Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Gen. Cadde Muuse: Cursing the Puntland People to Stand for War

Recommended Posts

CADDE MUUSE: “War Ilaaheey Qalbiga ha idiinka qaadee miyaan iska difaaci karin afartaan keliya, dagaalkana ma aha mid diineed ee waa mid Qabiil”

 

November 6th, 2006

 

 

Abdikarim I. Adan E-mail: webmaster@goobjoog.net

 

Gen. Cadde Muuse

 

Madaxweyanaha Maamul Gobolleedka Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka Mudug, isagoo sheegay in ay ka hor tagayaan weerar kasta oo kaga yimaada Maxkamadaha Islaamiga oo uu ku tilmaamay dad ku gabanaya kitaabka ALLE, markaasoo uu ugu baaqay dadweynaha reer Puntland in ay ka hor tagaan Maxkamadaha.

 

“Waxa keliya ee laga rabo Puntland maanta waxay tahay in laga abuuro qalalaase, dagaallada lagu soo qaadayna ma aha mid diineed ee waa mid qabiil, daqiiqad ka hor ayaa ley sheegay, waxaa la igu yiri waxay ka soo baxeen Gelinsoor, waxay u soo socdaan Bandiiradleey, Galkacyo ayaa loo socdaa, War Ilaahay Qalbiga idiinka qaadyayee. War afartan keliya miyaa la iska celin waayay, xagga iyo xagga ayaa nalaga soo socdaa war xageed tiigsanaysaa” ayuu yiri Cadde Muuse.

 

Madaxweynaha ayaa fasiraad dheer ka bixiyay dhaq-dhaqaaqa Maxkamadaha Islaamiga waxa uuna si carro leh u yiri “Dagaalada ay nagu soo qaadeen ma aha mid diineed ee waa mid qabiil” wuxuuna ugu baaqay ciidamada Puntlan iyo shacabkooda in ay u istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen nabaddooda iyo deganaanshaha gobollada Puntland.

 

Source: www.goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this