Sign in to follow this  
Gabbal

Shabelle back on the air.

Recommended Posts

Gabbal   

Dolwadda Somalia oo xayiraadii ka qaaday idaacado ay ka mid tahay Shabelle

 

 

Mogadishu 16, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Idaacadaha Shabelle ayaa dib u bilowday howlaheeda warbaahineed, ka dib markii ay u aamusneyd 24 saacadood amar ka soo baxay dowladda KMG ah ee Somalia.

 

Dib u howl-galinta idaacadda Shabelle ayaa waxa ay timid, ka dib markii saraakiil ka tirsan waaxda nabadsugidda dowladdda kulan gaar ah ay la qaateen Mas'uuliyiin ka tirsan Idaacdda Shabelle oo ay la socdaaan Madaxda idaacadaha Hornafrik, Qur'aanka kariim iyo xafiiska TVga Aljazeera, kaas oo looga hadlayay saameynta ay yeelatay aamusnaanta warbaahinta shaqooyinkooda la joojiyay iyo waxyaabo kale oo ay ku jirto in laga wada shaqeeyo nabadgalyada caasimadda iyo dalka intiisa kale.

 

Kulankaan oo qaatey saacado badan ayaaneey jirin wax shuruud ah oo lagu xirey dib u bilaabidda shaqooyinkeeda idaacadda shabelle iyo idaacadihii lala xirey shalay.

 

Kulankaan oo qaatey saacado badan ayaa Mas'uuliyiinta idaacadaha iyo saraakiisha dowladda ay isla garteen in dib loo howl-galiyo.

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this