Sign in to follow this  
Juje

Zenawi wants change....!

Recommended Posts

Juje   

Ra,iisal waasaraha Itoobiya oo baadi goob ugu jira labadii shaqsi oo lagu badali lahaa Geeddi iyo Cabdulaahi Yuusuf

Adis Ababa

Ra,iisal wasaarha Dalka Itoobiya oo xiligaan u taliya labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jira laba shaqsi oo isfahmi karta ee uu ku badalo Raiisal wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynha DFKMG si uu helo nasasho yar oo tan hadda heysata uu ga bixi la haa isagoona labada masuul ee xiligaan ka taliya Soomaaliya u arko kuwa aan taageero fiican ka heysan shacabka Soomaaliyeed badina aheyn kuwa isfahmi karo si wanaagsana u wada shaqeyn karo..

 

Itoobiya oo xiligaan xoog ku joogta Soomaaliya ayaan haddana heysan taageero yar oo shacabka ah taasoo keentay in habeen iyo maalin lagu weeraro goobaha ay ka dagan yihiin Muqdisho.iyagoona la meel yar ay u ciirsadaan .

 

Ra,iisal waasaraha Itoobiya Melaz Sanaawi oo horay u sheegay in fashil uu ka soo gaaray fargalinta uu ku sameyay Soomaaliya ayaan hadda ka quusan sidii uu saxiibo ugu yeelan lahaa Soomaaliya madaama uu u arko in Soomaaliya ay tahay meesha lagu bur burin karo xukunkiisa kali taliska ah .

 

Qilaafka ka dhex jira Madaxweyne Yuusuf iyo Geeddi ayaa soo shaacbaxay markii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu dadaal ugalay in xilka Raiisal wasaare Geeddi uu ku wareejiyo Mudane Cali mahdi Maxamed uu Yuusuf u arko shaqsi isku keeni karo kooxaha Diidan Dowladiisa iyo in uu yahay shaqsi ka bixi karo xiligaan adag ,arinta oo ayaa fahmay in xilka looga wareejin rabo Cali Mahdi ayaa isagana dadaal ugu jira si booskiisa u xajisan la haa Cabdulaahi Yuusufna meel iska saari lahaa Taasoo dhalisay in ay cuuryaanto howshii looga fadhiyey DFKMG soona gaarsiisay ilaa heerkaan cakirsan ee Jahwareerka ku riday shacabka Soomaaliyeed

 

Ra,iisal waasaraha Itoobiya Melaz Sanaawi ayaa isagana u xusul duubanayo labadii shaqsi uu ku badali lahaa Madaxweynha iyo Raiisal wasaaraha Soomaaliya isagoona sheegay labadaasi masull uu siiyey jaanis 3sano ah waxna ay ku qabsan wayey kadibna keentay in uu raadiyo shaqsiyaad u dhaama labadaasi masuul..

 

Dadka wax saadaalyo yaa sheegayo in labada shaqsi ay yihiin Maxamed Dheere iyo Xasan Abshir Faarax waloow ay noqon karaan shaqsiyad kale oo aan xiligaan ka dhex muuqan masraxa siyaasada Soomaaliya .

 

Warkaan oo aan ka helnay xubno ka tirsan Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay AdisAbaba kuwaas oo warka si hoose uu uga soo dusay

 

 

Maxamed Nuur Cabdi Dayniile,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this