Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Al-Shabaab Unites With Raaskambooni

Recommended Posts

Munaasabad ay ku midoobeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Mucaskarka Raaskaambooni ayaa maanta waxa ay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 

Kadib kulamo xasaasi ah oo maalmihii ugu dambeeyay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay uga socday Saraakiil sar sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Saraakiil katirsan Xoogaga Raaskaambooni oo kamid ahaa Ururadii ku bahoobay Xisbul Islaam ayaa maanta waxaa uu kulankooda ku soo gabagaboobay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 

Kulankaasi oo mudo dhowr maalmood ah soconayay ayaa waxaa gabagabadii hogaamiyaashii ka qeybgalay ay isku raceen in ay ku bahoobaan magaca Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo ay maanta ku soo biireen Xoogaga Raskambooni.

 

Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf oo kamid ah Saraakiishii Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo munaasabadii kulankaasi lagu soo gabagabeeyay maanta ka hadlay ayaa waxa uu aqriyay qodobo dhowr ah oo ay ku midoobeeyeen labada dhinac.

1. In la mideeyo dhamaan Mujaahidiinta labada dhinac

2. Raadinta Midnimada Muslimiinta.

3. in loo howlgalo dhismaha dowlad Islaam ah oo hirgalisa Shareecada Alle.

 

Sidoo kale waxaa kulankaasi Saraakiishii ka hadashay kamid ahaa Sheekh Maxamed Muxumud Dulyadeyn oo kamid ahaa Saraakiisha Raskambooni, waxaana uu madasha kulankaasi ka aqriyay magacyada Saraakiishii labada dhinac u saxiixay qodobadii la isku afgartay oo ahaa in lagu midoobo Magaca Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, waxaana kamid ahaa dadkaasi.

 

1. Sheekh Xasan Turki

2. Maxamed Muxumad Dulyadeyn

3. Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubayr

4. Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

 

Dhinacyada maanta kulankooda uu ku soo gabagaboobay magaalada Baydhabo oo kala ahaa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Xoogaga Raaskambooni islamarkaana ku midoobay magaca Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa Saraakiisha labada dhinac ee halkaasi ka hadlay ay sheegeen in Xoogaga kale ee ay isku mowqifka yihiin ay soo dhaweenayaan islamarkaana ay albaabada u furunyihiin iney kamid noqdaan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabab.

 

Xoogaga Raskaambooni oo maanta kamid noqday Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa horay waxa ay uga mid ahaayeen 4-Urur oo ku bahoobay Ururka Xisbul Islaam, waxaana qaar kamid ah Saraakiisha Xoogaga Raskaambooni ay dagaal kula galeen qeybo kamid ah gobolada Jubooyinka Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

 

Ma jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay hogaanka sare ee Ururka Xisbul Islaam oo ku aadan ku biiritaanka Raaskaambooni ay ku biireen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab marka laga reebo in gudoomiye ku xigeenkii Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Turki oo isugu kamid ahaa Saraakiishii la sheegay in uu qeybgalay kulankaasi islamarkaana wax ka saxiixay qodobada ay isku afgarteen labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this