Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Madaxweynaha Uganda oo ka khudbad Talo iyo baraarujin ah ka hor jeediyay boqolaal..

Recommended Posts

Madaxweynaha Uganda oo ka khudbad Talo iyo baraarujin ah ka hor jeediyay boqolaal Soomaali ah oo Uganda shir uga socodo.

 

 

Khudbaddii Madaxweynaha oo kooban.

 

Mudanayaal iyo marwooyin, dadkiina Sooomaaliyeed aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aad maanta halkan Intebbe in aad shir Nabadda Soomaaliya aad ku qabsateen, ku soo dhawaada gacmo furan mar kale, Dadka Soomaaliyeed, Oromada, Suudaata iyo qabiil naga tirsan waxay ka soo wada jeedaan jinsiyadda Kushitiga.

 

Aad iyo aad ayaan uga xumahay dhibka ka socda Soomaaliya, runtiina waa arrin xanuun badan, Magaaladda Muqdisho waxaan tegay sanadkii 1992, xilligaas oo ay magaalada ay ka jirtay dhibaatooyin xoog leh haba ugu darneyd Qadkii Cagaarnaa, iyadoo ay ka socdeen dagaallo xun, waxaan la kulmay General Caydiid, sidaas oo waxaan la kulmay Cali Mahdi oo ay dirirtu ka dhexeysay, waxaana kala wada hadlay Nabadeynta iyo joojinya Dgaaladda socda.

 

Dhibaatadii xilligaas socotay ilaa maanta waa socotaa, bal eeg maalinkii aan Muqdisho tagay carruurkii dhashay hadda waa 16-jir xoog leh, welina dagaalkii waa socdaa, mana ahan wax cadaalad ah in dagaalku ilaa maanta uu socodo, ma isku dayi karnbaa in dhammaanteen aan helno xalka dadkiina dhibaateysan, waa arrin cadaaladda ka fog oo wax laga xumaado ah waxa ka dhacaya magaaladda Muqdisho.

 

Daneysteyaal ayaa jira mar kasta waxay ka fikiraa danitooda oo kaliya iyo waxa uu isagu u arko in ay dan u yihiin, Tusaale ahaan haddii uu galo hool ay ku badan yihiin raggu wuu taageraa, haddii dantiisa kaliya uu ka arkayo, isla markii hadana haddii uu soo galo hool kale oo haweenku ku badan yihin wuu is bedelaa, ileen waa daneystee, waxaana ii muuqata in Soomaaliya ay hadda noqotay meel sheybaar ah oo laga ogaan karo waxa uu rabbo, xumaantana lagu tijaabiyo, sidaas daraadeed waxaan idin kala talinayaa in daneyste meesha laga saaro, ileen waa daneystee, wuxuu rabana waa wax iska cad.

 

Waxaan aad ula yaabanahay dadka Soomaaliyeed waa isku Diin, dhammaantiin waxaad tihin Muslim, isku Af oo la iskama kiin turjumo, iku Midabna waad tihiin, sidaas daraadeed maxaa la isku heystaa, Muqdisho waa Soomaaliya, Hargeysa waa SOomaaliay, Puntland waa SOomaaliya, Soomaaliyana waa SOomaalia, side wax u jiraan?

 

Fikir ahaan aniga waxaan aaminsanahay in la kala saaro Diinta iyo Siyaasadda, waayo siyaasaddu waa dhismo wadan, ammaan qaran, shaqaaleysiin, warshado samey iyo hormarinta wadanka, waana wax ka qabashada arimaha markaas taagan oo qaran iyo dadkiisba ay u haaban yihiin, laakiin Diintu waa ku xirnaanshaha Ilaahey iyo ka janno dalbasho, waana xiriirka qofka iyo Ilaahey u dhexeeya oo Ilaahey qofkaas kaligiis la xisaabtamo, laakiin waa in isku ujeedo laga noqdaa Siyaasad wax tar leh.

 

Aniga Qabiilkeygu waa Miyankole, 200-milse ayay deegaan ahaan ka fogyihiin caasimadda, waana qabiil Lo뭠ey ah, wixii ka horeyay 17-sano ilaa 20 sano caanaha lo뭗ooda markii ay listaan iyaga ayaa dib u cabi jiray, laakin dadku waxay barteen is dhex gal iyo in ay caanahooda ku bedeshaan qabiil kale tacab sida galeyda oo kale ah ku jira, sida Bagandhada Kampala degan oo oo miro ama wax soo saar kale ay u soo baxaan, si loo helo is dhex gal ganacsi iyo isku xirnaasho bulshadeed, markaas waxaa meesha soo galaya danta joogtada ah ee isku xirnaanta ka wada shaqeynta Nabadda iyo ka fikirteeda, tusaale ahaa aniga Aabahey waa nool yahay, waa 90-jir, fikirkisa hadda waa mid ka duwan kii hore, wuxuu ka fikirayaa Magaaladda Kampala oo uu ka maqan yahay, waayo haddi wax yar ka dhacaan wuxuu ogyahay in Warshada caanaha lo뭗a ee deegaankiisa u soo safrisaahi ay istaageyso haddii qalalaase dhaco, wxuuna ka fikiraa isku xirnaanta guud ee dadka isku danta ah, marka waa in ay jiraan fikirro isku tagay.

 

Waxaa lagaa rabaa haddii aad warshad yar oo Mootada sameysa aad ka furto tusaale ahaan Kismayo waxaa lagaaga baahan yahay in aad ka fikirto sidii aad ganacsiga ku gaarsiin laheyd Hargeysa oo kale, kaddinna aad East Africa ugu soo gudbin lahey, laakiin haddii aad ku ekaato Kismaayo iyo deegaanka u dhow waxaad ahaaneysaa qof ka xir-xiran caalamka intiisa kale oo muhiimadiisu ay tahay inta yar oo kooban, arrinkaasna waa laga fiican yahay, waxaana keenaya hor뭫mar la뭓anta Africa waa qabiil iyo deegaan yar oo aan laga fikirin qeybaha kale ee muhiimka ah iyo dadkii oo aan wax baran.

 

Isku xirka Ganacsigu aad iyo aad ayuu muhiim ugu yahay Nabadda iyo waaritaankeeda, eeg Wadamada Yurub qolo aan is dilini kuma jiro, waa la is laayay haddan waad arkeysaan hor뭫marka ay gaareen, waana lagama maarmaan in doorkaas ay ciyaaraan ganacsatada Soomaaliyeed, laakiin ku shaqeysida la dhuumashada canshuuraadku waa mid laga fiican yahay.

 

Arrinta kale ee aan aadka ula yaabanahay, isla markaana aan talada ka bixinayaahi waxay tahay, waa maxay Sababta Soomaalidu uga daba wareegto Dowlada ku meel gaar ah? Mar kasta waxaa laga hadlaa KMG, maxaa la is ugu imaan la뭰ahay Dowlad weyn oo permanent, aniga arrinkaas waa iga degi la뭰ahay, Malaga fikiri karaa haddii ay dhammaato 18-ka bilood ee C/llaahi Yuusuf u harsan in la helo dowladda weyn oo shaqeysa, waa in Soomaaliya laga hir galiyaa dowlad nuucaas ah, mise Soomaaliya kale yaa jirta?, maya Somalia is one Nation, sidaas daraadeed Ururadda Bulshada Rayidka ah iyo qeybahah siyaasaddu waa in ay arrinkaas ka shaqeeyaan.

 

Inigu waxaan dagaalka ka soo billaabay duurka ama baadiyaha, waxaana markii aan dagaalka soo wadnay oo ku soo dhawonahay Kampala, sameysanay ugu yaraan 10 qodob oo hir gala marka magaaladdu gacanta noo soo gasho, sida qorshe sameyn, doorasho iyo tastuur qoris, waxaa jirta arrin aan kala hadlay Caydiid oo aheyd in aan xarunta dalka lagu dhex daalamin, runtiina ninkaas wuxuu ahaa nin aqli badan oo warka dhuuxa, haddii laakiin tusalaale ahaan adiga iyo xaaskaaga aad isku dagaashaan jikada dhexdeeda ma heleysaan wax aad cuntaan marka dagaalkiina dhammaado, laakiin haddii qeybaha kale ee guriga aad isku soo dishaan raashinka Jikada yaal waa diin bad-baadayaa, waayo waxaad cunto waad u bahana tahay, waxaana mar kasta haboon in dagaalka laga daayo magaalooyinka wadnaha ah sida muqdisho oo kale.

 

Waan ka qeyb qaadanayaa Nabada iyo wada hadalka SOomaalida, waan jeclahay in la dodo, tusaale ahaa Dagaaladii qaraaraa ee dhawaan Muqdisho ka dhacay waxaan hir galiyay wada hadallo dhex maray dad Soomaali ah oo ka damqaday dagaalkaas, sida Haweneydii uu ka geeriyooday General Maxamed Faarax Ceydiid, marwo KHadiijo Gurxan iyo Ra뭝isul Wasaaraha Itoobiay Meles Zanawi oo runtii KHadiijo ay la murantay Ra뭝sul Wasaaraha, iyadoo aaad uga xanaaqasneyd dagaalka ka socda wadanka, sidaas oo kale waxaan goob joog u ahaa wada hadal dhex maray C/llaahi Yuusuf iyo Khadiido, waxaan dareemayay maadaama ay luuqadooda ku wada hadlayeen in wada hadal wax lagu dhameyn karo, xilli kasta waxaan diyaar u ahay in aan nabadda ka wada shaqeyno.

 

Xaqiiqo ahaan Uganda waxay soo martay mar xalado kala duwan, waxaan soo marnay waqti doorasho la is qiyaanay, sida doorashadii 1962, laakiin waxaan ugu dambeyntii ku guuleysanay nabad waarta iyo doorasho xor ah oo cid la xaqiraahi aysan jirin oo ku dhisan dimoqradiyad, waloow dimoqraadiyadda aad u maleysay in Africa loogu talo galay, Tusaale ahaan Madaxweyne Buush markii uu Africa yimaado waxa ugu badan ee uu ka hadlaahi waa democracy iyo hir galinteeda, laakiin marka uu tago Bariga dhexe ama Sucuudiga oo kale wuxuu kala hadlaa arrinta Shidaadka, ma dhicin in weli uu kala hadlo dimoqraadiyad, waayo weligood qaliijku xitaa ma sameyn hal doorasho oo dowladaha hoose ah.

 

Ugu dambeystii Mudanayaal iyo Marwooyin, dadkiina Soomaaliyeed ee sharafta leh ee halkan iskugu soo aruuray aad iyo aad ayaan mar kale idiin kaga mahadcelinayaa imaatinkiina Uganda, ma jirto cid idinka xigta wadanka, xitaa xaq ayaad u leedihiin in aad codeysaan sida hore u dhacday, ma diidi karno mana diideyno qaxootigiina yimaad ilaalin ayay nagu leeyihiin, sidii aad rabtaan ugu noolaada wadankan, ogaada waa wadankii labaad.

 

 

Waxaa Turjumay: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Email: farahblue_545@hotmail.com

Tel +256 775517089

Intebbe, Uganda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this