General Duke Posted March 4, 2009 Wasiirka Amniga iyo kan arimaha Gudaha Puntland oo guda galay Xal u helida Dagaalka ka dhacay Degmada Ufayn ee Gobolka Bari Nabdoonada Gobolka Bari Bosaso:-Wasiirka Wasaarada Amniga Puntlnad Cabdilaahi siciid Samater iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha General ilkajiir ayaa Maanta Gelinkii Dame wax ka galay sidii loo qaboojin lahaa Xiisada Coladeed ee ka taagan Tuulada Kobdhexaad iyo Degmada u fayn oo aan wax sidaasa u kala Fogayn Waxaana la sheegay inay wasiiradaasi xiriiro la samaynayaan 2dhinac isla markaasina isku dayayaan Inay Marka hore Degaala joojiyaan markaasi ka dibna wax yaabaha la kala tirsanayo ay gogol u furaan. Wasiirkadan ka socda Xukuumada Puntland ayaa Awoodoodu tahay oo kaliya inay xaliyaan Ama sugaan Amaanka lakiin wixii wada Xajooda Ama heshiisyo ah maaha arin ay gali karaan Xaalad beleed owgeed,Lama sheegin ilaa haatan Halka ay wax marinayaan Wasiiradani Lakiin Warar hoose ayaa sheegay inay beelaha wada hadaladoodu ugu damayey ay caawa u fariisanayaan. Dagaalkan ka dhacay Gobolka Bari gaaar ahaan Degaanka Ufayn ayaa waxa uu ka dhashay Arimo baraago ah oo ay isku Maan dhafeen beelo agaasi wada dega Waxana la sheegay inay tirada Dhimashadu haatan sii cagacagaynayso ilaamaa 10 Ruux oo aan la sheegin dhinaca ay u badan yihiin. golaha Wasiirada Maamulka puntland ayaa ka soo Ambabaxay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland,halka Gobolka Barina uu ka tegey Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Gelle Yuusf Faroole iyo Xubno kale oo ka mida Maamulka Gobolka Bari. Maxamed Axmed Ciise Radio Dhahar Quote Share this post Link to post Share on other sites