Sign in to follow this  
Che -Guevara

Shiekh Shariif in Khartoum

Recommended Posts

Let's hope all parties come to their senses and work for the interests of the Somali people.

 

Sheekh Shariif iyo wafdi la socda oo ku sugan magaalada Khartuum

 

August 28, 2006 Markacadeey.

 

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyeha guddiga fulinta golaha maxaakiimta Soomaaliyeed iyo wafdi la socdey ayaa shalay si aan la sii shaacin uga ambabaxay magaalada Muqdisho.

 

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu hogaaminayo Sheekh Shariif ay ku sugan yihiin magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, halkaasi oo uu ka dhacayo kulanka wadahadalka dowlada federaalka iyo golaha maxaakiimta.

 

Lama shaacin tirada wafdiga gudoomiyeha guddiga fulinta, waxayna shalay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Waa markii ugu horeysay ee uu gudoomiyeha guddiga fulinta maxaakiimta Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maxaakiimta ah ay dalka ka dhoofaan, tan iyo markii maxaakiimta ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada.

 

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

 

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Wafdi uu hogaaminayo Shariif Xasan oo ka duulay Baydhabo.

 

Baydhabo(AllPuntland)- Wafdi ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowan ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo iyaga oo ku sii jeeda magaalada Kharduum ee casimadda wadanka Sudan.

 

Wafdiga xukuumadda oo uu hor kacayo gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya aya waxaa safarkiisa ku wehliya in kabadan 31 mudane oo ka tirsan golaha baalamaanka ee dawladda Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku sii sagootiyay xubno ay ka mid yihiin madaxwaynaha Soomaliya Mud, C/laahi Yusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaaraha soomaaliya Proff, Cali Maxmed Geedi.

 

Safarkani oo modooyin badan uu ku yimid dib u dhac ballaaran ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyada oo dhowaan magaalada Kharduum ay gaareen xubno ka socda maxkamadaha Islaamiga ah.

 

Xubnahani ayaa ka hor intii aanay ka duulin magaalada Baydhabo waxa ay kulan la qaateen madaxda dawladda oo hor kacayo madaxwayne Yusuf.

 

Wajiga labaad ee wada hadalada oo ka furmaya magaalada Kharduum ayaa waxaa la filayaa in labada dhinacba ay soo bandhigaan qodobo ay isku dhaliil san yihiin.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this