Sign in to follow this  
guraad

Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Imaatinka Riyaale Oo London laga qabanqaabinyo.

Recommended Posts

guraad   

London,06-03-04 Sabti:-Dadweynaha Soomaalida ah ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska Gaar ahaana Magaalada London ayaa waxa ay abaabul ugu jiraan sidii ay u soo qorshayn lahaayeen bannaanbax aad u Balaadhan oo lagaga Soo horjeedo Booqashada Riyaale uu ki imanayo Dalka Ingiriiska.

 

 

Booqashadan Riyaale ayaa la sheegayaa in aanay dawlada Ingiriisku wax shaqo ah ku lahaynn oo ay casuumeen hay'ado NGO Ah, waxaana la sheegayaa in tigidhada iyo kharashka ku baxaya safarkan ay bixiyeen oo ay qaadhaameen maalqabeeno ay ka mid yihiin Ninka Iska leh Shirkada Xawaalada ee Dahabshiil , Ina Boodhle,ninka iska leh Huteelka Ambastoor, Indha Deero iyo Rag kale oo badan.

 

Warar xog-ogaala ah ayaa waxa ay sheegayaan in ay doonayaan Riyaale iyo Kooxda la socotaa in ay safarkan ku kala bixiyaan gobolo badan oo ka tirsan Ingiriiska, si ay gacan maris u soo sameeyaan, markii uu istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsi , gaar ahaan xoolaha nool iyo bagaashkii oo siyaasad xumida Riyaale isku taagay.

 

Mudaharaadadan ayaa waxa qaybweyn ka qaadan doona dadka Soomaalidaha ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska iyaga oo ka hortagaya in lama jara habaabiyo ra'yal caamka Ingiriiska, waxaana hadda socda shirar lagu abaabulayo Mudaharaadkaas, iyada oo ay hormoodka yihiin mudaharaadkan jaaliyada u dhalatay Gobollada Sool, Sanaag Iyo Cayn, oo doonaya in ay muujiyaan in ay midnnimada Ummadda Soomaaliyeed tahay mid Muqadas ah.

 

Magaalada London ayaa waxaa iyaguna abaabul ka wada , qomiyada ka soo jeeda beelaha *****, oo iyaguna u ololaynaya in ay qabtaan muddaharaadyo lagu taageero imaatinka Riyaale, waxayna culayska Saareen sidii ay dad aad u tiro badan u soo jiitaan iyaga oo Kharash aad u tiro badan adeegsanaya oo ay bixiyeen ganacsadata ay Hormoodka ka yihiin , Ina Boodhle iyo Dahabshiil.

 

Waxaana ay dadka Telefoonada Mobilka aha ama kuwa gacanta lagu qaato u dirayaan dhanbaalo, ay kaga codsanayaan in ay kala soo qaybgalaan Dibad baxaas.

 

 

 

London

 

www.RadioLaascaanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this