Sign in to follow this  
guraad

Las Anod people coming out of their houses screaming ( WE WANT UNITED SOMALIA) .

Recommended Posts

guraad   

Mudaharaad ka dhacay magaalada Laascaanood

 

(Radio Lascaanood) 07.12.2003 Mudaharaad lagu xusayo 7 disenbar oo loogu magac daray maalinta badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood.

 

 

7 bishan ayaa ah sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey maalintii Madaxweynaha maamulka isku magcaabay S/land laga saaray magaalada Laascaanood.

 

 

Ururka Indheergaradka Nugaal godan ayaa soo qaban qaabiyey mudaharaadadan oo ay dad kumanaan gaadhayaa ay socod ku mareen jidka dheer ee dhex mara magaalada iyagoo isu soo ururay duleedka saldhiga booliska.

 

 

Qaar ka mida ah aqoonyahanada ayaa hadalo kooban halkaasi ka soo jeediyey iyagoo xusay ragii ku shahiidey oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen naftood hurayaal ka badbaadiyey dhulkooda kala go`doonayaasha.

 

 

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay oo ka war bixiyey sidii ay maalintani wax u dheceen qaar ka mid ah maamulka Puntland oo iyagu sheegay in loo baahan yahay in la illaaliyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

 

 

Radio Lascaanood 07.12.2003 Mudaharaad lagu xusayo 7 disenbar oo loogu magac daray maalinta badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood.

 

 

7 bishan ayaa ah sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey maalintii Madaxweynaha maamulka isku magcaabay S/land laga saaray magaalada Laascaanood.

 

 

 

Ururka Indheergaradka Nugaal godan ayaa soo qaban qaabiyey mudaharaadadan oo ay dad kumanaan gaadhayaa ay socod ku mareen jidka dheer ee dhex mara magaalada iyagoo isu soo ururay duleedka saldhiga booliska.

 

 

 

Qaar ka mida ah aqoonyahanada ayaa hadalo kooban halkaasi ka soo jeediyey iyagoo xusay ragii ku shahiidey oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen naftood hurayaal ka badbaadiyey dhulkooda kala go`doonayaasha.

 

 

 

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay oo ka war bixiyey sidii ay maalintani wax u dheceen qaar ka mid ah maamulka Puntland oo iyagu sheegay in loo baahan yahay in la illaaliyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Gabayo iyo buraanburo ayay suugaan yahaynada degaankan iyo haweenkuba ku maaweelinayeen dadkii halkaasi isugu soo baxay.

 

____________________________________________________________________________________________________

 

 

Dibad bax lagu qabtay Laas-Caanood iyo warar kale

- Sunday, December 07, 2003 at 13:20

 

 

Laascaanood (AllPuntland) – Toddobada Disember oo ku beegneyd maalintii uu magaalada Laascaanood tegay Maaxweyneha Somali-lanad Daahir Riyaale Kaahin, isla markaasna laga cayriyey isaga iyo weftigii la socdayba halkaas.

 

 

Dadka deegaanka ayaa maalintaas ku tilmaamay maalin la badbaadiyey qaranimada ummadda Soomaaliyeed.

 

Sida ay sheegtay idaacada Midnimo dad aad u badan oo isugu soo baxay gurigii laga cayriyey Daahir Riyaale ayaa waxaa ka khudbeeyey oo hadalo qiiro leh ka soo jeediyey Aqoonyahano aad u badan oo uu ka mid yahay Prof. C/laahi Sanjab oo isugu tilmaamay in tani ay tahay mid loo baahan yahay in taariikhda la geliyo oo diiwaan cusubna loogu sameeyo ummadda Soomaaliyeed, wuxuu kaloo Profesoorku ku tilmaamay maalintaas in ay aheyd maalintii ugu horeysay ee la isku dayey in Soomaaliya la kala gooyo hase yeeshee ay dadka deegaankan iyo Puntlandba ay ka dhiidhiyeen, waa siduu hadalka u dhigaye

 

 

 

Wallow dad badani ka soo horjeensadaan in dibad badxaas la qabto misna waxaa xoog weynaaday dadweynaha iyagu jecleystay in ay xusaan maalintaas, iyadoo kulankaas ay soo qabanqaabiyeen Urur lagu magacaabo madasha Indheergaradka Nugaal Godan, kuwaasoo xafiiska xafiiska ay ku leeyihiin magaalada L/caanood ay shirar uga socdeen maalmihii la soo dhafay, taasoo ay ugu diyaar garoobayeen siday maalintaas ugu sameyn lahaayeen aqoonsi iyo xus balaaran.

 

 

 

 

Dhinaca kalena waxaa soo gaaraya war qabadka Radio Midnimo ee magaalada L/caanood warar sheegaya roobabka mahiigaana ah ee ka curanaya meelo ka tirsan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo la soo sheegayo in ay isu gudbi la’yihiin gaadiidku gaar ahaan deegaamada Xudun, L/caanood iyo Awrboogeys, waxaana jira dad cabsi ka muujiyey in nolosha dadku ay ciriiri gelayso maadaama aysan haysan raashin kayd ah oo ku filan.

 

 

 

Degmada Taleex iyo nawaaxigeeda ayaa weli ka duwan inta kale ee gobolka Sool iyo Sanaag iyagoo weli ku jira wakhti abaareedkii, raashin ay keentay hayada WFP ayaa la gaarsiiyey gobo ka mid ah deegaamada Awrboogeys iyo Kulaal.

 

 

 

 

 

 

 

 

Gabayo iyo buraanburo ayay suugaan yahaynada degaankan iyo haweenkuba ku maaweelinayeen dadkii halkaasi isugu soo baxay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this