Sign in to follow this  
Xargaga

Somaliland Too Under Ethiopian Umbrella

Recommended Posts

Xargaga   

Somaliland.Org — Addis Ababa, Ethiopia — 26 July, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Waxa habeenimadii Arbacadii laga baahiyey Telefishanka Qaranka Itoobiya ee xaruntiisu tahay Addis Ababa barnaamij socday muddo 45 daqiiqadood oo lagu soo bandhigay warbixin xiiso badan oo laga diyaariyey Somaliland.

 

Haddaba, Mustafe Cali Saalax oo barnaamijkaasi daawaday ayaa waxa uu ka diyaariyay warbixintan:

 

"Xalay [Arbacadii] ayaa si kadiso ah oo aan la sii shaacin waxa uu TV, qaranka ee Itoobiya uu baahiyay barnaamij kooban oo uu kaga hadlaayo xidhiidhka sokeeye ee sii xoogaysanaaya ee u dhaxeeya labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, barnaamijka oo ay daadihinayeen laba wariye iyo koox ka tirsan TV'ga Itoobiya ayaa ku tilmaamay Somaliland ubaxii geeska Afrika.

 

Barnaamijka waxa si aad ah kamarada ugu qabtay wafti ka kooban 14 xubnood oo uu hogaaminaayo wasiirka isgaadhsiinta iyo gaadiidka ee dalka Itoobiya mudane Juneydi Sado, waftigaasi oo iyagu booqday meelo kala gadisan oo ka mid ah dalka Somaliland, sida degmada Wajaale, Caasimada Somaliland, magaalada dekeda ah ee Berbera, waxa si fiican ay waftigaasi uga warbixiyeen iyaga oo ku sugan casimada Somaliland socdaalkooda iyo soo dhawayntooda lagu soo dhaweeyay meel kasta oo ay cagaha dhigaan, waxa ay aad u amaaneen madaxda iyo shicibka Somaliland oo ay ku tilmaameen shicib iyo xukumad dagaal ugu jira sidii ay dalkooda u gaadhsiin lahaayeen dalalka ugu horumarsan qaarada Afrika.

 

Barnaamijka oo ilaa 5 daqiiqo wax aan ka badnayn dib ugu laabtay burburkii iyo halaagii ay soo martay casimada Somaliland ayaa waxa aad uga argagaxay dhamaanba dadkii daawanaayay, hase ahaatee dadkaasi argagaxay waxa isla markiiba soo celiyay dareenkoodii oo ka dhoola cadaysiiyay markii uu barnaamijku uu kamarda ku soo qabtay Hargaysa oo wada iftiimaysa oo nalkeedu baxaayo, iyo iyada oo ay soo saareen dhismayaal aad u quruxbadan oo ay ka horbaxayaan dhir cagaaran iyo ubxayaal aad u quruxbadan, waxa ay soo saareen Hargaysa oo ay baabuur aad u xad dhaaf ahi ay dhex marayaan qaarkoodna ay wataan haween, aan haba yaraatee looga baqaynin, in la dhaco baabuurtooda, waxa sidoo kale laga daawaday ciidamada booliska wadoooyinka iyo booliska caadiga ah oo iyaga oo bilaa hub ah hawlahooda si caadi ah u wata isla markaasna koox koox u wada socda iyaga o wata baabuurtooda iyo iyaga oo adeegsanaaya lugahoodaba.

 

Waxa laga soo saaray barnamijka oo lagu qabtay kamarada, duqa Hargaysa iyo Duqa Wajaale, wasiiro dhawr ah oo ka tirsan xukumada Somaliland, mareeyaha dekada Berbera iyo wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, gabagabadii barnaamijka ayaa waxa ay TV-ga soo diyaariyay barnaamijkani ay wax ka waydiiyeen oo soo fadhiisiyeen xarunta TV-GA laba sarkaal oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya, taasi oo ay saraakiishaasi waydiiyeen aragtidooda ku aadan labada dal, waxa ay isla qireen in xidhiidhka labada dal uu wanaagsanyahay dhawaana ay labada dawladood gaadheen heshiisyo wax ku oola ah isla markaasna ay dawlada Itoobiya ay xukumada Somaliland la garab taagntahay hiil iyo hooba wax kasta oo la soo gudboonaada, labdan sarkaal mid ka mid ah ayaa sii qaatay hadalkiisa oo sheegay in ay isha ku hayaan rag qas iyo qalalaase ka wada Somaliland oo doonaaya in ay dalkaasi iyo wadamada jaarkaba ay gaadhsiiyaan ololahooda ay xagaasi ka bilaabyaan taasi oo amniga Itoobiyana ku noqon karta halis, ragaasi oo uu sarkaalkaasi ku sheegay in ay lug ku lahaayeen maxaakiimtii laga adkaaday ee qaska iyo hawlaha argagaxisdaba ka waday meelo badan oo ka mid ah caalmka iyo geeska Afrika, sarkaalkaasi oo aan sharaxin ragaasi cida ay yihiin hadana waxa uu carabka ku dhuftay in uu tiraba dhawr jeer booqday Somaliland, xagaasna ay ka jiraan xukumad iyo sadex xisbi qaran isla markaasna ayna aqoonsanayn oo ayna la kulmi doonin kuwa sheegtay ururo cusub, sarkaalku waxa uu qiray in ay isku dayeen in ay la soo xidhiidhaan xukumada Itoobiya hase ahaatee arintaasi waa lagu diiday, waananu la soconaa hawlahooda iyo dhaq dhaqaaqyadooda ay ka wadaan Somaliya iyo Somalilandba waana in ay ka waantoobaan falalka noocaasi oo kale ah ayuu ku soo khatimay sarkaalkaasi hadalkiisa."

 

 

Xigasho: Jamhuuriya

 

labdan sarkaal mid ka mid ah ayaa sii qaatay hadalkiisa oo sheegay in ay isha ku hayaan rag qas iyo qalalaase ka wada Somaliland oo doonaaya in ay dalkaasi iyo wadamada jaarkaba ay gaadhsiiyaan ololahooda ay xagaasi ka bilaabyaan taasi oo amniga Itoobiyana ku noqon karta halis, ragaasi oo uu sarkaalkaasi ku sheegay in ay lug ku lahaayeen maxaakiimtii laga adkaaday ee qaska iyo hawlaha argagaxisdaba ka waday meelo badan oo ka mid ah caalmka iyo geeska Afrika, sarkaalkaasi oo aan sharaxin ragaasi cida ay yihiin hadana waxa uu carabka ku dhuftay in uu tiraba dhawr jeer booqday Somaliland, xagaasna ay ka jiraan xukumad iyo sadex xisbi qaran isla markaasna ayna aqoonsanayn oo ayna la kulmi doonin kuwa sheegtay ururo cusub, sarkaalku waxa uu qiray in ay isku dayeen in ay la soo xidhiidhaan xukumada Itoobiya hase ahaatee arintaasi waa lagu diiday, waananu la soconaa hawlahooda iyo dhaq dhaqaaqyadooda ay ka wadaan Somaliya iyo Somalilandba waana in ay ka waantoobaan falalka noocaasi oo kale ah ayuu ku soo khatimay sarkaalkaasi hadalkiisa."

 

Very Sad Indeed . A clear proof to this is that After Couple visits by Ethiopian gov officials to Somaliland. today Daahir Riyaale Daringly ordered the Arrest of Peopple like Engineer maxamed xaashi, Gaboose, and caydiid. Its Time now for those calling themselves real somalilander to act If not then the Whole project is a Sham. Whoever that knows the History of Engineer maxamed xaashi cilmi would not tolarate for an EX- Basaas humiliate the dignity of this individuals. And If ethiopia has hand in this it has to know that its testing dangerous waters.

 

Apart From the few Psychophants. I would like to hear the opinions of The real patriotic Somalilanders about this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada Booliska ayaa saaka subaxnimadii hore qabqabtay siyaasiyiinta ugu sarraysa hoggaanka ururka QARAN, isla markaana u taxaabay xabsiga.

 

Ciidamada Boolisku waxay guryahooda oo ku yaalla meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah ka soo qabqabteen, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha ururka Qaran, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Guddoomiyekuxigeenka ururkaas iyo Jamaal Caydiid, waxaana isla saaka loo qaaday Xabsiga Mandheera.

 

Xadhiga siyaasiyiintaas oo la filayey ilaa Khamiistii Dorraad, waxa la fuliyey saaka subaxnimadii hore, abbaaro 6:00 aroornimo.

 

Laba ka mid ah, siyaasiyiintaas, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Inj. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa iyaga waaranka ama amarka qabashadooda ay xukuumaddu gacanta ku haysey ilaa Khamiistii, halka Jamaal Caydiid isla saaka Maxkamadda la geeyey, si looga xalaaleeyo xadhigiisa.

 

Wax dhibaato ahi kama dhicin qabashada siyaasiyiintaas oo lama filaan ku noqotay dadweynaha Hargeysa, laguna baraarugey barqadii saaka markii loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera.

 

Ururka Qareennada Somaliland, Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE iyo dad kale oo badan ayaa hadda abaabulaya shirar jaraa'id oo ay kaga hadlayaan xadhiga siyaasiyiintaas.

 

Wixii ka soo kordha kala soco halkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

More By Hussein Ali Noor

 

HARGEISA, Somalia, July 28 (Reuters) - The government of the breakaway Somali republic of Somaliland on Saturday arrested three politicians planning to form an opposition party, in a move diplomats said could hurt its bid for sovereignty. Security forces arrested the leader of the Qaran political association, Mohamed Abdi Gaboose, and his deputies Mohamed Hashi Elmi and Jamal Aideed Ibrahim, and charged them with founding an illegal organization and creating instability.

 

A regional court ordered the three held at Mandera prison.

 

Somaliland permits by law only three political parties, a situation which Qaran has criticised repeatedly.

 

It wants voter registration -- due earlier this month -- to go ahead so that it can gain the numbers it needs to be among the three legally recognised parties ahead of presidential elections due on April 15.

 

All three existing parties, including that of President Dahir Rayale Kahin, oppose that.

 

"We strongly condemn the arrest of the leaders of the political organization. We strongly urge that they immediately be released," said Mohamed Saed Hirsi, chair of the Somaliland Lawyers' Association.

 

The government had no immediate comment.

 

FUNDS AT RISK

 

Diplomats say the arrests may put at risk funds which the government hoped to get for local elections due later this year.

 

"This would obviously jeopardise the democratic process the international community is willing to support," said a Nairobi-based diplomat who declined to be named.

 

"By doing so, Somaliland is probably jeopardising its efforts to gain recognition for its sovereignty."

 

Somaliland, in the northwestern corner of Somalia bordering Ethiopia, broke away from the rest of the country in 1991, when warlords overthrew last national president Mohamed Siad Barre.

 

Since then, the former British Somaliland has pushed for sovereignty on the grounds that it was separate for a few days after independence in 1960 until it joined the former Italian colony of Somalia to form the modern state.

 

The African Union and its predecessor body have generally preferred to keep nations within the colonial borders at independence to discourage a flood of separatist movements.

 

Somaliland has won some in the international community to its side, but is still struggling to gain critical mass. It refuses to have anything to do with the interim government in the rest of Somalia, which also claims Somaliland.

 

Meanwhile in Mogadishu, gunmen late on Friday fired rockets at a hotel housing delegates to a national reconciliation conference seen as the last good chance for the interim government to gain peace and boost its legitimacy.

 

No casualties were reported.

 

Insurgents from a militant Islamist movement the government drove out of the capital with Ethiopian help in late December have attacked the conference since its start on July 15, though none has directly hit the venue. (Additional reporting by Guled Mohamed in Mogadishu)

 

AlertNet news is provided by

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Too Under Ethiopian Umbrella

And this is news today?

 

Xabash inay Soomaaliya dhan maamusho, including Waqooyi Galbeed, qof wax u jeedo la socday. It is a sad reality and only can be overcome by a true, Soomaali midowdo oo gacmaha isheysto as it happened in Axmed Gurey's time, in 1964 and '77; haddii kale hal halkaas ay u cuneyso ayee waligeed u cunee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this