Sign in to follow this  
guraad

Somaliland Forum And Its lies (HAWO BEENEEDKA URUR BEELEEDKA SOMALILAND FORUM)

Recommended Posts

guraad   

Muxuu yahay Ururka Somaliland Forum:

 

 

Waa Urur ay ku bahoobeen qurbejoogaha beel ka mid ah Beelaha dega Waqooyiga Somaliya ama Somaliland (Somaliland= dhulkii Ingiriisku gumaysan jiray) qofba siduu u yaqaan, beelahaas oo degaankooda yahay Galbeedka Somaliland (West Somaliland).

 

 

Hawo beenaadkiisa:

 

 

Wuxuu sheegtaa inuu metelo ama ay ku bahoobeen dhamaan Qurbejoogaha Somaliland, Bari iyo Galbeedba taasoo ah mid runta ka fog waayo waxaan ognahay in Bariga Somaliland ( East Somaliland) iyo Galbeedka Somaliland aan wax xidhiidh maamuleed oo ka dhexeeyaa jirin marka laga reebo derisnimo wanaag, walaaltinimo Somaliyeed oo ka dhexaysa Beelaha dhulkaas wada degan. Jaaliyadaha Bariga Somaliland ( Sool, Sanaag iyo Hawd) waxay leeyihiin Ururo u gaara oo ay ku bahoobaan metelana sida; SSH, East Somaliland Forum iyo kuwo kale, oo aan wax xidhiidha habayaraatee la lahayn Somaliland Forum.

 

 

Fekradaha Somaliland Forum:

 

 

Markaan tixraaco qoraaladii iyo maqaalada Ururku ku baahiyo Saxaafada reerkooda ayaa waxaa kuu muuqanaysa fekradaha iyo halku dhigyadiisa oo ay ka mid yihiin;

 

Guubaabo ku kooban beeshooda keliya.

Sheegasho Jaaliyado aanu metelin xidhiidhna ka dhexaynin.

Waxay ugu yeedhaan Maamul fidin Bariga Somaliland (Sool, Sanaag iyo Hawd) taasoo ah wax xaqiiqada ka fog.

 

 

Talo Soo Jeedin:

 

 

Waxaan ururka Somaliland Forum kula talinayaa;

 

 

Inay ku ekaadaan metalaada Qurbajoogaha beeshooda (Galbeedka Somaliland) oo aanay isku qaadin umad kale, xaqiiqadana ku dhaqmaan, wax af khaliya laga sheegto oo aan jirin macno ma sameyso, mise waxaa aqooni idiinku laabantahay dhulkii magacan la odhan jiray 1960-kii ka hor (British Somaliland protectorate) oo waxaad qabtaan in magacan Hargeysa iyo Burco leeyihiin oo uu ka soo jeedo.

Inay iska dhaafaan hadalhaynta maamul fidinta Bariga Somaliland (Sool, Sanaag iyo Hawd) oo ay iimaansadaan intooda, waayo? Waxaa maamul fidin socon kartaa ama laga hadli karaa marka reer East Somaliland ( Sool, Sanaag iyo Hawd) iyo reer West Somaliland (togdheer, Waqooyi Galbeed iyo Awdal) isu yimaadaan kuna heshiiyaan inay wax isku darsadaan oo maamul samaystaan, fekradahana ka midoobaan. Markaasay iman kartaa Somalilandta aad rabtaan ama sheegtaan oo wax la qaybsata Soomaaliya ama gooni-isu-taagta, wixii intaa ka baxsani waa hal bacaad lagu lisay.

 

 

Waxaan idiinku boorinaynaa inaad xaqiiqada ku dhaqantaan.

 

 

Gudoomiyaha East Somaliland Forum.

 

Ahmed Mahamed Adan (Qudhac)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this