Sign in to follow this  
Dhubad.

Mogadishu is blazing for the sencond night!

Recommended Posts

Dhubad.   

Qaraxyo habeenkii labaad laga maqlayo Muqdisho, xilli Bandow ay tahay caasimadda.

 

Click here to find shabelle news in English

 

Mogadishu 23, June.07 ( Sh.M.Network) Qaraxyo xoogan ayaa ka dhacaya magaalada Muqdisho habeenkii labaad oo Bandoow uu saaran yahay caasimadda, iyadoo qaraxaydaasi ay ka kala dhaxeen xaafado ka mid ah koonfurta iyo waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Ilaa iyo haatan inta la og yahay 3 qarax oo xoogan ayaa laga maqlay magaalada Muqdish iyadoo wali aan la ogeyn qaraxyadaasi waxa ay ahaayeen iyo cidii lala beegsaday, waxaana labo ka mid ah qaraxyadaas ay dhaceen iyadoo qadarro daqiiqado ah ay ka dhimanaayeen xilliga Bandowga.

 

Labo ka mid ah qaraxyadaan ayaa waxa ay ka dhaceen xaafadda Albaraka ee magaalada Muqdisho, iyadoo midka kale oo dhacay goordhaweyd uu ka dhacay degmada Kaaraan.

 

Guddoomiyaha degmada Kaaraan C/laahi Xasan Rooble oo shabelle ay la xiriirtey qaraxa ka dib ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu ahaa bamgacmeed lagu soo weeraray saldhigga, isla markaana aanu geysan wax qasaaro ah, isagoo tilmaamay in ay u soo qabqabteen labo qof oo looga shakisan yahay arinkaasi.

 

Qaraxyadaan ayaa waxa ay isku jireen daqiiqado, waana habeenkii labaad oo qaraxyo ay ka dhacaan caasimadda xilli bandow dowladda KMG ah ee Somalia ay ku soo rogtay Muqdisho uu ka hirgalay xalay, iyadoo caawana uu yahay habeenkii labaad.

 

Waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka salaadii maqrib ka dib, iyadoo dadka ay isku diyaariyeen in ay ku xaroodaan guryahooda.

 

Bandowgaan lagu soo rogay magaalada Muqdisho oo bilaabanaya 7:00 Pm kuna eg 5:00 AM ayaa saameyn ku yeeshay howlihii ganacsi ee xilliyada habeenkii ka jirey caasimadda iyo shaqaalaha hay'adaha kala duwan sida warbaahinta.

 

Suxufiyiinta ayay ku adag tahay in ay socdaan xilliyada habeenkii si ay u helaan faahfaahino ku aadan dhacdooyinka ka dhacaya caasimadda.

 

Xalay ayay aheyd markii qaraxyo gaaraya 11 ay ka dhaceen caasimadda Somalia, kuwaasi oo aan geysan waxyeelo.

 

Waxaa habeenkii labaad masaajidyada magaalada Muqdisho aadaanka salaadda ceshaha laga maqlayaa 6:45 Pm, iyadoo salaada la dukanayo inta aan la gaarin Bandowga.

 

 

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha arimahaan kala soco shabelle.net.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Sheekadu faraha way kabaxday. Xabashidiina waxaa lasheegay in Killinka Shanaad loo daad guraynayo which is good news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this