Xaaji Xunjuf Posted September 16, 2010 Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Nairobi Kula Kulmay Ra’iisal-wasaaraha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya Nairobi (Jam)-Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Ra’iisal-wasaaraha dalka Kenya Mr. Raila Odinga iyo madaxweyne-ku-xigeenka dalkaa Mr. Stephen Kalonzo Musyolka. Kulanka dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Kenya iyo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo ka dhacay xafiiska Raila Odinga ee magaalada Nairobi, waxa lagaga wadahadlay xaaladda nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xidhiidhka Somaliland, Kenya iyo guulaha Somaliland ay ka gaadhay xagga dimuqraadiyada iyo horumarka. Sida lagu sheegay qoraal wargeyskan Jamhuuriya ka helay waftiga, waxa Dr. Maxamed Cabdillaahi oo wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku joogaan Nairobi uu ra’iisal-wasaaraha Kenya u gudbiyey dhambaal uu uga siday madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Qoraalka wasiirka arrimaha dibeddu kaga hadlay kulamada uu la yeeshay Ra’iisal-wasaaraha iyo madaxweyne-ku-xigeenka Kenya oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sedan: “Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa Arbacadii shalay la kulmay Ra’iisal-wasaaraha dawaldda Kenya, Mudane Raila Odinga. Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha, waxaa lagaga wada hadlay xaaladda nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xidhiidhka Somaliland iyo Kenya iyo guulaha Somaliland ay ka gaadhay xagga dimuqraadiyadda iyo horumarka. Wuxuu munaasabaddan wasiirka ugu gudbiyay Ra’iisal-wasaaraha farriin uu ka siday Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, taasoo nuxurkeedu ahaa sidii xidhiidhka Somaliland iyo Kenya looga dhigi lahaa mid waxtar cusub ku soo kordhiyey labada waddan iyo labada shacab. Waxa kaloo farriinta ka jiray mahadnaq uu Madaxwaynuhu ugu mahadceliyey dawladda Kenya weftiga Baarlamaanka Kenya ka socday ee ka qaybgalaya munaasibaddii dhaarta madaxwayne Axmed-Siilaanyo ee 27 kii bishii July ee sannadkan ka dhacday Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland wuxuu si wayn ugala hadlay Ra’iisal-wasaaraha Kenya xidhiidho cusub ee xukuumada Somaliland doonayso inay dhexmaraan labada dal oo ay ka mid yihiin iskaashi xagga tababarada booliska, waxabarshada, tacliinta sare iyo isgaadhsiinta, kuwaasoo Ra’iisal-wasaaraha u arkay kuwa wax tar u yeelan kara labada geesoodba. Ugu dembayn, waxa uu Ra’iisal-wasaaraha Kenya martiqaad u fidiyay Madaxwayne Axmed Silaanyo inuu booqosho ku yimaad dalka Kenya, isagoo ka warramay safar uu ku tagay Somaliland intii aanu noqon Ra’iisal-wasaaraha ee uu mucaaradka ahaa. Waxa kaloo Dr. Maxamed Cabdillaahi maanta [shalay] uu gelinkii dembe xafiiskiisa kula kulmay Madaxwayne-ku-xigeenka dalka Kenya Mudane Stephen Kalonzo Musyolka oo ay ka wadahadleen mawqifkan dalka Kenya ee arrimaha Geeska Afrika iyo qorshooda ku aaddan wax ka qabashada arrimaha xasillooni-darrada ah ee ka jira meelo ka mid aha mandaqadda. Wasiirka Khaarijiga ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hoggaaminayay wafdi ballaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland oo ka kooban 6 wasiir ayaa booqasho ku jooga dalka Kenya. Waxaanu ku jiraa hawlgal diblomaasiyadeed oo kor loogu qaadayo xidhiidhka Kenya iyo Somaliland. Wasiirada kale ee waftiga waxay kale yihiin Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Eng. Huseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Dr. Saad Cali Shire, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday, Wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha mudane Dr. Maxamed Yaasiin Xasan iyo Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud. Waftigan waa kii ugu ballaadhnaa ee ka tirsan xukuumadda cusub ee madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ee dibadda safar ugu baxa tan iyo markii xisbiga KULMIYE talada dalka la wareegay, waxana u socda wasiirada shirar ay la yeelanayaan deeqbixiyayaasha adduunka oo ka mid yihiin Bangiga Adduunka, hay’adaha gargaarka ee Ingiriisksa ee loo yaqaano DFID, hay’adda horumarinta Maraykanka ee la yidhaa USAID, Jimiciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo kuwa kale,” ayaa lagu soo gunaanaday Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 16, 2010 Ugu dembayn, waxa uu Ra’iisal-wasaaraha Kenya martiqaad u fidiyay Madaxwayne Axmed Silaanyo inuu booqosho ku yimaad dalka Kenya, isagoo ka warramay safar uu ku tagay Somaliland intii aanu noqon Ra’iisal-wasaaraha ee uu mucaaradka ahaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 16, 2010 Hmmm ,, Interesting Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 16, 2010 ^^ jacayl ma xafiis beynu iska barbar furana dee lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 16, 2010 Dr maxammad cabdulahi omar wa nin dadaal baddan inkastow af ingrisigisu yahay ti seamanadi reer shefield Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted September 16, 2010 mnnnnn... good development am still not convind by him though jus seems light weight material. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 19, 2010 Some of the Somaliland ministers talking about their visit in Nairobi dawasho wacan http://www.youtube.com/watch?v=3DEksOAMNiU&feature=player_embedded#! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 19, 2010 Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Sheegay in Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi loo soo Rarayo Somaliland Wasiiradii reer Somaliland ee booqashada ku joogay Nairobi oo dalka ku soo laabtay iyo Nuxurka Kulamadii ay la Yeesheen Hay’adaha Caalamiga iyo Dawladda Kenya Hargeysa (Jam)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay xafiisyada hay’adaha Qaramada Midoobay ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya in dhowaan loo soo rari doono dhinaca caasimadda Hargeysa, qorshahaas oo uu xusay inuu yahay mid ka dhashay ammaanka buuxa ee ka jira Somaliland. Wasiirka arrimaha dibedda oo wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayey oo shalay ka soo laabteen socdaal afar maalmood qaatay oo ay ku joogeen dalka Kenya, waxa uu sheegay in xaallada ammaan ee Somaliland laga saaray kaalinta 4aad ee Qaramada Midoobay hore “Waxa imika bilawday qorshihii u horreeyey ee hay’adaha Qaramada Midoobay xafiisyadooda ugu soo wareejinayaa Somaliland, qorshahaasi imika ayuu bilaabmayaa, waana arrin jirta oo Jimciyada Quruunaha ka Dhexaysaa qaadatay, waxayna barbar-socotaa in ammaanka iyo nabadgelyada dalku meel wanaagsan marayso oo darajadii saddexaad ee hore dib loogu soo celiyey,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ka jawaabayey su’aal Gabileynews ka weydiisay waxa ka jira in Qaramada Midoobay xafiisyadooda Nairobi u rarayso dhinaca Somaliland. Weftiga wasiirka arrimaha dibeddu hoggaaminay oo muddo afar maalmood ah joogay dalka Kenya, ayaa sheegay in safarkoodu la xidhiidhay martiqaad ay ka heleen masuuliyiinta Kenya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, halkaasna kulamo kala duwan kula soo yeesheen hay’adaha UN-ka iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi oo ay kala hadleen qaab-dhismeedka horumarka ay Somaliland ugu talogaleen amma u qorsheyeen. Waxa weftigu intaa ku dareen inay masuuliyiinta Kenya kala kulmeen madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ra’iisal-wasaaraha dalkaas, wakiillada u jooga waddamada Maraykanka iyo Denmark, kuwaasi oo ay kala hadleen arrima khuseeya qaddiyadda Somaliland, isla markaana uga mid noqon lahayd ururrada Afrika iyo beesha caalamka. Weftiga oo markii ay ka soo degeen garoonka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa shalay galinkii hore shalay, halkaas oo ay ugu warrameen warbaahinta maxalliga ah. “Safarkayagan oo aannu ku tagnay lixda wasiir wuxuu ka dambeeyey martiqaad aanu ka helnay hay’adaha deeqaha bixiya ee la shaqeeya Somaliland, kaasoo ujeeddadiisa ugu weyn ahayd qorshaha horumarineed ee xukuumadda Somaliland ku talogashay inay ku hagto dalka, maadaama ay yihiin deeq-bixiyayaal ka qaybqaata gargaarka iyo horumarinta Somaliland. Wixii shirkaas ka soo baxay waxa ugu waaweynaa kulamadii aannu la yeelanay hay’adda Bangiga Adduunka iyo Horumarka, hay’adda Qaramada Midoobay, hay’adaha Ingiriiska iyo Maraykanka u qaabilsan xagga horumarinta, waxa kale oo aanu la kulanay deeq-bixiyayaal kale.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo faahfaahin ka siinayey saxaafadda socdaalka weftiga uu hoggaaminayey ku tageen dalka Kenya. Kulankayagaas waxayaabihii ka soo baxay waxa ugu muhiimsanaa, in laysla qaatay in marxaladda cusub ee Somaliland gashay tahay mid horumarineed, barigii hore waxa lagula shaqayn jiray gargaarka degdega ah, iyadoo hay’duhu aaminsanaayeen in kor loo soo qaado awoodda dawliga ah ee Somaliland xagga dawladaynta iyo nabadaynta, annagoo u sheegnay in Somaliland gashay marxalad loo baahan yahay horumarin dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha iyo adkaynta dawladnimada, taasi oo ay ka mid tahay in la ballaadhiyo dekedaha dalka oo la tayeeyo madaarada. Waxa kaloo aannu kala kulanay dawladda Kenya Ra’iisal-wasaaraha Rala Odinga iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Waxa kaloo aanu la kulanay masuuliyiinta safaaradaha dalka Maraykanka iyo dalka Denmark, waxaannu iyagana la kulanay xafiiska Jamciyada Quruumaha ka Dhexaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan wakiilka Somaliland iyo Somaliya, kulankaas oo isna ku saabsanaa xagga siyaasadda, kaas oo ay ka mid tahay sidii Somaliland uga mid noqon lahayd ururrada midowga Afrika. Waxa kaloo aanu ka aanu ogaanay oo naloo sheegay in Qramada Midoobay ka qaadday xayiraadda ay ku soo rogtay Somaliland ay tahay xagga nabadgelyada kaalinta afraad,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 19, 2010 Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Sheegay in Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi loo soo Rarayo Somaliland September 19th, 2010 Comments Off Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Sheegay in Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi loo soo Rarayo Somaliland Wasiiradii reer Somaliland ee booqashada ku joogay Nairobi oo dalka ku soo laabtay iyo Nuxurka Kulamadii ay la Yeesheen Hay’adaha Caalamiga iyo Dawladda Kenya Hargeysa (Jam)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay xafiisyada hay’adaha Qaramada Midoobay ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya in dhowaan loo soo rari doono dhinaca caasimadda Hargeysa, qorshahaas oo uu xusay inuu yahay mid ka dhashay ammaanka buuxa ee ka jira Somaliland. Wasiirka arrimaha dibedda oo wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayey oo shalay ka soo laabteen socdaal afar maalmood qaatay oo ay ku joogeen dalka Kenya, waxa uu sheegay in xaallada ammaan ee Somaliland laga saaray kaalinta 4aad ee Qaramada Midoobay hore “Waxa imika bilawday qorshihii u horreeyey ee hay’adaha Qaramada Midoobay xafiisyadooda ugu soo wareejinayaa Somaliland, qorshahaasi imika ayuu bilaabmayaa, waana arrin jirta oo Jimciyada Quruunaha ka Dhexaysaa qaadatay, waxayna barbar-socotaa in ammaanka iyo nabadgelyada dalku meel wanaagsan marayso oo darajadii saddexaad ee hore dib loogu soo celiyey,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ka jawaabayey su’aal Gabileynews ka weydiisay waxa ka jira in Qaramada Midoobay xafiisyadooda Nairobi u rarayso dhinaca Somaliland. Weftiga wasiirka arrimaha dibeddu hoggaaminay oo muddo afar maalmood ah joogay dalka Kenya, ayaa sheegay in safarkoodu la xidhiidhay martiqaad ay ka heleen masuuliyiinta Kenya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, halkaasna kulamo kala duwan kula soo yeesheen hay’adaha UN-ka iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi oo ay kala hadleen qaab-dhismeedka horumarka ay Somaliland ugu talogaleen amma u qorsheyeen. Waxa weftigu intaa ku dareen inay masuuliyiinta Kenya kala kulmeen madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ra’iisal-wasaaraha dalkaas, wakiillada u jooga waddamada Maraykanka iyo Denmark, kuwaasi oo ay kala hadleen arrima khuseeya qaddiyadda Somaliland, isla markaana uga mid noqon lahayd ururrada Afrika iyo beesha caalamka. Weftiga oo markii ay ka soo degeen garoonka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa shalay galinkii hore shalay, halkaas oo ay ugu warrameen warbaahinta maxalliga ah. “Safarkayagan oo aannu ku tagnay lixda wasiir wuxuu ka dambeeyey martiqaad aanu ka helnay hay’adaha deeqaha bixiya ee la shaqeeya Somaliland, kaasoo ujeeddadiisa ugu weyn ahayd qorshaha horumarineed ee xukuumadda Somaliland ku talogashay inay ku hagto dalka, maadaama ay yihiin deeq-bixiyayaal ka qaybqaata gargaarka iyo horumarinta Somaliland. Wixii shirkaas ka soo baxay waxa ugu waaweynaa kulamadii aannu la yeelanay hay’adda Bangiga Adduunka iyo Horumarka, hay’adda Qaramada Midoobay, hay’adaha Ingiriiska iyo Maraykanka u qaabilsan xagga horumarinta, waxa kale oo aanu la kulanay deeq-bixiyayaal kale.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo faahfaahin ka siinayey saxaafadda socdaalka weftiga uu hoggaaminayey ku tageen dalka Kenya. Kulankayagaas waxayaabihii ka soo baxay waxa ugu muhiimsanaa, in laysla qaatay in marxaladda cusub ee Somaliland gashay tahay mid horumarineed, barigii hore waxa lagula shaqayn jiray gargaarka degdega ah, iyadoo hay’duhu aaminsanaayeen in kor loo soo qaado awoodda dawliga ah ee Somaliland xagga dawladaynta iyo nabadaynta, annagoo u sheegnay in Somaliland gashay marxalad loo baahan yahay horumarin dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha iyo adkaynta dawladnimada, taasi oo ay ka mid tahay in la ballaadhiyo dekedaha dalka oo la tayeeyo madaarada. Waxa kaloo aannu kala kulanay dawladda Kenya Ra’iisal-wasaaraha Rala Odinga iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Waxa kaloo aanu la kulanay masuuliyiinta safaaradaha dalka Maraykanka iyo dalka Denmark, waxaannu iyagana la kulanay xafiiska Jamciyada Quruumaha ka Dhexaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan wakiilka Somaliland iyo Somaliya, kulankaas oo isna ku saabsanaa xagga siyaasadda, kaas oo ay ka mid tahay sidii Somaliland uga mid noqon lahayd ururrada midowga Afrika. Waxa kaloo aanu ka aanu ogaanay oo naloo sheegay in Qramada Midoobay ka qaadday xayiraadda ay ku soo rogtay Somaliland ay tahay xagga nabadgelyada kaalinta afraad,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Source somaliland org Quote Share this post Link to post Share on other sites