Sign in to follow this  
Juje

Xoogaga Mucaaradka oo kala jaray Wadooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Juje   

Xoogaga Mucaaradka oo kala jaray Wadooyinka Istiraatiijiga Muqdisho, kana sameystay dhufeyso adag

 

Xoogaga Mucaaradka ayaa bilaabay inay kala jareen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho,iyagoo qeybaha ay kaga sugan yihiin ka sameeyay Qad cagaaran oo la mid ah kan Dowladda sameystay.

 

Wadooyinka istiraatiijiga ah, isla markaana muhiim u ahaa isu socodka gaadiidka ayaa la sheegay inay ka sameysteen Dhufeysyo, kadib markii ay qodeen dhulka Laamigiina meesha ka saaray.

 

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah Xoogagan ku kacsan Dowladda ayaa dhulka u qoday inta u dhaxeysa Wasaarada Gaashaandhiga iyo Kulyadii Jaalle Siyaad oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, waxaana ay kaga gol lahaayeen in aan loogu soo gudbin.

 

Wadada Warshadaha oo ka mid ah wadooyinka istiraatiijiga ayaa Xoogaga dhinaca soo aada Kulyada Jaalle siyaad ay dhulka u faageen, taasoo ay adag tahay in gaari uu maro, waxaana ay gudaha u sameeyeen dhufeyso difaac dhigid ah.

 

Tan iyo markii Ciidamada AMISOM bishii la soo dhaafay ay sahan ku tageen Wadada dheer ee Warshadaha, gaar ahaan wasaaradii gaashaandhiga, Xaruntii Xisbiga, ilaa Isbartiibada ayaa waxaa isa soo taraya qorshe ku aadanaa in Ciidamada halkaas fariisimo ka sameysan rabaan.

 

Sidoo kale waxaa Xoogagan kala jareen wadada bartamaha ka marta Tarbuunka ee ka timaada dhinaca Isgoyska KM4, halkaasoo dhagxaan ku gooyeen, ayna dhulka hoos u sii faageen.

 

Tallaabadan ayaa u muuqata mid Xoogaga Mucaaradka ku kala jarayaan magaalada inteeda kale qeybta ay kaga sugan yihiin si ay ugu sii neegaadaan, waxaana wali isa soo taraya goobaha ay sii qodanayaan oo ahaa wadooyinkii faras magaalaha iyo bilicda lahaa.

 

Ma ahan markii u horeysay ee tallaabooyinkan ay qaadaan Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda waxay aheyd sanadkii 2007-dii xilligii ay dalka joogeen Ciidamadii Ethiopian oo sidan oo kale ay jidadka u qoteen taasoo aanay hor istaagin in Ethiopiankii ay saldhigyo ka sameystaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this