Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Muqdisho Green Zone ??

Recommended Posts

Q.M oo wada qorshe ay khad cagaaran ay ku marinayso magaalada Muqdisho si ay xafiisyo uga furato

 

 

Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Somalia ayaa waxaa inta badan ka jira dagaalo ay iskaga hor yimaadaan ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia iyo kooxaha Islaamiyiinta ah kuwaas oo kasoo horjeeda jiritaanka iyo Dastuurka Dawlada KMG ah ee Somalia goobo badana gacanta ku haya oo kuyaal caasimada wadanka Somalia.

 

Waxaa shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Somalia wafdi balaadhan oo ka socda Q.M kuwaas oo shirar kala duwan la yeeshay laamaha kala gedisan ee Dawlada gaar ahaana Raysal wasaaraha Dawlada Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Golihiisa wasiirada iyadoo wafdigaasi uu wado qorshayaal fara badan oo U.N-ku xafiisyo uga furanayaan Muqdisho.

 

Wafdida ayaa waxaa hogaaminayay kuxigeenka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Charles iyo Saraakiil sar sare oo ka socota Laamaha Ammaanka, Siyaasada iyo Sama Falka Qaramada Midoobey iyadoo wafdigani doonayaan in U.N-ku xafiisyo ay ku shaqeeyaan ka furtaan caasimada Somalia ee Muqdisho.

 

Wararka aanu ka helayno xafiiska Raysal waraaha ayaa waxa ay tibaaxayaan inuu Raysal wasaaruhu ka aqbalay qorshaha khadka cagaaaran lagu marinayo caasimada Somalia ee Muqdisho khadkaas oo ay ku shaqayn doonaan xafiisyada U.N-ka iyo laamaha kale ee ajanabiga ah kuwaas oo ka hawl geli doona caasimada Somalia ee Muqdisho.

 

Hadaba arintan ayaa waxaa horay usoo jeediyay wakiilka Q.M u qaabilsan arimaha Somalia Ahmed Walad Cabadalla kaas oo xusay in xafiisyada Q.M ee Somalia ee ka furan Nairobi laga soo rari doono ayna khadka cagaaran ku shaqaynayaan sida wadamada Afgaanistaan iyo Ciraaq kuwaas oo Q.M xafiisyo ku lee dahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this