Sign in to follow this  
Dhubad.

Isgaarsiinta oo laga jaray deegaano hoos yimaada Xuduudda Ethio Somalia

Recommended Posts

Dhubad.   

FEER-FEER: Isgaarsiinta oo laga jaray dhamaan deegaannada hoos yimaada Xuduudda Ethiopia & Somalia

 

 

Feer-Feer (PP) - Wararka ka imaanaya Deegaanno ku dhowdhow xadka ay Soomaaliya iyo Ethiopia ka wadaagaan Dhanka gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gabi ahaan la xannibay isgaarsiinta deegaannadaas ay la lahaayeen Ethiopia iyo Somalia intaba.

 

Arrintaan ayaa ku soo beegantay xilli ay saakay halkaas gaareen ciidammo Ethiopian ah oo xilliyadii ugu dambeeyay ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan, waxaana wararka ka imaanay deegaannadaas ay sheegayaan in halkaas ay ku sugan yihiin ciidamo aad u xoog badan oo Ethiopian ah iyadoo aan la garanayn halka ay afka aadin doonaan.

 

Wararkaan ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Max'ed dheere) oo ciidammo aad u xoog badan wata uu soo gaaray deegaankaas iyadoo lagu wado inuu u soo tallaabo caawa ama maalmaha soo socda gudaha Soomaaliya uuna kula dagaallamo Maxkamadaha islaamiga ah gudaha gobolka Shabeellada Dhexe oo laga fara maroojiyay ciidammo taabacsan 14-kii bishii Juune ee la soo dhaafay.

 

Ma jiraan warar xaqiijinaya in isgaarsiinta loo jaray arrimo ku saabsan howlgallo ay doonayaan inay ciidammo Ethiopia ah ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo in kale, iyo sidoo kale inay ku soo fool leeyihiin ciidamo uu wato Maxamed Dheere.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this