Sign in to follow this  
Juje

Nuur Caade Axmed C/Salaan plotted my arrest Maxamed Dhere + Audio

Recommended Posts

Juje   

Maxamed Dheere oo ka hadlay xariggiisa

 

20080219175438dheere.jpg203.jpg

Maxamed Dheere ayaa ka warramay sidii loo xiray

 

Max'ed Cumar Xabeeb oo ah guddoomiyihii hore ee Banadir ayaa BBC uga warramay sidii loo xiray, & sida loo sii daayey isagoo sheegay inuu dhisayo xisbi siyaasadeed oo tartama.

Maxamed Dheere ayaa xariggiisa ku eedeeyey inay ka dambeeyeeen ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde), iyo ra'iisul wasaare ku xigeenkiisa, Axmed Cabdisalam Aadam.

Mr. Xabeeb ayaa sheegay in 22-kii maalmood ee uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay, isagoo intaas raaciyey in isaga iyo nin laal xiray-ba, aan wax su'aal ah laga weydiin sababihii loo soo qabtay.

Maxamed Dheere, ayaa beeniyey eedeymo sheegay inuu doonayey inuu soo celiyo hoggaamiye kooxeednimadiisii hore, isagoo sheegay inuu si nabadgalyo ah xilka uga dagay.

Maxamed Dheere ayaa sheegay in isaga iyo saraakiisha Ethiopia ee uu u xirnaa, oo ahaa kuwa ay markii hore isla shaqeyn jireen, inay is-afgarteen, isla markaana aanuu wax cuqdad ah u qabin.

 

Xisbi siyaasadeed

Maxamed Dheere, oo ka warramayey mustaqbalkiisa siyaasadeed, ayaa sheegay inuu marka hore ku laaban doono magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sheegay inuu kasoo dhisi doono xisbi siyaasadeed, oo sida uu sheegay si dimoqraadiyad ah uga qeyb qaadan doona hanaanka siyaasadeed ee dalka.

 

Audio

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this