Sign in to follow this  
NASSIR

gabaygii Looma Taag Helo

Recommended Posts

NASSIR   

Abwaan Xasan Xayle (Gabaygii Looma Taag helo)

 

Gabaygan waxa tiriyay abwaan Xasan Xayle waxana ku kalifay nin la odhan jirey Aw-yuusuf ayaa ku yidhi waxaynu aadaynaa Sooomaaliya 1915kii si aad u guursatid gabadh yar , waa adiga habraha guursade e, waana ku adkeeyey, ka dib abwaanku wuxu ku yidhi “ aw yuusufow warqad ii qor ,†waxa uu aw yuusuf u qaatay inuu u dirayo walaalkii Yuusuf Xayle oo jira Ingiriiska , wuxuna Xasan Xayle yidhi warqadda waxan ku idhaahdo ku qor waa inaad ku qortaa , wuxuna yidhi

 

 

(What a beautiful poem)

 

Talo xumo todoba jeer nin falay haatanna u taagan

Oo aan naftiisa u turayn looma taag helo e

Nin tashiga tolkii aan ka maqal tabarna keenaynin

Oo aan wax taaryoonkarayn looma taag helo e

 

Taag malaha aadmiga ninkii tawstu qabataaye

Taah gaban ah baa loo dhintaa taabashada mawde

Inkastoo qardhaas lagu toxoo culimo loo tuunsho

Haddii mawdku kugu taagan yahay looma taag helo e

 

Tuun tuunka xoolaha ninkii taabka loo geliyo

Tallaabaduu dhaqaaqaba hadduu tiro macaashaayo

Isagoon tartiib dhaqanin buu taajiraa subaxe

Haduu khayrku kugu soo tacjilo looma taag helo e

 

Taw tawle aan edeb lahayn lagu tilmaan ceebe

Tuunkii la joogaba hadduu faan ka tirinaayo

Ninka hadalku tuumaajka yahay looma taag helo e

 

Hadduu wiil tallaabada xarago temeshle tiicaayo

Oo toosan inan doono oo tiriyo maalkiisa

Haddaan meherka lagu soo tixgelin looma taag helo'e

 

Tuko lagama karo wiil ibleys turub u qaadaayo

Inkastoo tikaab iyo quraan lagu tiraabaayo

Haddaan toobad lagu soo alhumin looma taag helo e

 

Haddii naagi tiirkay fadhidey loogu tegi waayo

Inkastoo tib weyn lala dhocoo tumaha loo qaado

Waa tacallin ay baratay oo looma taag helo e

 

Ninkii tiisa kaa buuxsadoo taadana aan yeelin

Oo maalintuu toogo rabo kuu tol noqonaaya

Oo maalintaad taag xun tahay kaaga taga hawsha

Cadowgaan turriinshaha aqoon looma taag helo e

 

Tiiraanyo iyo ciil ninkii tahan madoobaaday.

Mar haddaanu tumaatiga wadnaha tahar wax dhaafsiinin

Oo aanu xumaanta iska tirin looma taag heloe

 

Waxba gabaygu yuu ila tegine waxan kusoo teeday

Tabaalada aduunyadu ka fudud taayir neefsaday e

Ilaahay ninkuu toosiyaa taawilaad hela e

 

Tii eebbeheen waxan ahayn toogo lagu waaye

Waxba hay tetebin Yuusufow taranku meesheede

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this