Sign in to follow this  
Muhammad

Muhammad Ali Clay oo Nabad ugu Baaqay Soomaalida Munaasabadda Ciidda

Recommended Posts

Muhammad   

ali2.jpg

Muhammad Ali

 

 

Somalitalk: Boqorka Feerka Adduunka Mudane Muhammed Ali Clay oo nabad ugu baaqay Soomaalida munaasabadda Ciidda Socdaal nabadeed la filayay Muhammed Ali inuu ku yimaado Minnesota oo la baajiyay.

 

Qaar ka tirsan waxgaradka Soomaaliyeed ee Minnesota ku nool ayaa in muddo ahba qaban qaabinayay booqasho uu ku iman lahaa Minnesota Mudane Muhammad Ali hase yeeshee ma suurtoobin caafimaadkiisa awgeed balse wuxuu codsaday in fariin nabadeed laga gaarsiiyo umadda Soomaaliyeed. Kim Vidt oo ah xoghaytiisa gaar ka ah oo khadka telefoonka igula soo hadashay ayaa waxay tiri sidan “ Mudane Muhammed Ali Clay waa uu la socdaa dhibta ku habsatay 13kii sano ee u danbaysay umadda Soomaaliyeed iyo dawlad la’aanta iyo shirarkii badnaa ee waxba ka soo bixi waayeen. Asaga iyo qoyskiisaba aad ayay uga tiiraanyaysan yihiin dhibta haysta ummadda soomaaliyeed yar iyo weynba.”

 

Kim oo hadalkeedii sii wadata waxay tiri “Muhammed Ali Clay waxa uu codsnayaa in Soomaalida laga gaarsiiyo meelkasta oo ay joogaan inuu u rajaynayo nabad, horumar, iyo dawlad badbaadisa inta ka hartay”.

 

source: read more...

 

Qore: Maxamuud Nuur Wardheere

mnwardere@yahoo.com

Minneapolis, Minnesota, USA

Nov 25, 2003

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this