Sign in to follow this  
Gabbal

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed Ethiopia is attacking civilians.

Recommended Posts

Gabbal   

Sheekh Shariif: ciidamada Ethiopia waxa ay bartilmaameed ka dhiganayaan shacabka.

 

Asmara Jimce April 20, 2007 Simba Radio

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay dagaalka maalintii labaad ka socda Deegaano ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

 

Sheekh Shariif oo isaga oo jooga magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea wareysi siiyay Taleefishinka Al-Jazeera, ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid Sharci iyo Akhlaaq darro ah oo ka baxsan Qaanuunka Caalamiga ah.

 

Waxa uu ku eedeeyay Ciidamada Ethiopian-ka ah ee ka dagaalamaya Muqdisho inay bartilmaameed ka dhiganayaan dadka rayidka ah oo ay si ula kac ah u waxyeeleynayaan.

 

Waxa uu sheegay in xaaladda bani aadannimo ee Muqdisho ay gaartay heerkii ugu xumaa, kadib markii ciidamada Ethiopian-ka ah ay bilaabeen inay shacabka xasuuqaan.

 

Sheekha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska difaacaan ciidadamadan oo uu sheegay inay dalka xoog ku qabsadeen iyo Dowladda Cabdullaahi Yuusuf ee dalka kusoo hogaamisay Cadowga sida uu hadalka u dhigay.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ayaa ku gacan seeray warar soo noq noqday oo kasoo yeeray Dowladda KMG ah ee Somalia oo ah in Al-Qacida ay dagaal ka waddo Muqdisho, waxaana uu yiri in dadka dagaalamaya ay yihiin wax iska cabin shacbiga ka mid ah.

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada Ethiopian-ka ee lasoo qasbay ay ka carareen magaalada Muqdisho ayna u baxsadeen dalka Yemen , markii ay arkeen dagaalka geesinimada ah ee shacbiga Soomaaliyeed.

 

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Yemen in Askartaasi aysan u gacan gelin Dowladda Ethiopia , sababtuna waxa ay tahay buu yiri ayada oo haddii ay dalkooda ku laabtaan la ciqaabayo ama la dilayo.

 

Turjumadii : Axmed Cali Sheekh

alaxmed@hotmail.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this