General Duke Posted December 24, 2007 Cutubkii 2-aad ee ciidamada Brundi oo kasoo dagay garoonka Aadan Cade Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 24-Desember-2007 Cutubkii labaad ee ciidamada nabad ilaalinta Burundi ayaa waxa ey kasoo dageen saacad ka hor garoonka caalamiga Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport. Tirada cutubkan ayaa sidoo kale lagu sheegay ey la mid yihiin kuwii shalay kasoo dagay garoonkaas ee ahaa boqolka askari. Ciidamada Burundi ayaa lagu sheegay in wajigooda hore uu ka koobnaan doonaan ilaa 800 oo askari, waxaana lagu wadaa in lagu soo biiriyo waqti aan fogeyn ciidamo dheeraad ah. Qalabka iyo saanadaha maleteri ee ciidamadan ayaa horay looga soo dajiyay isla garoonka Muqdisho halkaasoo ey ku sugan yihiin ciidamo kale oo nabad ilaaliyayaal ah kana soo jeeda dalka Uganda. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 24, 2007 Muqdisho: ciidamo Baangado ku hubeysan oo Muqdisho yimid 24. December 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta qeybtii labaad ee ciidamada dalka Burundi ay ka soo degeen garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay keentay diyaarad weyn oo dhinaca xeebta soo martay iyadoo garoonkana ay ku soo dhoweeyeen saraakiisha sar sare ee ciidamada Dowlada Fedraalka Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiya iyo waliba mas'uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir. Ciidamadaan oo gaaraya tiradooda 100 Askari ayaa noqonaya qeybtii labaad ee maanta Muqdisho yimid iyadoo loo galbiyay Dugsigii Tababarka Xalane halkaasoo ay ku sugnaayeen 100-kii Askari ee shalay timid iyo saanad hore ciidamadaasi dalka loogu keenay si ay ugu biiraan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM. Afhayeenka ciidamada AMISOM Captain Pady Ankunda oo warfidiyeenada la hadlayey ayaa sheegay in ciidamadani ka socda dalka Burundi aysan u imaan booqasho iyo dalxiis balse ujeedadoodu ay tahay in ay ka qeyb qaataan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM oo iyagu gacanta ku haaya goobaha muhiimka ah isla markaana ay dowladdaasi soo dhameystiri doonto balan qaadkeedii ahaa iney Soomaaliya u soo direyso ciidamo tiradoodu gaareyso 1700 Askari. Dadweynaha iyo Wariyeyaasha ku sugnaa garoonka diyaaraddaha ayaa la yaabay markii ay arkeen ciidamada dalka Burundi oo ku hubeysnaa Qoryaha Ak-47 iyo Baangado labo afle ah oo dusha u saran halkii ciidamada milateriga looga bartay in ay isticmaalaan mindiyaha ku xeran qoryaha afkooda ee loo yaqaan Beynaada, dadka oo is weydiiynayay waxa ay baangadaas ku falayaan ciidamadani, ayadoo kuwooda militaraga iyo qalabkiisa wax ka yaqaanaa ay ugu macnaynayeen dadka kale in baangadani u muuqato mid booskii Baynaada ay u isaticmaalayaan oo ay suurtagal tahay in ay u adeegsadaan habka is difaaca ciidamada. Dalka Burundi oo ayaa sidda Soomaaliya oo kale mudo kusoo jiray dagaalo sokooye, kuwaaas oo ugu dambayntii xal lagaga gaaray heshiis la dhex dhigay qaybaha siyaasada dalkaas isku hayay. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites