Sign in to follow this  
Emperor

Alshabaab promise fiece fighting against the Ethiopian troops entering Somalia

Recommended Posts

Emperor   

Muqdisho: " Itoobiya ha iska dayso hadalada aan waxba uqaban karin, hadii ay soo laabato dhiig badan ayaa uga daadin doona Soomaaliya, waxaana kula dagaalami doonaa gudaha dalkooda" Masuul sare oo ka tirsan Al- Shabaab.

21. maj 2009

 

 

Print This Article | Daabaco warkaan

Muqdisho(AllPuntland )- Ururka Al- Shabaab oo awood balaaran ku leh koonfurta Soomaaliya, qeybna ka qaatay dagaalkii ciidamada Itoobiya looga saaray Soomaaliya ayaa ku eedeeyey dowladda Itoobiya in ay dooneyso in ay markale ciidamadeeda ku soo celiso gudaha dalka Soomaaliya.

 

War ka soo baxay Al- Shabaab ayaa lugu sheegay in ay Xukuumada Addis Ababa ciidankeeda soo galisay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalka Hiiraan oo ah goob muhiim ah, waxaana warka Al- Shabaab lugu sheegay in ay xarakada Al- Shabaab qaadi doonto howlgalo looga soo horjeedo ciidamadaasi.

 

Afhayeen uhadlay Al- Shabaab lana hadlay Tv-ga ku hadla Afka Carabiga ee Al-Arabiya ayaa sheegay in ay qaadanayaan talaabo kasta oo ay kaga hortagayaan ciidamada dowladda Itoobiya, isagoo sheegay in ay horay Soomaaliya uga saareen ciidamada dowladdan Itoobiya.

 

" Hadii ay Itoobiya joojin weydo ciidamada ay keenayso gudaha Soomaaliya, talaabo cad ayaan ka qaadaynaa, waxaana ugu baaqeynaa in ay goor-horeba ay joojiyaan ciidamada ay keenayaan Soomaaliya, hadii kale gudaha Itoobiya ayaan kula dagaalami doonaa" Ayuu yiri Afhayeenkan oo magaciisa ka gaabsaday.

 

Hadal hayeenka ayaa intaasi ku daray in ay qabsadan doonaan guud ahaan Koonfurta dalka Soomaaliya oo nabad ka dhalin doonaan, kuna xukumi doonaan Shareecada Islaamka, isagoo sheegay in ay caasumada Soomaaliya intooda badan ay ayagu kataliyaan, isagoo sheegay in aysan dowladda Soomaaliya meelna ka talin.

 

Hadalka Al- Shabaab ayaa ku soo beegmaya markii ay ciidamada dowladda Itoobiya todobaadkan soo gaareen Sadex bilood ka mid gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Baladweyne meel aan wax badan ka fogeyn, waxayna dageen Wadada muhiimka ah ee isku xirta Koonfurta & gobalada kale ee Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this