Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Jowhar the Safest City in Somalia. PM with Al-Delegation vistit Bar without Armour!

Recommended Posts

Wafdiga Jaamacada Carabta Oo Lug Ku Soo Maray Faras Magaalada Abaarihii 9:30Pm Fiidnimo Ilaa 11:00pm.

 

Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 09/11/05

 

Raysul wasaaraha dowlada federaalka KMG ee Somalia iyo wafdi jaamacada carabta ah oo uu hogaaminayo Samiir Xusni ayaa caawa waxa ay lug kaga soo baxeen guriga uu degan yahay Raysul wasaaraha.

 

Waxaan ka mid ahaa dadkii soo raacay ee la lugaynayey waxaayna isula socdeen raxan raxan waana lawada sheekeysanayey iyadoo Raysul wasaare Geedi iyo Cabdalla Mubaarik oo ah safiirka jaamacada carabta u qaabilsan arimaha Somalia ay si gooni ah isula sheekeysanayeen.

 

Waxaanu soo gaarnay meel baar ah oo laga qaxweeyo oo guriga raysul wasaare Geedi u jirta ilaa 500 oo miter waxaa ayna fariisteen meelihii ka banaanaa shacabkii halkasi ku qaxweeynayey ayaa caadi u ahayd in ay madaxda sare iyo wafdigaba inay isku meel ku qaxweeyaan.

 

Wafdigaani ayaa waxaa ka muuqatay kalsooni aad u wayn maadama qaarkood ay horey u yimaadeen magaalada Jowhar oo amaankeedu heerkaasi marayaan in laysaga dhex lugeeyo iyadoo aan wax dhibaato ka jirin.

 

Wafdigaani ayaa lagu wada in maalinta berito ah ay la kulmaan madaxweynaha JFKMG ee Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed markaasi ka dibna ay saxaafada la hadli doonaan.

Waxaani ayaa ku cusub shacabka somaliyeed inay arkaan ama maqlaan mudo 15sanno ah in madaxda dowlada inay iska dhex mushaaxaan dadweynahooda mana dhicin dfkmg ka hor in nin masuul ah uu shacbigiisa iska dhax maro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi Ka Socda Midowga Yurub Oo Maanta Soo Gaaray Magaalada Jowhar Oo Kulan La Qaatay XFKMG Ee Somalia

 

Wafdi ka socda midowga yurub ayaa maanta soo gaaray magaalada Xarunta u ah dowlada FKMG ah ee Somalia waxaana ay kulan la qaateen madaxda xukuumada.

 

Wafdiga Midowga Yurub waxay ka koobnaayeen Danjiraha Midowga Yurub u jooga Kenya, isla markaana qaabilsan arrimaha Soomaaliya Eric Fender Linda, Richard Hands oo ka tirsan madaxda sare ee xafiiska ururkaas u qaabilsan horumarinta dhaqaalaha, iyo Dr. Waliid Muusa oo xafiiskaas u qaabilsan xagga arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

 

Dhinaca xukuumada Soomaalida waxaa kulanka uga qayb galay Raysal Wasaaraha Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda Prof. Salim Caliyow Ibrow Wasiirka arrimaha dibedda Prof. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Prof. C/risaaq Cismaan Xasan “Jurilleâ€.

 

 

Ujeedooyinka safarka wafdigan ka mid ahaa inay Raysal wasaare Geeddi iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyaan falkii waxashnimada ahaa ee lagu doonayey in lagu dilo raysal wasaaraha markii uu dhowaan Muqdisho socdaalka ku tegey.

 

Iyagoo dhiiri gelin buuxda u muujiyey Raysal wasaaraha, una rejeeyey dadkii ku dhaawacmay fal dembiyeedkaas caafimaad deg-deg ah. Iyagoo kuwii ku dhaawacmayna tacsi tiiraanyo leh gaarsiiyey eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen.

 

Ujeedada kulankani waxay la xiriirtey wafdiga Raysal Wasaaruhu hogaamin doono ee dhowaan tegi doona magaalada Purussels, ee dalka Belgium-ka Barnaamijyada kulamada uu wafdiga halkaas tegayaa la yeelan doono madaxda midowga Yurub, mawaadiicda laga wada hadli doono, sida siyaasadda, nabad gelyada, xasilinta dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.

 

Waxaa xusid mudan inuu midowga Yurub tageero deg deg ah soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobey falkii bahalnimada ahaa ee wafdigii Raysal Wasaaraha lagu weeraray. Iyagoo markiiba u soo diray Diyaarado lagu qaado dadkii falkaas ku dhaawacmay, una qaaday Nairobi oo ay kharashaadkooda iyagu bixinayaan.

 

Wafdigu intii uu Jowhar joogey waxay booqasho sharaf ugu tageen Madaxweynaha Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Waxayna wafdiga Midowga Yurub ka socdey madaxweynaha Soomaliya u sheegeen inaysan hadda ka dib aqoonsanayn inuu jiro khilaaf macno leh oo dawladda Federaalka u dhexeeya waa sida ay hadalka u dhigeene.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this