Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Gun attack a bus killing three and injuring many more..

Recommended Posts

Gaalkacyo: Saddex qof ayaa geeriyootay, saddex kalana waa dhaawacantay kadib markii niman hubaysan ay galabta gaari ku weerareen duleedka koonfureed ee Gaalkacyo.

- Wednesday, January 18, 2006 at 15:20

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Saddex qof ayaa geeriyootay tiro saddex kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii niman hubaysan ay galabta tacshiirad oodda uga qaadeen gaari iyo dadkii saarnaa oo u socday agagaarka Caabudwaaq.

 

Niman hubaysan ayaa xabbad aan loo meel dayin ku furay gaari nooca Loo yaqaan Dhaynaha oo ay saarnaayeen dad rakaab ah oo u socday tuulooyinka hoostaga Caabudwaaq.

 

Sida uu AllPuntland u xaqiijiyay nin kamid ah shaqaalaha Cusbitalka wayn ee Gaalkacyo , saddex qof oo mayd ah iyo laba qof oo dhaawacyo soo gaareen ayaa la keenay Cusbitalka.

 

Nimankii gaariga weerarka ku qaaday ayaa lasheegayaa ina kaxaysteen gaarigii ay rasaasta ku fureen , waxaanse illaa iyo hadda lagaranayn sababta weerarkan la xiriiro iyo cidda ka danbaysay toonna.

 

Wararka la isla dhex marayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in arintan ay salka ku hayso aanooyin qabiil oo horay uga dhacay miyiga deegaanka Gallaaddi iyo agagaarka Caabudwaaq.

 

Waa markii ugu horaysay muddo bilo tacshiirad caynkaan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Gaalkacyo iyo agagaarkeeda , ayadoo dadwaynuhuna ay is waydiinayaan sababta keentay weerarka khasaaraha badan gaystay.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

I thought Dagaalkaas in laga heshiiyay mar hore oo la is cafiyay...!

 

Waa xaalad cakiran, you will hear tomorrow the other side killed number of innocent men for revenge.

 

Ilaahay nabad hakeeno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

ayaa sheegaya in arintan ay salka ku hayso aanooyin qabiil oo horay uga dhacay

If that is true, it is indeed sad. Nothing ends between Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this