Sign in to follow this  
Jabhad

Xabasho resistance continuees...Somali victory IA.

Recommended Posts

Jabhad   

KHASAARE DARAN OO LALA HELAY ETHIOPIAN KU SOCDAY STADIUM MUQDISHO.

Posted to the Web Mar 31, 16:18

 

MOGADISHU Qiyaastii ilaa Sodomeeyo Askari oo Ethiopian-ah, ayaa lagu dilay halka dhaawacuna uu sare usii dhaafayo intaasi, ka dib markii xalay wadada lagu helay Kolonyo Gurmad u aheyd kuwa ku go'doonsan Stadium Muqdisho.

 

Heesta Maanta : Gusha iyagaa leh

 

 

Kooxaha Kacdoonka wada oo si raxan raxan ah dhufeysyo uga jira Xaafadaha Xaralyaale ilaa Xamar-Bile, ayaa weerar ba'an la beegsaday Kolonyo Ethiopian-ah oo kasoo baxay Villa Somalia, si ay u xoojiyaan Xoogagooda ku go'doonsan Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

 

Madaafiic waaweyn iyo Rasaas xoog leh oo la isku weydaarsaday halkaasi, ka dib ayaa waxaa wadooyinka lagu arkayey maydadka Askar Ethiopian-ah, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

 

hase heeshee qaar ka mid ah Gawaaridaasi Ethiopian-ka ee gurmadka ahaa ayaa ka u gudbay xarunta Xisbiga, halka qaar kalan dib loogu soo riixay dhanka Villa Somalia.

 

Waxaa la arkayey maanta Gawaarida Uralka loo yaqaano oo lagu gurayo maydadka Ethiopian-ka, iyadoona dadka ku sugnaa wadooyinka gawaaridaasi la marsiinayey ay sanka ka wada haysteen urka Baqtiga Ethiopian-ka.

 

Dagaalka ayaa daqiiqad kasta sii kululaanaya wixii kusoo kordha kala soco.. Www.Soomaalinews.com

 

Xafiiska Wararka Soomaalinews

 

Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ciidamada Itoobiya oo laga gubay laba Uuraal agagaarka Leego ee gobolka Sh/hoose.

Posted to the Web Mar 31, 19:23

 

Laba gaari oo ah nooca loo yaqaano Uuraal oo sida ciidamo ku soo wajahan Muqdisho ayey xoogaga muqaawamadu ku qarxiyeen miino meel fog laga xumayo (Remote Control). inta u dhexeysa Leego iyo Belidoogle ee gobolka Sh/hoose, labadaas gaari oo ay ka buuxeen askar Itoobiyaan ah waxa la sheegaya in gebi ahaanba baaba'een.

 

Heesta Maanta : Waa Baa beryey

 

 

Dagaalka ayaa daqiiqad kasta sii kululaanaya wixii kusoo kordha kala soco.. Www.Soomaalinews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

War deg dega:Itoobiyaanka oo ku baaqay xabad joojin iyo Xoogaga Kacdoonka oo wali dagaalka wada

 

War deg dega: kolonyo gurmad Itoobiyaana oo miina kula kacday agagaarka Afgooye

http://www.waagacusub.com/

 

Lego oo Itoobiyaanka looga gubay laba gaari sedex kalana looga qabsaday

 

Muqdisho ,Sabti ,Marso ,31, 2007, Waagacusub Online

 

 

Kolonyo gaadiid dagaal ah oo u soo gurmanayay Ciidamadda Itoobiyaanka ee ku godoonsan Muqdisho ayaa laba ka mida lagu gubay degaanka Lego ee gobolka Sh/hoose sida ay xaqiijiyeen dadka degaankaas.

 

Gudoomiyaha Degmada Lego ayaa sheegay in Ciidamadda Itoobiyanka sidoo kale laga qabsaday sedex gaari oo laba ka mida ay sideen Saad Ciidan halka midka kalana uu yahay Gaari dagaal oo qori Zuu ah uu saaran yahay.

 

Wararku waxay sheegayaan in Ciidamadaas dib u jabeen,waxaana sidoo kale warar kale sheegayaan inay Ciidamadii ka baxay Xerooyinka Maslax iyo CeelCirfiid ka soo wareeganayaan dhinaca Afgooye si ay ugu soo gurmadaan kuwa Muqdisho.

 

Xeeldheerayaasha Melleterigga ayaa la yaabay kaarto dagaalka Ciidamadda Itoobiyaanka ee Muqdisho ku sugan oo ka dhamaan waayay WEEYNII .

 

Taageerayaasha Cabdilahi Yusuf ayaa buufis iyo cabsi gelin ku wado Jaaliyadaha dibada degan iyagoo sheeganaya guulo aysan gaarin .

 

Dowladda Cabdilahi Yusuf ayaa u muuqato mid aan samadda laga aqbalin oo caro alla ku dhacday.

 

 

Maxamed Deeq Muuse Daa'uud { Aar bee dhee }

Suuqa Xoolaha ,Huriwa Muqdisho.

waagacusubonline@yahoo.c

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in in kooxaha ka soo horjeeda ay ka dileen 200 oo Ruux

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 31/03/07

 

Dowladda Ithioobiya ayaa sheegtay in ciidankeeda ka dagaalamaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay dileen 200-Ruux oo ka mid ah kooxaha dagaalka kala dhaxeeyo ee kula dagaalamaya Muqdisho.

 

Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya oo war ka soo saartay dagaalada ku dhex maray magaalada Muqdisho iyga iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay qabsadeen goobo badan oo ka mid ah meelihii ay gacanta ku hayeen kooxaha kasoo horjeeda ayna ka awood roonaadeen.

 

Sidoo kale Waxay wasaarada warfaafinta Itoobiya sheegtay in Ciidamadooda ka dagaalamaya Muqdisho ay gubeen 13 gawaarida dagaalka ah oo ay adeegsanayeen kooxaha kasoo horjeeda, sida ay sheegatay Wasaarada Warfaafinta Itoobiya.

 

Warsaxaafadeedkaas lagu sheegay oo ay ku qirteen ciidamada Itoobiyaanka in laga soo riday diyaarad Helicopter ah , iyadoo sheegaty inay sidoo kale Maxaabiis ahaan ay u qabteen 25-Ruux oo maxaabiis ah.

 

Dhinaca kale ma jiro sheegashada Itoobiyaanka wax beeniyay inay sax tahay iyo in kale, inkastoo la arkaayo gurmad baaxad weyn oo i maanaya ciidamada Itoobiyaanka, waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo dagay Ciidamo lixaad leh oo lagu sheegay inay Kumaados yihiin, sidoo kale waxaa dhinaca dagaalka iyana soo gaaray ciidamo kale oo lugta ah oo soo maray dhinaca Gobolka Sh/dhaxe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Walaahi Rag badan ayaa taariikhda Somalia Baal Mugdiya kagalay.

 

War xagee lagu arkay umada dhan oo taageeraysa cadowga Kirishtaanka ah ee ku soo duulay dalkeena hadana laynay dad Soomali ah oo Islaam ah.

 

Cajiib Sheekhoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Somali violence 'worst in years'

A wounded Somali woman is given assistance by a relative

The number of wounded and killed is unknown

The Somali capital Mogadishu is being wracked by the worst fighting in 15 years, with dozens killed and thousands fleeing the violence, aid agencies say.

 

Fighting resumed on Saturday for the third day, since Somali and Ethiopian troops launched an offensive against Islamist insurgents.

 

Ethiopia said it had killed 200 rebels in the course of the operation.

 

But civilians said the city was being shelled indiscriminately, and that bodies were lying in the streets.

 

The International Committee of the Red Cross (ICRC) said the fighting was the heaviest in Mogadishu in 15 years, since the aftermath of the overthrow of Siad Barre in 1991.

 

 

I saw two of my neighbours get killed - I'm not going to stay here anymore

Mohamed Deq Abukar Aroni

Mogadishu resident

 

Since then the country has been torn by constant fighting. A rare six months of order imposed by the Islamists ended when they were ousted by Ethiopian troops in December.

 

One resident said that, despite the capital's violent past, he had never been forced to leave, until now.

 

"Today I'm fleeing because shells are hitting residential areas indiscriminately," said Mohamed Deq Abukar Aroni, carrying two mattresses on his head, while his children carried belongings in paper bags.

 

"I saw two of my neighbours get killed. I'm not going to stay here anymore," he told the Associated Press.

 

Helicopter hit

 

A doctor at Alhayat Hospital said the building had come under mortar fire, and two staff had been wounded.

 

"Since early this morning I have been hiding here from the mortar shells so I can't help rescue people. I urge the two sides to respect health facilities," Dr Mohamed Dhere told AP on Friday.

 

Smoke rising on the horizon in Mogadishu

Dozens of people died in heavy fighting on Thursday

 

UN Secretary-General Ban Ki-moon appealed for an immediate end to the fighting, saying in a statement he was "particularly concerned about the use of air strikes and the introduction of tanks and heavy artillery into densely populated parts of the city".

Ethiopia's information ministry said 200 members of the Union of Islamic Courts had been killed in the two-day offensive, but there was no independent confirmation of this.

 

Witnesses described how two Ethiopian helicopters fired on a rebel stronghold on Friday, before one of them was hit by an anti-aircraft missile.

 

"Smoke billowed from the cabin and it turned towards the ocean," Swiss journalist Eugen Sorg told Reuters.

 

"It crashed at the south end of the airport runway."

 

A spokesman for Ugandan troops, in Somalia as part of an African Union (AU) peacekeeping force, said they had recovered the bodies of two crew.

 

'Terrorist links'

 

Some 1,700 Ugandan troops are in Mogadishu as the advance party of an 8,000-strong AU force, which is supposed to replace the Ethiopian troops as they gradually withdraw.

 

Somalia's Interim Prime Minister Mohammed Ali Ghedi said the operation would continue in order to restore stability to Mogadishu.

 

"There are some insurgents in the city who have links with international terrorists and are fighting against the government and the people of Somalia," Mr Ghedi told the BBC Network Africa from the Arab League summit.

 

He said plans for the national reconciliation conference in April were under way and they have invited moderate Islamic scholars to the conference.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Madaafiic culus oo maanta markii ugu horeysay intii ay dagaaladu bilowdeen lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

 

Muqdisho, Somalia - Madaafiic culus ayaa Maanta Duhurnimadii lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, taasi oo ay soo tuureen Kooxaha kasoo horjeeda joogista Ciidamada Itoobiyaanka ee Dalka isla markaana la dagaalamaya. Kooxaha ka soo horjeeda Itoobiyaanka ayaa ku garaacay Madaxtooyada hubka artilariga, lamana garanayo khasaaraha uu geystay inkastoo dabaqyada dhaadheer ee Madaxtooyada iyo Xaafadaha kale ee Muqdisho ku yaalla laga Arkayay qiic fara badan oo Xarunta Madaxtooyada ka baxayo.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ee iyagu ku sugan Xarunta Madaxtooyada ayaa kusoo jawaabay Madaafiicda BM-ka oo iyagu u yeeraya sida Firimbiga oo kale, waxaana ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley inkastoo xaafadahaasi badankooda ay yihiin kuwa laga qaxay. Inkastoo la isku adeegsanayo Madaafiicdaasi ayaa hadana waxaanan jirin weli wax guulo ah oo lagu gaaray dagaaladaasi, waxayna weli kala fadhiyaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha kasoo horjeeda isbartiibda Muqdisho Stadium oo ah goobtii markii hore ay ka bilaabatay dirirta.

 

Dagaalka oo weli soconaya ayaa u muuqda maalinba tan xigta in uu sii kululaanayo, waxaana jira in Ciidamada Itoobiyaanka ay 24-kii saacba mar iska badalayaan Ciidamada oo kuwa Cusub oo hor leh ay kusoo biirayaan Dagaalka.

http://www.allgedo.com/Phoenix/warka%20gdanbe%20maanta%20news.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Askar Itoobiyaan ah oo maanta la xaqiijiyay in ay u gacan galeen Kooxaha kasoo horjeeda

 

Muqdisho, Somalia - Dagaalada oo weli ka soconaya Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Xaafadda Xararyaale illaa Xarunta Isbartiibada Muqdisho ayaa warar aanu halkaasi ka helnay waxa ay sheegayaan in Kooxaha wax iska caabinta ay gacanta ku dhigeen askar itoobiyaan ah. Askartani Itoobiyaanka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay kasoo gudbeen goobtii ay difaaca kaga jireen, waxaana lagu qabtay qeyb ka mid ah Xaafadda Xamar bile xilli ay doonayeen in ay ka gudbaan halkaasi una tallaabaan dhanka Isbartiibada.

 

Lama garanayo Tirada askartaasi, hayeeshee Kooxaha Wax iskacaabinta ayaa inta badan lagu yaqaan in markii ay askar gacanta ku dhigeen qaarkood ay gawracaan halka qaarkood kalena ay ku gubaan nolosha hayeeshee kuwani lama garanayo sida ay ka yeeli doonaan. Waa Markii ugu horeysay oo askar nool oo Itoobiyaan ah maalin cad gacanta ay ku dhigaan Kooxaha Wax iskacaabinta, hayeeshee weli ma aysan u soo bandhigin saxaafadda, waxaana la xusuustaa in Askar Soomaali ah oo horey ay gacanta ugu dhigeen in ay siidaayeen.

 

 

Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network

allgedo@allgedo.com

http://www.allgedo.com/Phoenix/warka%20gdanbe%20maanta%20news.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

War Deg Deg Ah: Ciidamada Itoobiya oo baabuurtooda ay miino kula qaraxday jidka u dhaxeeya Baydhabo iyo Muqdisho

March 31, 2007 on 7:48 pm | In Uncategorized |

 

War Baidoa.com ka soo gaaray degmada Leego ee duleedka Buurhakaba ayaa xaqiijinaya in galabta ay laba baabuur oo ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo sahay ciidan ay miino kula qaraxday inta u dhaxaysa Leego iyo Yaaq Bari Wayne. Ciidamada Itoobiya ayaa ku sii jeeday Muqdisho waxayna dadka deegaanka maqleen laba qarax oo waawayn oo loo malaynayo in ay ka dhasheen miino laga xakumo meel fog [remotely controlled mine]. Dad socoto ah oo soo maray deeganka ayaa ku warramay in ay arkeen laba baabuur oo gubsan iyo ciidamo gurmad ah oo ku xoonsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this