Sign in to follow this  
Jabhad

Ciidamada Ethiopia oo isku balaarinaya dhulka umada Soomaliyeed.

Recommended Posts

Jabhad   

Boosaaso:-Nuqul ka mid ah heshiiskii ay soo kala galeen waftigii uu hogaaminayey Madaxweyaha Dawlad Goboleedka Puntland Cadde Muuse iyo Dowlada Itoobiya ayaa soo gaaray Xafiiska allsanaag.com ee magaalada Boosaaso waxaa ka mid ahaa qodobadii lagu soo heshiiyey in 4000 oo ciidamada Itoobiya ay yimaadaan Puntland.

 

4000 kun ee Ciidamada Itoobiya waxay kala degi doonaan labo xero oo kala aha Garoowe iyo Laasqoray waxaana la sheegay in ay wax ka qaban doonaan nabada gobolada Puntland iyo in ay tababar siin doonaan Ciidamada Daraawiishta Puntland.

 

2000 kun oo ka mid ah Ciidamadaa waxay iman doonaan maalmaha soo socda Degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag lamana garanayo sababta dhabta ah ee ay halkaas u imanayaan madaama ay Laasqoray ka mid tahay degaanada Puntland kuwa ugu Nabada badan.

 

Mar aan caawa xiriir la samaynay siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag waxay noo sheegeen in Ciidamadaa loo keeni doono sidii loo guran lahaa kheyraadka ku jira Degaamadaas oo hada ka hor uu dagaal ku dhexmaray maamulka iyo Ciidamada Degaanka.

 

Dhinaca kale waxaa la sheegey in ay ka mid tahay qorshaha maamulka oo ka soo hor jeeda in la hirgeliyo Dekeda Laasqoray sidaas awgedna la keeno ciidamo ka hor taga in la hir geliyo dekada.

 

Muuse Ahmed

 

allsanaag.com

http://allsanaag.com/Details.asp?id=1259

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ciidamada Ethiopian ah oo degay Kala Beyrka

1 Apr 1, 2007 - 5:55:19 AM

 

Ciidamo Ethiopian ah oo ka yimid xadka gobalka Hiiraan uu la wadaago dalka Ethiopia oo shalay soo gaaray deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan ayaa fariisimo ka dhigtay deegaanka Kala Beyrka oo 23 KM u jirta magaalada Baladweyne.

 

 

 

Ciidamadaan Ethiopian-ka ah ayaa la sheegay inay dhufeyso adag ka sameysanayaan deegaanka Kala Beyrka iyagoo degan xarumo muhiim ah oo halkaasi ku yaala.

 

 

 

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Xuseen Muxumed Maalin oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in ciidamadaasi ay degeen Kala Beyrka isla markaana ay halkaasi ka fulin doonaan howlo ammaanka gobalka lagu sugayo.

 

 

 

Xuseen Muxumed waxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Ethiopian-ka iyo ciidamada Dowlada KMG Somalia ee gobalka Hiiraan oo iskaashanaya ay howl-galo ka sameyn doonaan gobalkaasi gaar ahaan magaalada Baladweyne.

 

 

 

"Ammaan xumada ka jirta gobalka Hiiraan gaar ahaan Baladweyne wax badan ayaan ka qaban doonaan toddobaadka soo socda, waxanaa ugu baaqayaa dadka Hiiraan ku dhaqan inay u hogaansadaan awaamiira maamulka ayna guryahooda ku sugnaadaan inta howlgalka uu socdo" ayuu yiri Gudoomiyaha Hiiraan.

 

 

 

Ciidamadaan Ethiopian-ka ayaa u muuqada kuwa is hortaagya gurmad kooxaha ka dagaalmaya Mudisho uga yimaada gobolada dhexe.

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO.

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Ciidamada_Ethiopian_ah_oo_degay_Kala_Beyrka.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

4000 kun ee Ciidamada Itoobiya waxay kala degi doonaan labo xero oo kala aha Garoowe iyo Laasqoray waxaana la sheegay in ay wax ka qaban doonaan nabada gobolada Puntland iyo in ay tababar siin doonaan Ciidamada Daraawiishta Puntland

Well, I think its time the Warlord President consdidered carving his region to Ethiopia & Swap region five for patriotic Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this