General Duke Posted June 21, 2009 Dagaalkii ka socday isgoyska sanca oo sii xoogeysatay iyo hub culus oo lagu isku adeegsanayo [/ Dagaalkii maanta sida gaas gooska ah uga socday isgoyska Sanca ee waqooyiga muqdishoee u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kooxaha mucaaradaka ee isbiirsaday Al shabaab iyo xisbul Islam ayaa haatan sii xoogeystay iyadoo la isku adeegsanayo hubka kiisa ugu culus. dagaalka xoogiisa oo haatan bilowday ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya madaafiic maqalkooda uu shacabka muqdisho ku cusub yahay waxaana qoryaha la isku adeegsanayo laga maqlaayaa qeybo badan oo ka tirsan magaalada muqdisho. Dagaalka oo galay maalintiisii seddexaad ayaa weli wax natiijo ah aysan ka soo bixin iyadoo dagaal kalena uu ka socda degmada kaaraan halkaasoo ay isku faro saarayaan ciidamada dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda. Qasaaraha dagaaladan muddo seddex maalmood ee xiririka galay ayaa la sheegayaa inay tahay mid sii kor dheysa iadaoo cusbitalada Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dad dhaawac ah oo intooda badan helin karin gar gaar caafimaad madaama dhaqaatiirta iyo dawadu ay yar yihiin marka loo eego tirada dhaawaca ee cusbitlada yaala. Waxaana sidoo kale deeganada dagaalada ay ka socdeen ka barakacay kumaanan ruux oo naftooda u la cararay meel ay ku nabad geleyso kuwasoo aysan jirin meel ay ciirsadaan waxaana intooda badan ay u barakacayaan duleedka Muqdisho iyo dadka qaar oo qaxaya dhinaca xeryaha qaxootiga dalka Kenya. Dagaalada Muqdisho ka socada ayaa u eg kuwa rajo beel ah oo aan aysan jirin cid isku howl gelineysa inay xabad joojin kala dhex dhigto labada dhinaca, waxaana dowlada iyo mucaaradkuba ay haatan u heelan yihiin dagaalo ka sii socda Magaalada muqdisho. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 21, 2009 Barakicii ugu ballaarnaa abid oo maanta ka socda xaafado cusub oo ka tirsan Waqooyiga Muqdisho. Barakicii ugu ballaarnaa abid ayaa maanta ka soconaya xaafado cusub oo ka tirsan Waqooyiga Muqdisho,kadib markii ay dagaalada saameyn ku yeesheen,waxaana dagaaladan ay yihiin kuwa ku soo faafay xaafadaha waqooyi. Kumanaan dad ah ayaa ka cararaya Xaafado ka tirsan Degmooyinka Shibis, C/casiis, Kaaraan ilaa Boondheere,waxaana dadkan oo jahwareersan ay yihiin kuwo la' meel ay afka aadiyaan oo ay naftooda ku bad badsadaan. Barakaca dadkan ayaa ka dambeeyay kadib kolkii labada dhinac ciidamada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ay dagaalada ku dhex marayaan gudaha xaafadaha rayidka,taasoo keentay inay isaga baxsadaan. Labada dhinac oo wali ay ka go'an tahay inay shacabka dhexdooda ku dul dagaalamaan ayaa iska dhaga tiraya baaqyo loo jeedinayo,waxaana kooxaha mucaaradka u cad inay la wareegaan magaalada inteeda kale oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda. Kumanaanka dad ee isaga cararaya degmooyinkaas ayaa u qaxaya Deegaanada lagu barakacay ee duleedka Muqdisho, sida ceelsha biyaha iyo degmooyinka ka xasiloon dagaalada, taasoo suura gal tahay in dagaalada ku fidaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites