdi Jaamac (Cadde) 8 X.Xasan X Maxamuud X Guuleed (Beeldaajiye) 9 Cabdi Axmed Iidle 10 Dayr Maxamed Cilmi 11 Cawil Quule 12 Axmed Maxamed Jaamac Axmed Dheere 13 Nuux Cismaan Abokor 14 Maxamed Salaan Faroole 15 Maxamed Nuux Maxamed 16 Faarax Maxamed Cabdi Sagul 17 C/raxmaan Yusuf (Dhadhan) 18 Yusuf Xasan Xayd (Boodh) 19 C/raxmaan Yuusf Cabdi (Casoowe) 20 Eng Xasan Kayse 21 Wali Xaaji Muuse 22 Maxamuud Aadan Dheri 23 Maxamed Cabdi (Dhuux Weyne) 24 Yaasiin Maxamed 25 Maxamed Muuse X Cabdi (Cawil Galaydh) Quote Share this post Link to post Share on other sites