Sign in to follow this  
Jacaylbaro

One Person Dies During a Fighting in Galkayo

Recommended Posts

Israsaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta qaar ka mid ah masuuliyiinta isku heysta Maamulka Galmudug ku dhexmartay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Wararka laga helayo hoteelka MBC oo ku yaala Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday shaqaaqo la sheegay in ay u dhaxeysay maleeshiyaad uu watay gudoomiye ku xigeenka Barlamanka ee Maamulka Galmudug Garabka uu hogaaminayo Max’ed Axmed Caalin iyo sargaal ka tirsan Maamulka kale ee uu hogaaminayo Axmed Shariif Cali Hilowle.

 

Israsaaseynta oo dhex martay ciidamo ay kala wateen masuuliyiintaasi ayaa waxaa inta la ogyahay ku geeriyooday hal qof halka labo kalana ay ku dhaawacmeen sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen saraakiisha Caamifaadka ee isbitaalka koofureed ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Jawiga halka ay israsaaseyntu ka dhacday ayaa la sheegay in ay in mudo ah kacsaneyd,waxaana la sheegayaa in qilaafka ka dhaxeeyay labadaasi masuul uu ahaa mid in mudo ah soo jiitamayay hase ahaatee maanta ay keentay in ay isku rasaaseeyaan bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

 

Israaseynta labadaani masuul ayaa waxaa ay timid kadib markii ay isku qabsadeen sugida Amaanka Hoteelka MBC oo la sheegay in ay ku shirayeen islmarkaana lagu heshiisiinayay beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano hoostaga gobolka Mudug,waxaana la sheegay in xilikaasi kadib ay rasaas is weydaarsadeen ilaalada labada Masuul.

 

Arintaani ayaa waxaa ay imaanaysaa xili Masuuliyiinta isku heysta Mamulka Galmudug mudooyinkii ugu dambeeyay ay warbaahinta isku dhaafsanayeen hadalo lidi isku ah kuwaasi oo si weyn looga hadal hayay magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this