Sign in to follow this  
Jabhad

Ciidamadama Uganda oo ka walaacsan Joogitaanka Ciidamada Itoobiya...

Recommended Posts

Jabhad   

Ciidamada Uganda ayaa markii hore lagu keenay dalka Soomaaliya in marka ay soo dhameystirmaan ay Ciidamada Itoobiya si dhaqsi leh uga bixin doonaan gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee arintaasi ilaa iyo hadda Ciidamada Itoobiya waxaa lagu waramayaa in ay ka lug jiidayaan.

 

“Ciidamada Itoobiya ayaa carqalad ku ah dadaalada nabadda ah ee ka socda Magaalada Muqdisho” ayaa laga soo xigtey sarkaal u hadlay Ciidamada Uganda oo sheegay in Ciidamada Uganda ay dib isaga laaban doonaan dalkoodii haddii aysan Ciidamada Itoobiya ka bixin Soomaaliya.

 

Goobihii ay Ciidmada Uganda la wareegay ayaa waxaa ka jira xasilooni, waxayna Saraakiisah Ciidamada Uganda ay sheegeen in ay dhexdhexaad ka yihiin dagaalada ka socda Muqdisho.

 

Wararka ka imaanaya dalka Uganda waxay sheegayaan in dadka reer Uganda ay aad uga walwalsan yihiin ciidamadooda jooga Muqdisho.

 

Haweenay ayaa ku catowday “Aaway ciidamadii kale ee Midowga Afrika ka imaanayey, ma ciidamadeena ayaa la shirqoolay”, iyadoo inta badan shacabka reer Uganda ay qabaan fikirka ay qabto Haweeneydaasi.

 

 

Ciidamada Uganda Lama Geyn Doono Meelo Ka Baxsan Magaalada Muqdisho

 

Ciidamada Uganda ee jooga Muqdisho lama geyn doono meelo ka baxsan magaalada Muqdisho, sidaas waxaa tiri Wasiira-Dawladeedka Difaaca Ugandha, Ruth Nankabirwa.

 

"Si xeel dheer ayaan ula soconaa dagaalka ka socda Soomaaliya, waxaana ku baraarugsanahay tiro ahaan in aan yar nahay. Nolosha askartayada kuma biimayn doono meel ka baxsan Muqdisho." ayey tiri Ruth Nankabirwa. [Akhri: UPDF to stay in Mogadishu].

 

http://www.somalitalk.com/2007/mar/23mar0107.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this