Sign in to follow this  
Nomadic Activist

More trouble ofr Yey and likes.

Recommended Posts

June 23, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Seynab Abuukar Maxamed. HornAfrik.

Muqdisho, Soomaaliya.

 

Qaar kamid ah xubnihii golayaasha dowlada ee shaley ka yimid magaalada Nairobi soona gaarey Muqdisho, ayaa sheegaya in imaatinkooda ay tahay mid suurta galineysa iney dhameystiraan hawlaha ay sheegeen iney horyaalaan xukuumada federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaan Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen oo kamid ahaa xildhibaanadii shaley soo gaarey magaalada Muqdisho, ayaa sheegay imaatinka golayaasha dowlada ee Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ay tahay mid dhameystireysa, isla markaana suurta galineysa hawlaha u harsan xukuumadu iney wax ka qabtaan.

 

Xildhibaan Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen ayaa talaabo horumar leh ku sheegay hawlaha nabadeynta ee kasoconaya gobolka Banaadir, isagoo sheegay in caasimaddu ay tahay mida u baahan in wax laga qabto.

 

Dhinaca kale Maxamed Daahir “Bulxan†oo kamid ahaa ergooyinkii ka qeyb galayey shirka dibu heshiisiinta Soomaalida xiligii uu ka socdey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa isagu sheegay iney ahaan laheyd talaabo wanaagsan haddii ay markaasi isku tanaasulaan guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo iyagu wali xaga fikirka ku kala gadisan, isagoo si weyn u amaaney sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho iyo gobolka J/Hoose.

 

-------------------------------------------------

 

Xildhibaan Col: C/risaaq ***** Biixi oo ah gudoomiyaha ururka SNF iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka federaalka KMG ah ee soomaaliya ayaa maanta ka soo degay gegeda diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada kismaayo.

 

Xubnahaan oo ka koobnaa afar xildhibaan uuna ku jiray xildhibaan Cali Baashi Xaaji Maxamuud Shire ayaa waxaa ay qayb ka ahaayeen tiro xildhibaano oo ukala socday magaalooyinka Muqdishu iyo kismaayo oo diyaaradi ay ka soo qaaday magaalada Nayrobi marki ay diideen in ay u hogaansamaan qoraalkii raysalwasaare geedi uu ugu sheegayay xubnaha labada gole ee jooga Nayrobi in ay galaan magaalada Jawhar halkaas oo dawaldu ay fariisin Kmg ah u cayimatay.

 

Wasiirka dib udhiska iyo dib dajinta ahna gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba Mudane Xildhibaan Col: barre Aaden shire ayaa ku soo dhaweeyay xubnahaan magaalada kismaayo, waxaana lagu wadaa in ay maalinimada barito kullan la yeeshaan xubnaha golaha hogaaminta si ay uga warbixiyaan waxyaabihii ugu dambeeyay gaar ahaan geediga dawlada soomaalia ee khilaafku ka taaganyahay.

 

Col.l C/risaaq ***** biixi iyo xildhibaan Cali baashi waxaa ay maanta gaareen magaalada xeebta ku taala ee xarunta u ah gobolada jubbooyinka xilli uu ku sugan yahay Siyaasiga Dr. Maxamed Xaashi cigaal oo ka wada dardargalinta barnaamijka mudada badan soo taagnaa ee lagu dhisayo dawlad goboleedka jubbaland. Waxaana loo arkaa in labadaan masuul ay wax ka tari doonaan hawsha lagu doonayo in lagu unko dawlada Jubbland ee jamhuuriyada soomaaliya.

 

NDF

gedonet-somalia

----------------------------------

 

 

I just hope the little old hag he doesn't have a heart attack. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this