Sign in to follow this  
General Duke

Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS

Recommended Posts

Muqdisho: Ganacsatada Muqdisho oo hubkooda ku wareejiyay dawladda.

3. maj 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Shirkadaha ganacsatada waawayn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta hubkoodii ku wareejiyay dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Hawsha hub wareejinta oo lagu soo jiray maalmihii ina dhaafay ayaa maanta wajigeedii ugu horeeyay qabsoomay , kadib markii ay afar shirkadood oo waawayn ay hubkooda wareejiyeen.

 

Shirkadaha hubkooda wareejiyay waxaa kamid ahaa Hormuud , Dahabshil , Amal iyo Telcom, waxayna hubkooda ku wareejiyeen guddiga hub wareejinta dawladda.

Hubkan ay ganacsatadu soo wareejiyeen ayaa isugu jira gaadiidka dagaalka , qoryaha garabka laga rido , iyo kuwa daran dooriga u dhaca.

 

Waxaa jiri doona hub sharciyaysan oo ku jiri doona gacanta shirkadaha waawayn ee magaalada Muqdisho.

 

Illaa iyo 150 shirkadood ayaa iminka isku diiwaan galiyay inay hubkooda wareejinayaan, kuwaasoo isugu jira shirkado yar yar iyo kuwa waawayn.

 

Hubka ugu badan halka uu ka yaallo Muqdisho waa suuqa bakaaraha oo hantida ugu badan ee dalkana ay taallo.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkado waa weyn oo Muqdisho ka howlgala oo hubkoodii ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed

 

Khamiis, May 03, 2007(HOL): Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telecom iyo Shirkadaha Xawaaladda Dahabshiil iyo Amal ayaa maanta hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo Dowladdana ay hubkaas ku sii wareejisay Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

 

Munaasabad ay Shirkadahaas hubkooda kula wareejinayeen Dowladda Federaalka oo ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed C/llaahi Cali Cumar, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM iyo weliba Mas'uuliyiin ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in ay shirkadaha hubkooda ku wareejiyay ay bilow u yihiin 151 shirkadood oo isu soo diiwaangeliyay in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay shirkadaas ballanqaadeen in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka.

 

Hubka ay Shirkadahan ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo noocyo kala duwan isugu jiray ayaa waxaa ka maqnaa hubka waa weyn ee gaadiidka dagaalka la saaro, waxayna mas'uuliyiintii shirkadahan ka socday ay sheegeen in ay hubkaas keeni doonaan, waxaana arrintaas ka wada xiriiraya shirkadahaas iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ee Dowladda Federaalka ugu xil saaran hub uruurinta.

 

Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in hubka ay shirkadahaas ku wareejinayaan Dowladda Federaalka uu sidoo kale bilow u yahay qorshaha hub ka dhigista ah ee ay Dowladda Federaalka waddo, wuxuuna Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid uu sheegay in hubka lagu wareejinayo Dowladda Federaalka ay iyadana ku sii wareejin doonto Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan ugu baaqay Shirkadaha Gancsiga ee ka jira Magaalada Muqdisho in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, waxaana tan iyo markii uu soo baxay amarkaas u socday Ganacsatada Gobolka Banaadir shirar ay ka lahaayeen sidii ay hubkooda ugu wareejin lahaayeen Dowladda Federaalka oo iyadu si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Muqdisho kadib dagaallo lagu hoobtay oo muddo bil ka socday.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marka ay uruuriso hubka ay leeyihiin Ganacsatda Gobolka Banaadir waxaa sugeysa howl kale oo baaxaddeeda leh taasi oo ah sidii ay dadka shacabka ah uga uruurin lahayd hubka gacanta ugu jira, taasi oo haddii ay ku guuleysato u sahleysa in ay gacanta ku dhigto ammaanka Magaalada Muqdisho oo muddo ka badan 16 sanadood ku jirtay xaalad fowdo ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkado waa weyn oo Muqdisho ka howlgala oo hubkoodii ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telecom iyo Shirkadaha Xawaaladda Dahabshiil iyo Amal ayaa maanta hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo Dowladdana ay hubkaas ku sii wareejisay Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

 

Munaasabad ay Shirkadahaas hubkooda kula wareejinayeen Dowladda Federaalka oo ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed C/llaahi Cali Cumar, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM iyo weliba Mas'uuliyiin ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in ay shirkadaha hubkooda ku wareejiyay ay bilow u yihiin 151 shirkadood oo isu soo diiwaangeliyay in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay shirkadaas ballanqaadeen in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka.

 

Hubka ay Shirkadahan ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo noocyo kala duwan isugu jiray ayaa waxaa ka maqnaa hubka waa weyn ee gaadiidka dagaalka la saaro, waxayna mas'uuliyiintii shirkadahan ka socday ay sheegeen in ay hubkaas keeni doonaan, waxaana arrintaas ka wada xiriiraya shirkadahaas iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ee Dowladda Federaalka ugu xil saaran hub uruurinta.

 

Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in hubka ay shirkadahaas ku wareejinayaan Dowladda Federaalka uu sidoo kale bilow u yahay qorshaha hub ka dhigista ah ee ay Dowladda Federaalka waddo, wuxuuna Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid uu sheegay in hubka lagu wareejinayo Dowladda Federaalka ay iyadana ku sii wareejin doonto Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan ugu baaqay Shirkadaha Gancsiga ee ka jira Magaalada Muqdisho in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, waxaana tan iyo markii uu soo baxay amarkaas u socday Ganacsatada Gobolka Banaadir shirar ay ka lahaayeen sidii ay hubkooda ugu wareejin lahaayeen Dowladda Federaalka oo iyadu si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Muqdisho kadib dagaallo lagu hoobtay oo muddo bil ka socday.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marka ay uruuriso hubka ay leeyihiin Ganacsatda Gobolka Banaadir waxaa sugeysa howl kale oo baaxaddeeda leh taasi oo ah sidii ay dadka shacabka ah uga uruurin lahayd hubka gacanta ugu jira, taasi oo haddii ay ku guuleysato u sahleysa in ay gacanta ku dhigto ammaanka Magaalada Muqdisho oo muddo ka badan 16 sanadood ku jirtay xaalad fowdo ah.

 

 

alsom17@hotmail.com

 

Shabeeladahoose.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub Wareejintii Ganacsatada Xamar (Last Updated::2007-05-03 19:35:47

 

Muqdisho:- Xafladaan hubkooda ay ku wareejinayeen inta badan shirkadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiinta dowlada

oo uu ka mid yahay wasiirku xigeenka gaashaandhiga Salad Cali Jeele, Taliyaha Booliiska Gen.Cabdi Qeybdiid Taliyayaasha Ciidamada Militariga iyo Nabad sugida iyo waliba saraakiil ka socota Beesha Caalamka iyo Midowga Yurub.

 

Hubkaan ayaa lagu wareejiyrey gudi ay dowladu u xilsaartey Amniga Qaranka oo ay ku jiraan Taliyaha ciidanka Booliska somaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Taliyaha Ciidanka xooga dalka Somaliyeed Sareeye Gaas Cabdulaahi Cali Cumar, Taliyaha ciidanka AMISOM ee ka howl gala somaliya Corney Bitter, Gudoomiyaha Midowga Ganacsatada gobolka Banadir Cabdikariin Gabayre, iyo afhayeenka Ganacsatada gobolka Banaadir.

 

Janaraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka hadlayey la wareegida hubka ayaa ugu horeyntii ka sheekeeyey dhibaatada uu leeyahay hubku isaga oo ku dheeraaday in aan nabad galyo laheli Karin hadii hub la wada heysto.

 

Wuxuuna intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata waxaan heynaa liiska ay ka kooban yihiin hubka iyo shirkadaha oouu ku sheegay in ay dhan yihiin 151 shirkadood oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed meesha la dhigayo iyo cida loo dhiibayo waan isla wada ogaan doonaa ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

 

Wuxuuna ugu danbeytii ka mahad celiyey hubkii lagu wareejiyey isaga oo yiri waxaa xaaraan ah in hub qof laga qaday qof kale la siiyo.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladaas Gudoomiyaha Ganacsatada gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay raali ka yihiin hubkan ay dhiibeen cid soo qasabteyna aysan jirin.

 

Wuxuuna sheegay in ay maanta kaliye ku ekaankarin hub wareejintu ayna socon doonto inta uu huubku ka baxayo gacmaha dadka rayidka ah.

 

Shirkadaha ugu hubka badnaa inta la keenay waxaa ugu horeysay shirkada isgaarsiinta ee Hormuud oo iyadu soo bandhigtey hubkii ugu badnaa oo ka koobnaa 121 qori gacmeey iyo hub yaryar waxaana ku jira laba qori oo ( 1 Zuu) ah iyo (3 Dhashiike) oo ay la socdaan gaaridii ay ku rakibnaayeen.

 

Wuxuuna ii sheegay Faysan Xasan Keyd iyo suldaan cabdi Ceeriin oo kamid ahaa Mas'uuliyiintii U Qaabilsanaaa Shirkada Hormuud Xaga Hub Wareejinta.

 

Sidoo kale shirkada maanta hubkooda soo wareejiyey ayaa waxaa ka mid ahaa shirkada Telecom Somaliya, Shirkada isgaarsiinta ee Nation Link iyo Shirkada xawaalada ee Amal.

 

Arrintaa hubka lagu wareejinayo dowlada ayaa waxey ka danbeysay heshiis ay wada gaareen gudiga ganacsatada gobolka Banaadir iyo dowlada Federaalka KMG Soomaliyeed oo mudo loo qabtey ay dhamaatey tas oo ahayd in hubka ay ku soo wareejiyaan mudo 36 saacadood ah.

 

Muuse Maxamuud Jiisow

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkadaha ganacsiga oo bilaabay in hubkooda ay ku wareejiyaan DKMG ah

 

Muqdisho:- Ganacsatada Muqdisho oo lagu tilmaami jiray kuwa ugu hubka badan Soomaaliya ayaa maanta hubkoodii bilaabay in ay ku wareejiyaan DFKMG.

 

Munaasabad ka dhacday xarunta Booliiska ee Muqdisho (komaando boliisiya) ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiin ka socota Ganacsatada iyo madax sar sare oo kamid ah Dowlada Federaalka oo uu hormuud u yahay guddiga Amaanka Qaranka.

 

Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Halyeey Mudane Salaad Cali Jeele, Taliyaha Booliiska Soomaaliya Col.Cabdi Qeybdiid, Taliyaha Xooga dalka Soomaaliya iyo Nabad sugida ayaa halkaasi ku sugnaa.

 

Sidoo kale waxaa xafladan kasoo qeyb galay Saraakiisha ka socota Midowga Afrika.

 

151 kamid ah Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey hubkoodii ugu horeeyey dowlada Soomaaliya.

 

Waxaa lagu wadaa in hubka loo kala saaro labo qeybood ayadoo hubkii ugu horeeyey oo isugu jira qoryaha daraan dooriga u dhaca iyo hubka waaweyn ee Tiknikada loo yaqaan lagu wareejiyey Ciidamada Ugandheeska.

 

Shirkadaha ayaa loo sheegay in ay marka hore hubkooda oo dhan ay soo wareejiyaan ayadoo guddiga amniga uu u qoondeyn doonaan hub kooban oo ay shirkadaha codsadeen in ay amnigooda ku illaalshan doonaan.

 

Sarakiisha Ugandha ayaa sheegay in ay hada hubka ku xareyn doonaan xarumo loogu talo galay ayagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin tilaabadan horey loo qaaday.

 

Taliyaha Booliiska Col.Cabdi Qeybdiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale ugu mahadnaqay ganacsatada hada hubkooda wareejiyey asagoo sheegay in tilaabadan ay qeyb ka tahay in ay dowlada hanato dhamaan arrimaha sugida amniga.

 

 

Mataan Gaaboow Muqdisho

 

Abaaqaroow.com wiil waal

Share this post


Link to post
Share on other sites

151 ka tirsan Sharikadaha Muqdisho oo hubkoodii ku wareejiyay Dawladda kumeel gaarka Soomaaliya

Thursday, 03 May 2007

 

Munaasabad maanta ka dhacday Taliskii hore ee Booliska Soomaaliyeed Comando Bolisiya ayaa waxaa iska diiwaan geliyay illaa 151 shirkadood oo doonaya inay dowladda ku wareejiyaan hubkooda ay ku illaalsan jireen xarumahooda ganacsiga.

 

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno madax ka ah shirkaddaha ugu waaweyn Muqdisho, gaar ahaana kuwa xawaaladaha iyo kuwa isgaarsiinta, iyadoo sidoo kalena ay joogeen gudiga ganacsatada gobolka Banaadir iyo saraakiil ka socotay ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

 

 

 

Illaa 4 shirkadood ayaa la sheegay inay ugu horeyntiiba maanta wareejiyeen hubkoodii ay ku illaalsan jireen ganacsigooda, gaar ahaana shirkaddaha Telecom Somalia, Hormuud Telecom, Amal Bank iyo Dahabshiil Bank, iyadoo la filayo inay hsirkaddaha kalena maanta hubkooda ku wareejiyaan.

 

 

 

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo isagu ku hadlay munaasabadan ayaa sheegay inay isi soo diiwaan geliyeen illaa 151 shirkadood oo ganacsi kana jira gobolka Banaadir isla markaana ay ka balan qaadeen dowladda inay hubkooda ku wareejinayaan, isagoo tilmaamay in arrintani ay hor dhac u tahay sugida amniga caasimadda iyo soo celinta kala dambeyntii, wuxuuna ganacsatada u sheegay inay dowladdu sugi doonto amniga shirkaddahaasi.

 

 

 

Waa markii ugu horeysay oo ay hubkooda ku wareejiyaan dowladda shirkaddaha ganacsiga ee gobolka Banaadir, iyadoo ay dowladdihii dalka soo maray 16-kii sano aysan u sooro gelin inay si rasmi ah ula wareegaan hubka gacanta u galay ganacsatada gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Mogadishu businesses handover weapons

Thu. May 03, 2007 11:23 am.- By Mohamed Abdi

 

Farah. - Send this news article

 

(SomaliNet) Some of the biggest local business companies in the Somalia capital on Thursday began to hand over their weapons to the transitional federal government in an official ceremony held in Mogadishu – it was for the first time the business people disarm voluntarily.

 

Four of 151 businesses that had registered already today handed their weapons to the interim government in return the government guaranteed their security.

 

Earlier the business companies in Mogadishu were given ultimatum of 36 hours to hand over their weapons to the government.

 

The money transfer companies of Dahab-Shil and Amal, and communication firms of Hormuud Telecom and Telecom Somalia brought their light and heavy weapons to the central police command in Mogadishu and were handed over in the presence of the Ugandan and Ethiopian forces. The weapons included light and heavy guns and trucks mounted with anti-aircraft guns.

 

General Abdi Hassan Awale ‘Qeybdid’, the new police commander in the transitional government who spoke at the occasion said this is progressive step towards introducing peace and stability in the country.

 

The government officials said the weapons will be then handed to the Ugandan peacekeepers of African Union peacekeeping mission.

 

The local business companies had initially bought the weapons for guarding their properties due to lawlessness in the capital and much of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa Maanta Hubkooda Wareejiyey Ganacsatada Gobolka Banaadir:

 

05/03/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Muqdisho DMC 3 May 2007.

 

Waxaa maanta hubkooda si rasmi ah u so wareejiyey ganacsatada Gobolka Banaadir waxaana shirkadaha iyo ganacsatada waaweyn ee hubkooda maanta wareejisey gaarayaan 150 shirkadood, waxayna tani tahay billowga wareejinta hubka.

Mas’uuliyiinta goobjooga ka ahayd wareejinta hubkaas ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Xasan Cawwaale Qeybdiid oo ah Taliya Ciidanka Booliska oo horey ballamo adag u qabtey ganacsatada. Sidoo kale waxaa joogey Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir.

 

Tirada hubka ee maanta la wareejiyey ayaa gaaraya 600 qori oo iskugu jir kuwa sida darandooriga u dhaca iyo kuwa fud-fudud iyo 3 ka mid ah qoryaha culus ee Soomaalidu u tiqaanno ‘Tikniko’.

 

Sidoo kale waxaa hubka la wareejiyey ka mid ahaa rasaas aad u farabadan oo aan la xisaabi Karin iyo bambooyinka gacanta laga rido oo iyaguna aad u baddan, waana tallaabo horumar ah oo dhinac wanaagsan loo qaadey sida uu sheegey Cabdi Qeybdiiid.

 

Dhinaca kale marka loo eego hubka culus ee ganacsatada gacanta ugu jira sida la ogyahay ayaan ku filneyn tan laakiin waxay noqon kartaa billow wanaagsan.

 

Ganacsatda ayaa dhinacooda Dowlladda ka codsadey in la damaaanad qaado amaankooda iyo kan hantidooda mar haddii ay hubkooda dhiibeen.

 

Shaabakada warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Qaar ka mid ah Shirkadaha Ganacsiga oo hubkooda ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Posted to the Web May 03, 12:49

 

Muqdisho (PP) - Shirkadaha Ganacsiga ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ku wareejiyeen hubkooda dowladda Federaalka Soomaaliya, oo horay u sheegtay in ganacsatadu ay hubkooda ku soo wareejiyaan Dowladda.

 

Shirkadaha Ganacsiga ee hubkooda maanta wareejiyay ayaa waxay gaarayaan illaa 4-shirkadood oo waaweyn oo kala ah; shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud (Ex-Barkaat), Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia (Ex-Olympic), Shirkadda Xawaaladda ee Dahab-Shiil iyo Shirkadda Xawaaladaha ee Amal Express.

 

Hubka ay shirkadahaan ku wareejiyeen dowladda ayaa ahaa qoryaha fudfudud oo ee garabka la surto, Bambooyin iyo Rasaas aad u fara badan, iyadoo aysan jirin wax gawaarida dagaalka ah oo ay ku wareejiyeen shirkadahaan Dowladda.

 

Shirkadaha illaa iyo hadda isku diiwaangeliyay inay hubkooda ku wareejin doonaan dowladda ayaa waxay gaarayaan ku dhawaad 151-shirkadood oo dhammaantood ah kuwa ganacsiga, waxaana shirkadahaan ay sheegeen inay hubkooda ku wareejinayaan dowladda.

 

Talaabaadaan ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay ee hubka lagu qaadayo oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya horay u qadday, waxaana goobta hubka lagu wareejinayay ku sugnaa xubno uu ka mid yahay Gen. Cabdi Qaybdiid oo ah taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

General Abdi Hassan Awale ‘Qeybdid’, the new police commander in the transitional government

So he is GEN now?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this