Sign in to follow this  
Shilling

Madaxweyne Shariif oo Ra’isulwasaaraha Xukumadda la rabo Ali Jama Jengeli

Recommended Posts

Shilling   

Madaxweyne Shariif oo Ra’isulwasaaraha Xukumadda la rabo Ali Jama Jengeli

 

Mogadishu 16 November 2009 - Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa madaxda dalka Ethiopia u sheegay inuu isbedelada lagu sameeynayo Madaxda sare ee dowladda Federalka Somalia uu ka mid yahay Ra’isulwasaarre Omar Abdi rashiid Ali Sharmaarke oo hada socdaal shaqo ku jooga dalka Italia.

 

Madaxweyne Shariif oo sharciyan aan awood u lahayn inuu xilka qaadis ku sameeyo Ra’isulwasaarre Omar lama ogga dhabaha uu xilka qaadistiisa u mari doono hasse yeeshee hadii ay dhacdo in xilka laga qaado wuxuu Ra’isulwasaaraha cusub u magacaabi doonaa Ali Jama Jengeli oo u dhashay beesha ***** *******, ahna Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukumadda hada jirta.

 

Magacaabista Jengeli ee Ra’isulwasaarenimada waxay tahay mid daba taal heshiis lala galay xilligii khilaafka ba’an uu ka dhaxeeyay Nuur Cadde iyo Abdullahi Yusuf.

 

Ali Jama Jengeli oo ballanqaadka la galay Madaxda geeska Africa iyo diblomaasiyiin reer Galbeeda wuxuu wadaanta siyaasadda la sii daayay Abdullahi Yusuf Ahmed isagoo wareeysi uu siiyay BBC Somali ku sheegay in Nur Cadde gar leeyahay oo Korneyl Yusuf gardaran yahay. Jengeli wuxuu hadalkaas ka jeediyay xilli uu ka qeybgalay Kulankii Qaramadda Midoobay ee beesha Caalamka.

 

Inkastoo Madaxweyne Shariif guluf ugu jiro sidii isbedelo loogu sameeyn lahaa Dowladda Somalia hadana beesha Caalamka waxay si weyn kaga shaqeeynee inay xilka Madaxweynenimada saarta Korneyl Nur Cadde marka Shariif Sheekh Ahmed dhameeysto waqtiga yar ee uga haray jiritaankiisa siyaasadeed, Madaxweyne Shariif wuxuu hore u qaadacay heshiiskii Ra’isulwasaarre Omar la saxiixday Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mr. AbdiRahmaan Faroole waxaana la rumeeysan yahay in khilaafka labada masuul ka biloowday heshiiskaas.

 

Wasiirka Warfaafinta ee Xukumadda Federalka Somalia Sheekh Dahir Mohamud Gelle oo Warbaahinta la hadlayay isagoo jooga Jibouti ayaa riyo maalmeed ku sifeeyay heshiiskii Galkacyo ay ku kala saxiixdeen Omar Abdirashiid iyo AbdiRahmaan Faroole.

 

Wasiirka Warfaafinta oo Madaxweyne Shariif isku dhowyihin wuxuu dafaray jiritaanka heshiiskaas, wuxuuna ku sifeeyay mid aan quseeyn dowladda Somalia laakiin uu yahay mid shaqsiyaad isku ehela ay wada saxiixdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shilling   

Where have things gone sour? First the Shariif enrages Faroole's admin, then the Ahlu Sunna Waljameeca and now it seems he is out to enrage even more investors by picking a fight with Omar Abdirashid Sharmarke, the only honest man left in the TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this