Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Indhacade Released

Recommended Posts

Dowladad Uganda oo sheegtay in ay sii daayeen Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde.

 

Afhayeenka ciidamada Militariga wadanka Uganda ayaa si rasmi ah u sheegay in ay ciidamada Militariga ay sii daayeen Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga kaasoo xukuumadda Uganda ay sheegtay in si qaldan uu ku soo galay wadanka Uganda islamarkaana ay xireen qaar ka mid ah ciidamada Uganda.

 

Masuuliyiinta ayaa sheegay in masuulkaasi uusan ku soo wargalin imaanshiyihiisa wadanka Uganda iyagoo sheegay in uusan wax xariir ah la soo sameyn Maamulka dalka Uganda.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee Uganda ayaa shaaciyay in Yuusuf Max’ed Siyaad Inadhacadde uu lug ku soo galay dalkaasi Uganda isagoo ka yimid dalka dariska la ah ee Kenya taasoo sare u qaaday shakki dhinaca amaanka ah oo ay muujiyeen qaar ka mid ah ciidamada wadanka bariga Africa ku yaala ee Uganda.

 

“Saakay ayaa la siidaayay Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde,waxaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen habeenimadii xalay,markii aan go’aansanay qofka uu yahay,marka aan ogaanay sidoo kale cida uu yahay ayaan sii deynay masuulkaasi,mana loola dhaqmin sida maxbuus oo kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenku.

 

Masuuliyiinta wadanka Uganda ayaa baaritaano ku sameeyay si ay u helaan xog dheeraad ah oo ku saabsan soo galida wadankaasi iyo sida ay isaga ugu suura gashay in uu galo wadanka Uganda gaar ahaan Magaalada Kampala sida uu sheegay Afhayeenka.

 

“Waxaan la soconay Masuulkaan iyo Waliba qaababkii loo xiray,Waxaana ugu dambeyntii aan ogaanay in uu yahay wasiir ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya isagana waa uu inoo sharaxay,Xaqiiqiyan waxaa ay aheeyd in uu nagu soo wargaliyo imaanshihiisa haday aheeyd diyaarad iyo hadii ay aheeyd lugba waxayna aheeyd in uu ku soo gaaro wadanka safar dhinaca hawada ah isaga oo ah masuul ajanabi ah oo booqasho ku yimid wadanka Uganda”Sidaasi ayuu warbahinta u sheegay Afhayeenka ciidamada Uganda.

 

Dhanka kale Safaaradda dowladda KMG ee Magaalada Kampala oo aan Xariir la samaynay ayaa masuul u hadlay waxaa uu sheegay in Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad indhacadde uu yahay nin xor ah.

 

Safiirka dowladda KMG ee wadanka Uganda waxaa uu sheegay in Wasiiru dowlahu uu kulamo la leeyahay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda,waxaana lagu wadaa in saacahada soo aadan uu saxaafadda kula hadlo gudaha wadanka Uganda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this