Sign in to follow this  
General Duke

Hypocracy of Sharif Ahmed: Al-qaeda are in Somalia

Recommended Posts

sharif_ahmed_elected.jpgA legendery flip-floper

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ka Hadley Danaha Al-qaacida ee Soomaaliya

 

Cabdiweli Xassan Gooni

Horseed Media

 

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa ka digey in Soomaaliya ay soo waajahdey Khatar Weyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-qaacida u aragto Soomaaliya meel leh Istraatiijiyad gaar ah, waa meel ay ku samayn karto dhaq dhaqaaq aysan ku samayn karin Afqaanistaan ayuu yiri Madaxweynuhu mar uu u waramaayey Joornaal ka soo baxa dalka Talyaaniga oo ka hadla arimaha Ganacsiga laguna magacaabo ‘Il Sole 24 ore’

 

“Alqaacida waxa ay u aragtaa Soomaaliya in ay tahay meel istraatiijiyad gaar ah leh marka la barbar dhigo Afqaanistaan, waxa ay halkan ku samayn karaan shabakad isku xiran, waxa ayna siiyeen muhimad gaar ah, sababtuna ´waxay tahay Soomaaliya oo iska leh Xeeb aad u dheer, Waa khatar dhab ah” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Axmed.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Alqaacida ay ku leeyihiin Xarumo gudaha Soomaaliya ” dhibtu maahan mid Soomaali u keliya ee waa mid heer caalami gaarsiisan, Bulshada caalamku waa in ay cayaartaa door wax ku ool ah, si loo difaaco shacabka Soomaaliyeed iyo dawladooda ee Alqaacida soo weerartey” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed.

 

Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsadey in Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer dawladda Talyaanigu waa in ay na caawintaa, wadamada Yurub waxa ay ku midaysan yihiin in ay nacaawiyaan laakiin dalka Talyaaniga waxaan uga fadhinaa intaas ka badan, waa in ay dawladda Talyaanigu hogaamisaa taageerada wadamada Yurub ee ku aadan Soomaaliya.

 

Shir ka Furmaaya Dalka Talyaaniga

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ku wajahan dalka Talyaaniga si ay halkaas uga qaybgalaan shir looga hadlaayo arimaha Soomaaliya oo maalinta Salaasada ah ka furmaaya Dalka Talyaaniga.

 

Raysalwasare Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaaa in uu Caawa ka baxo dalka Kenya isaga oo ku waajahan Roma halka shariifka laga sugaayo in uu soo gaaro Talyaaniga labada maalmood ee fooda inaku soo haya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this