Sign in to follow this  
Umal-Zamzam

Bilowga jabka maleshiyada Murtadiinta DKMG// salibiyinta AMISON

Recommended Posts

Mujaahidiinta Xibsul Islaam iyo Shabaabul Mujaahidiin oo ku midaysnaa dagaalkii xalay Muqdisho ka dhacay oo faah faahiyey gaadiid dagaal oo DKMG ah lagala wareegay.

 

Wednesday, 03 March 2010 08:58 administrator of Somalimemo

 

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo shalay ilaa iyo xalay fiidkii ka socday degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir oo ay isku hayaan xoogaga Mujaahidiinta iyo maleeshiyo DKMG ah ka tirsan oo garab ka helaya ciidamada Shisheeye ee AMISOM.

 

 

 

Xoogaga Mujaahidiinta oo isgarabsanaya ayaa soo afjaray dagaallo wejiyo aad u dhib badnaa oo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Hodon iyo Wadajir magaalada Muqdisho, saraakiil ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii xalay iyo shalay ka socday magaalada Muqdisho waxayna sheegeen in ay khasaaro iyo jab xoogan gaarsiiyeen maleeshiyada dowlada iyo shisheeyaha AMISOM.

 

Waaliga Wilaayada Islaamiga Shabaabul Mujaahidiin gobalka Banaadir Sheykh Cali Maxamed Xuseen Abuu Jabal oo shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay guulu gaareen Mujaahidiintu oo hal saf ah islamarkaana ay goobo badan ka qabsadeen maleeshiyadii DKMG ah ee shalay dhaq dhaqaaqayada ka sameeyey degmada Hodon magaalada Muqdisho.

 

Sheykh Abuu Jabal wuxuu cadeeyey in Mujaahidiintu ay furteen hub aad ubadan oo lagu soo dagaal geliyay maleeshiyda dowlada KMG ah wuxuuna si gaar ah u sheegay in maleeshiyada laga furtay gaari dagaal oo uu ku rakibanyahay qoriga Zuuga loo yaqaan.

 

Wuxuu soo hadal qaaday deegaanada ay Mujaahidiintu la wareegeen isagoo arrimahaah ka hadlayay wuxuu yidhi "Mujaahidiinta alle guulo ayuu siiyay caawa waxay joogaan dhamaan difaacyadii ay horay u joogeen cadawga Riddada ah,waxaad arkaysaan in Mujaahidiintu ay meel isugu geeyeen Murtadiinta iyo kuwa AMISOM labaxay ilaah mahadiis Mujaahidiinta oo isgarabsanaya khasaare ayay cadawga ugaysteen hub iyo rasaasna way furteen oo qoriga Zuuga kamid yahay".

 

Waaliga ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahanyahay Midnimo buuxda oo ay Mujaahidiintu gaaraan si cadawga looga adkaado isagoona shacabka ugu bishaareeyay in guulo kale oo waaweyn ay maqli doonaan maalmaha soo socda.

 

Dagaalkii shalay ilaa iyo xalay socday waxaa si siman dowlada KMG ah iyo AMISOM ula dagalaamayay Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul islaam oo iyagoo Takbiirsanaya xoog ku jiidhay goobihii ay shalay ka soo duulaan tageen maleeshiyada DKMG ah.

 

Sheykh Max'med Caruus Madaxa howlgalada Xisbul Islaam oo isna Saxaafada lahadley ayaa sheegay in Mujaahidiinta oo garba siman ah ay guulo gaareen islamarkaana ay weli sii eryanayaan firxadkii maleeshiyada DkMG ah oo isugu biya shubtay degmada Waaberi.

 

Sidoo kale dagaalka ayaa xalay ka dhacay Buula Xuubey degmada Wadajir oo fariisin weyn u aheyd maleeshiyada DKMG ah waxaana xaafadaas saacado kooban la wareegay Mujaahidiinta oo markii dambe AMISOM dagaal culus kula galay Jid cadayaasha aada garoonka diyuuradaha Muqdisho oo fariisin u ah Shisheeyaha AMISOM isku tilmaamay ee duulaanka ku ah Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this