Sign in to follow this  
Sabriye amp co.

Adm.Faarax Qare Congratulates new forces into the First Naval battalion of Somalia

Recommended Posts

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay tababar u soo gebagebeysay cutubyo ka tirsan Ciidamadeeda Badda Soomaaliya, kuwaasi loo tababaray in ay ilaaliyaan Xeebaha Soomaaliya.

 

prof-ibbi.jpg

 

Talaado, October 27, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay tababar u soo gebagebeysay cutubyo ka tirsan Ciidamadeeda Badda Soomaaliya, kuwaasi loo tababaray in ay ilaaliyaan Xeebaha Soomaaliya.

 

ciidanbadda.jpg

 

Ilaa 300 oo Askari oo ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta loo soo gebagebeeyay tababar dhinaca ilaalinta Xeebaha ah, waxaana xaflad lagu soo gunaanadayay tababarkaas ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

faarax%20Qare.jpg

 

Admiral Faarax Qare “these 300 strong Forces will join the First Naval Battalion of Somalia”.

 

Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo ka hadlay munaasabadii tababarkan lagu soo gunaanadayay ayaa wuxuu sheegay in marka la isku daro dufcadan iyo dufcadii ka horreysay iyo macallimiintooda ay hadda Ciidamada Badda Soomaaliya gaarayaan 1000 Askari oo u diyaar ah in ay difaacaan Xeebaha Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay Taliyaha in ay Ciidamada Badda Soomaaliya dhawaan howlgeli doonaan, isla markaana ay la dagaallami doonaan Burcad Badeedka iyo Maraakiibta xaalufiya Kheyraadka Soomaaliya iyo kuwa sunta iyo qashinka ku aasa.

 

“Ciidamadan wey ku filan yihiin hanashada ammaanka Xeebaha Soomaaliya, tababarka arrintaasna wey qabaan”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo sheegay in Ciidamadan la siiyay tababar aas-aasi ah oo xagga sugidda badda iyo berriga ah.

 

 

Sidoo kale waxaa munaasabaddan ka hadlay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Baddda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, wuxuuna sheegay in ciidamada Badda Soomaaliya loo sameeyay baahi jirta.

 

“Waad la socotaan Xaaladda Badda iyo Kalluumeysatada Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin, waxaana loo sameeyay ciidamadan baahi jirta”ayuu yiri Prof. C/raxmaan Ibbi oo haatan ah Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

 

Prof. C/raxmaan Ibbi waxaa uu u rajeeyay Ciidamada Badda Soomaaliya in Alle ka dhigo kuwo ku guuleysta howsha loo xil saaray oo ah in ay soo celiyaan sharaftii iyo karaamadii Badda Soomaaliya.

ciidanbadda1.jpg

Sida iska cad Ciidamadan ayaa haddii aaney helin Qalab iyo Gaadiid ka casrisan kuwa heystaan Burcad Badeedda Soomaalida iyo kuwa Kheyraadka Badda Soomaaliya xaalufiya waxaysan ku guuleysan doonin in ay tallaab qaadaan.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliy

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this