Sign in to follow this  
Haashim

Aawey Suugaanteenii

Recommended Posts

Haashim   

Jamaal, sxb naga daaya suugaanta afka qalaad.

Sxb. afkennu waa hodan gabay iyo geeraarba aawey raggeedii, maxaa ku dhacay suugaanteenii.

 

Xataa haddaan dadku aqoon dheer u laheyn suugaanteena waa inaan baranaa:

 

gabaygaan uu tiriyeye abwaankii weynaa ee RAAGE UGAAS oo u barooranaya afadiisii uu jeclaa ee libaaxu ka cunay ila akhriya, kadibna dhankiinna ka soo laba shuba oo naga daaya afka qalaad.

 

Sida koorta yucub oo la suray korommo buubaal ah

 

Ama beelo kaynaan ah oo kor u hayaamaya

 

Ama geel ka reeboo nirgaha laga kaxeynaayo

 

Ama ceel karkaarada jebshiyo webi karaar dhaafay

 

Ama habar gablan ah oo sidii gocosho ooyeysa

 

Ama kaal danley qeybsan iyo kur iyo dhaal yaabis

 

XALAY KOLO'AYGII MA LADIN KAAMIL REERUHUYE

 

Kambalkiyo ardaagii miyaa la igu kaliyeeyey

 

Kumbiskii miyaa layga qubay kolayggii ii buuxay

 

WIXII RAG IGU KUUNYAAYEY MIYAA IGU KARAAMOOBAY Maantana kataantii miyaa layga kala tuuray

 

Kob abaara meel dhexe miyaa koore ila meeray

 

KUBKA MIYAAN KA JABAY IYO BIIXI AAN KABAYO LOO HAYNIN

 

Kun iyo Kow kurtood dumar haddii laysku wada keeno

 

KOLNA WAXAANAN HELAHAYN HAWEEN FAADUMOO KALE'E [/b]

 

........................................

 

AMA SAASAA LOO GABYAA AMA WAA LA ISKA DAAYAA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this