General Duke Posted July 22, 2008 Muqdisho: Ciidamada Dowladda KMG oo saakay Howlgal ka wada degmada Xamar Weyne 22. Juli 2008 Muqdisho(AllPuntland)-Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay howlgal ballaaran ka wada qeybo ka tirsan degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho,howlgalkaasi oo ciidamadu ay la beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah oo lagu tuhunsan yahay iney xiriir la leeyihiin dhibaatooyinka nabadgelyo xumo. Howlgalkan oo shalay ka bilowday degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir kadib markii shalay kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen Fannaanka Soomaaliyeed Cumar Nuur Baasharax xili uu marayey agagaarka Via Roma ee degmada Xamar Weyne. Ciidamada Dowladda oo si xoogan u jooga wadooyinka luuq luuqa ee degmada Xamar Weyne ayaa gaadiidka baaraya iyo dadka saran iyadoo si weyn loo adkeeyay amaanka degmadaasi maadaama ay ka mid tahay goobaha ugu xasiloon ee fariisinka u ah Dowladda KMG. Tiro Dhalinyaro ah ah ayaa shalay ilaa saakay lagu qabqabtay degmadaasi kuwaasi oo la dhigay xabsiga Afar Irdood ee degmada Xamar Weyne, dadkaasi oo baaris kadib la sii daayo halka kuwo gaar ah weli lagu haayo xabsiga, waana howgalkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca degmada Xamar Weyne inta la og yahay. C.M.Cali AllPuntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites