Sign in to follow this  
Jacaylbaro

LA: Criminals Arrested and To be Charged Soon

Recommended Posts

Ciidamada booliiska magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa bilaabay howlgalo ay dadku soo qabqabteen howlgalkaas oo wali ka socda magaalada .....

 

 

Ciidamada booliiska ayaa qabqabtay Dad boob u gaystay qaar ka mid ah meheradaha magaalada laascaanood xiligii dagaaladu ka socdeen agagaarka magaalada dadkaas oo in mudo ah ay booliisku ku raadjoogeen , waxaa kaloo iyana gacanta lagu dhigay Dhalinyaro La sheegay inay haysteen isgaadhsiinta Fooneeyaha Loo yaqaan kaas oo ay u adeegsan jireen Waxyaabo lidi ku ah amaanka guud ee gobolka sida uu Afnugaal.com saaka u xaqiijiyey Taliyaha ciidamada Booliiska Xuseen Taarwale...

 

Sidoo kale waxaa ay ciidamada Booliisku Soo qabteen wariye C/casiis Saleebaan oo hada ku jira xabsiga dhexe ee magaalada laascaanood , wariye C/Casiis oo berito maxkamada la soo taagi doono isaga iyo eedaysanayaal fara badan ayaa ku eedaysan sida booliisku sheegeen faafin warar aan sal iyo raad toona lahayn iyo iska horkeen bulshada reer Somaliland iyo tan gobolkaba , eheleda wariyaha xidhan oo ka codsatay ciidamada Booliiska in la siidaayo Wariyaha isla markaana ay damaanad qaadi doonaan waxii khalad ah ee danbe ayay usuuroobi wayday waxaana ay booliisku ku wargaliyeen inay maxkamada horgayn doonaan maalinta berito ah..

 

Ciidamada Amaanka Laascaanood ayaa shaqadooda labanlaabaya waxyar ka dib markii la dhamaystiray dhisida maxkamada gobolka iyo tan degmada laascaanood oo iyagu hada si toos ah ushaqaynaya

 

Ugu danbayntii Hogaanka ciidanka booliiska Laascaanood Col Xuseen Taarwale ayaa uga digay warbaahinta wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ayna ilaaliyaan anshaxa saxaafada , Col Taarwale ayaa intaasi ku daray in ciidamada booliisku fasax u haystaan soo qabashada cidkasta oo nabada deegaanka lidi ku ah isagoona ku baaqay dadwaynaha in booliiska gacan buuxda la siiyo si loo qabqabto danbiilayaasha..

 

Xafiiska wararka Afnugaal.com

 

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Bro,

 

we are somali and even though my somali reading and writing is prett appalling i think we should use it where we can,, so if we can write the names of our cities in somali then i think we should.

 

So thast L.C. from now on then ok brother

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this