Sign in to follow this  
General Duke

Somalia: Mogadishu businesses handover weapons. PICS

Recommended Posts

Ganacsatada Muqdisho oo maanta wareejinaya hubkii ugu faraha badnaa

 

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta ay ku wareejiyaan dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya hubka ay gacanta ku hayaan, taasi oo noqonaysa hubkii ugu faraha badnaa ee ay dawladu la wareegto tan iyo markii ay la wareegtey awooda gobolada wadanka.

Taliyaha ciidanka Booliiska DFKMG ah ee Soomaaliya Col.Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo wareysi gaar ah siiyey barnaamijka xulka wararka 24-ka saac ayaa shaaca ka qaadey in 150 shirkadood oo ah kuwa ganacsiga ay horey dawalda ugu soo gudbiyeen document(qoraal) ku saabsan hubka ay gacanta ku hayaan, waxaana uu sheegay in saaka 10-ka subaxnimo hubkaasi ay dawladu kala wareegi doonto ganacsatada kaasi oo isugu jira hub iyo gaadiidka dagaalka.

 

Cabdi Qaybdiid wuxuu sheegay in hubkaasi aanay jirin wax dawladu ugu badalayso ganacsatada, isagoo sheegay in taasi ka mid tahay hawlaha dawladu au ku sugayso amaanka, kuna ururinayso hubka gacanta ugu jira dadweynaha.

Col.Cabdi Qaybdiid wuxuu xusey in aanay jirin sabab xiligan ay hub ku haystaan ganacsatadu maadama amaanka dawladu la wareegayso, iyadoo horey ganacsatadu hubka u haystaan inay ku ilaaliyaan hantidooda hadii ay dawladu amaanka la wareegaysa aanay meesha ku jirin inay hub haystaan ganacsatada, waxaase uu sheegay inay u ogolaan doonaan qaar ka mid ah shirkada inay tiro kooban oo hubka fudud ah hantidooda ku ilaalashadaan.

Taliyaha ciidanka Booliiska DFKMG ah wuxuu farta ku fiiqey in dawladu ay fareyso in dadku si iskood ah hubka isaga soo wareejiyaan, waxaase uu sheegay in hadii ay keeni waayey hubka laga soo qaadi doono, oo lagala wareegi doono.

 

SBC News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada Muqdisho oo markii ugu horeysay Hubkoodii ku wareejiyey Dowlada Somaliya

Last Updated::2007-05-03 14:43:34

 

Muqdisho:- Ganacsatada Muqdisho oo lagu tilmaami jiray kuwa ugu hubka badan Soomaaliya ayaa maanta hubkoodii bilaabay in ay ku wareejiyaan DFKMG.

Munaasabad ka dhacday xarunta Booliiska ee Muqdisho (*komaando boliisiya) ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiin ka socota Ganacsatada iyo madax sar sare oo kamid ah Dowlada Federaalka oo uu hormuud u yahay guddiga Amaanka Qaranka.

 

Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele, Taliyaha Booliiska Soomaaliya Col.Cabdi Qeybdiid, Taliyaha Xooga dalka Soomaaliya iyo Nabad sugida ayaa halkaasi ku sugnaa.

 

Sidoo kale waxaa xafladan kasoo qeyb galay Saraakiisha ka socota Midowga Afrika.

 

151 kamid ah Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey hubkoodii ugu horeeyey dowlada Soomaaliya.

 

Waxaa lagu wadaa in hubka loo kala saaro labo qeybood ayadoo hubkii ugu horeeyey oo isugu jira qoryaha daraan dooriga u dhaca iyo hubka waaweyn ee Tiknikada loo yaqaan lagu wareejiyey Ciidamada Ugandheeska.

 

Shirkadaha ayaa loo sheegay in ay marka hore hubkooda oo dhan ay soo wareejiyaan ayadoo guddiga amniga uu u qoondeyn doonaan hub kooban oo ay shirkadaha codsadeen in ay amnigooda ku illaalshan doonaan.

 

Sarakiisha Ugandha ayaa sheegay in ay hada hubka ku xareyn doonaan xarumo loogu talo galay ayagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin tilaabadan horey loo qaaday.

 

Taliyaha Booliiska Col.Cabdi Qeybdiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale ugu mahadnaqay ganacsatada hada hubkooda wareejiyey asagoo sheegay in tilaabadan ay qeyb ka tahay in ay dowlada hanato dhamaan arrimaha sugida amniga.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkadaha ganacsiga oo bilaabay in hubkooda ay ku wareejiyaan DKMG ah

 

Mogadishu 03, May.07 ( Sh.M.Network) Shirkadaha ganacsiga qaar ee magaalada Muqdisho ayaa maanta hubkoodii ku wareejiyay dowladda KMG ah ee Somalia, ka dib munaasabad arinkaasi lagu muujinayo oo ka dhacday xarunta taliska booliska ee magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada Midowga Africa iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo la wareegay hub fara badan

Ilaa 151 shirkadood ayaa isku diwaan galiyay in hubkooda ay ku wareejiyaan dowladda KMG ah ee Somalia gaar ahaan guddi ka kooban 4 xubnood oo ka kala socda saraakiisha sare sare ee ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa kale oo ka socda ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Muqdisho.

 

Guddiga hubkaan lagu wareejiyay ayaa waxaa ka mid ah taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, Gen. C/laahi Cali Cumar, Taliyaha ciidamada nabad sugidda Max'ed Warsame Darwiish, Taliyaha ciidamada booliska Somalia Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Midowga Africa oo lagu magacaabo Col. vITA.

 

Saraakiisha ayaa waxa ay ugu mahadceliyeen ganacsatada sida kalsoonida leh ee ay hubkooda ugu wareejiyeen dowladda KMG ah ee Somalia.

 

Ilaa 4 ka mid ah shirkadaha ganacsiga gobolka Banadir ayaa hubkooda ku wareejiyay dowladda KMG ah, shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin shirkadaha Hormuud, Telcom, Dahabshiil iyo shirkadda Amal, iyadoo la filayo in shirkadaha kale ay hubkooda wareejiyaan.

 

Hubka maanta lagu wareejiyay dowladda KMG ah ayaa waxa uu isugu jiraa hubka culus iyo mid fudud, iyadoo sidoo kale ay ku jiraan gaadiidka dagaalka iyoq oryo gacmeedyo fara badan.

 

Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo saxaafadda kula hadlay xarunta taliska booliska oo xafladu ay ka dhacday ayaa waxa uu sheegay in talaabadani ay tahay mid horumar leh.

 

Hubka ayaa waxaa la sheegayaa in marka ay la wareegto dowladda KMG ah ka dib ay ku sii wareejineyso Midowga Africa, iyadoo halkaasi laga saarayay gawaari ay ku buufsan tahay astaanta Midowga Africa oo ay ilaalinayeen ciidamo Uganda ka socday.

 

Ganacsatada ayaa waxa ay horey ugu iibsadeen hubka in ay ku difaacdaan maalkooda iyo hantidooda 15 kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo haatana dowladda KMG ah ay ka heleen balan qaad ku aadan amaanka hantidooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hubw1.jpg

Ciidmaada Midowga Africa iyo sarakiil ka tirsan dowladda oo la wareegay hub ay lahaayeen ganacsatada

 

hubw2.jpg

Hub u badan qoryo gacmeedyo oo lagala wareegay ganacsato iyo shirkado

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada Gobalka Banaadir Oo Maanta Hubkuuda Ku wareejiyey Dowladda kMG iyo Ciidamada Nabad-Ilaalinta U Jooga Muqdisho.

Posted to the Web May 03, 09:13

 

MOGADISHU: Qaar ka mid ah Ganacsatada Gobolka Banaadir, ayaa maanta hubkooda ku wareejiyey Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka dib xaflad ka dhacday Xarunta Commando Polizio ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Ilaa 151 shirkado ganacsi ah ayaa la sheegayaa inay soo diiwaan galiyeen islamarkaana ay sheegeen in ay Hubkooda si rasmi ah ugu wareejinayaan Dowladda KMG.

 

 

Ugu yaraan 6-Shirkadood ayaa hubkooda ku wareejiyiyay maanta Dowlada KMG iyo ciidamada AMISOM, kuwaasi oo kala ah : Telecom Soomaaliya , Hormuud Telecom, Dahabshiil Money Transfer, Al-Mustaqbal, Nation Link iyo Amal Express.

 

 

Goobta Hub wareejinta ayaa waxaa xaadir ku ahaa Sarakiil ka tirsan ciidamada Nabad_ilaalinta Taliyaha Ciidamada Ethiopia Gabra, Taliyaha ciidamada Booliska Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Gudoomiyaha gobalka Baanaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere, iyo Ganacstada Gobalka Banaadir.

 

 

Laba cisho ka *** ayaa Dowlada waxa ay ku amartay Ganacsatada Gobalka Banaadir inay muddo 36 saac gudahood ah hubkooda kusoo wareejiyaan.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

 

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada gobolka Banaadir oo Maanta qeybtoodii ugu horaysay hubkooda ku wareejiyey saraakiil katirsan dowladda KMG ah iyo Ciidamada Amisom.

 

May-03-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa Maanta qeybtoodii ugu horaysay hubkooda ku wareejiyey saraakiil katirsan dowladda fadaraalka Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom xaflad Maanta ka dhacday xarunta kumaanda boliisiya ee Magaalada Muqdisho.

 

Munaasabadaan hub wareejinta ah ayaa Maanta ka dhacday xarunta kumaanda boliisiya ee Magaalada Muqdisho.

 

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku wareejiyeen qeybtii koowaad ee hubkooda saraakiisha Ciidamada dowladda fadaraalka Soomaaliya iyo waliba kuwa Amisom.

 

Hubkaasi ayaa waxa ay isagu jireen qoryaha nuucyada kala ah aakeega dabamiinshaaryo baasuukayaal zuugag dhashiikayaal iyo waliba rasaas iyo hub kale oo aad u fara badan.

 

Gudoomiyaha gudiga ganacsatada gobolka Banaadir C/kariin Maxamuud Gabayre gudoomiyaha gudiga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa sheegay in hubkooda ay wareejiyeen islamarkaana muqdisho ay u rajaynayaan nabad iyo hormar weyn.

 

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaalle qeybdiid ayaa sheegay in ganacsatadu ay yihiin dad nabada jecel islamarkaana ay haatan la shaqaynayaan dowladda fadaraalka Soomaaliya. Isagoo sheegay sidoo kale in 151 shirkadood ay hubkooda Maanta ku wareejiyeen dowladda.

 

Taliyaha Ciidamada Amisom korneyl bite inkwella oo isaguna hubkaasi kala wareegay afhayeenka gudiga ganacsatada Cabaas Maxamed ducaale ayaa sheegay islamarkaana u mahadceliyey dhamaan ganacsatada xuligaan sida xoogan hubkooda u wareejiyey.

 

Korneylka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ganacsatada ay hubka ka qaadeen sugayaan amaankooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada Muqdisho oo hub warejiyay

3 May 3, 2007 - 8:01:27 AM

 

Qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga ee gobalka Banaadir ayaa maanta dowlada KMG ah ee Somalia ku wareejiyay hubkooda.

 

Lix shirkadood oo kala ah Telecom Somalia, Hormuud Telecom, Dahabshiil Money Transfer iyo Amal Express ayaa maanta hubkooda si diiran ugu wareejiyay gudiga soo arurinta hubka ee dowlada KMG ah ee Somalia.

 

Taliyaha booliska gobalka Banadir Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo munasabadii maanta hubkaasi lagu wareejinayay oo ka dhacday xarunta Commando Polizio ka hadlay ayaa sheegay in lixdaan shirkadood ay hormuud u yihiin kuwa kale ee dhawana iyagana uu sheegay inay hubkooda soo wareejin doonaan.

 

Qeybdiid waxa uu sidoo kale shegay inay hubkoda soo diiwaan galiyeen 151 shirkadod oo ku yaala magaalada Muqdisho kuwaaso dhamaantood dowlada ku wareejin doona hubkooda.

 

Hubkii ay maanta Ganacstada gobalka Banaadir qaarkood wareejiyeen ayaa iskugu jiray kuwa waa weyn iyo kuwo fud fudud intaba, iyadoo ay jireen gawaari Teknika ah.

 

 

Munaasabadii maanta hubka ay ku wareejinayeen qaar kamid ah ganacsatada gobalka Banadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga, Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale "Qeybdiid", Gudoomiyaha gobalka Baanaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Max'ed Dheere, iyo Ganacstada gobalka Banaadir.

 

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo ganacstada gobalka Banaadir ay DF ku wareejiyan hubkoda kadib markii dhawaan dowlada ay ku amartay inay muddo 36 saacadood ah kusoo wareejiyaan.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this