Sign in to follow this  
Jacaylbaro

MATUKADE 1924-2001

Recommended Posts

TAARIIKH NOLOLEEDKII Abdullahi Mohamud Hassan OO KU CAAN DHEERAA (MATUKADE) 1924-2001

 

 

Abdullahi Mohamud Hassan oo ku dhashay Gobolka Muduga, wuxuu hana qaaday isagoo aad u dhallin yar, wuxuu ahaa nin keligiis wax is baray, wuxuu ku caan baxay waxbarasho jaceyl, karti dheeraad ah, dadaal aan kala go’ lahayn, iyo inuu ahaa nin an la loodin karin oo an marna ka waaban runta, xaq ku dirirka iyo waxa u aaminsanyahay.

 

Wuxuu ahaa nin aad waxbarashada u jecel, tabobarro aad u farabadanna ku qaatay xirfadiisa isagoo u aaday waxbarasho waddamo badan oo ay ka mid yahiin Talyaaniga, Ingriiska, Maraykan iyo Rush-ka..

 

Wuxuu aad ugu dadaalay inuu waxbaro caruurtiisa si ay dadkooda iyo dalkoodaba u anfacaan.

 

Wuxuu u soo shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisaba muddo aad u dheer isagoo inta badan ka tirsanaa Ciidanka Boliska Somaliyeed.

 

Waxuu u soo dagaalamay xorriyadii dalka, is hortaagidii xukunkii kali taliyaha ahaa ee Mohamed Siyad Barre, waqatigan danbana dib u soo celinta dowlanimadii Somaliyeed iyo qoridda taariihk nololeedkiisii iyo taariikhda Somaliya guud ahaanba.

 

Si uu u difaaco qadiyadda saxa iyo qaranimada Somaliyeed, waxuu u babac dhigay shaqo ka erid, musaafiris iyo xabis aad u dheer intaba.

 

Waxaan halkaan idiin ku soo gudbinayna taariihkdiisii oo aad u gaaban.

 

1924 Abdullahi Mohamud Hassan wuxuu ku dhashay Gobolka Mudug ee Dalka Somaliya

1942 wuxuu ku biiray ciidamadii Boliska ee waqtigaas oo la oranjiray "Gendarmeria"

1944 wuxuu ku biiray SYL

1950 waxaa laga eryey ciidamadda boliska, oo Talyaanigu ku eedeeyey inuu kaalmeeyo SYL

1952 wuxuu ku jiray laba nin oo SYL u diratay dalka Ethiopia si ay uga codsadaan in Ethiopia ay garab istaagto qadiyadda SYL

1953 wuxuu ku biiray ciidamada Boliska ee Kenya halkaas oo u ka soo shaqeeyey muddo sideed sano ah.

1960 wuxuu ku soo laabtay dalka somaliya oo u ka qaybgalay dabaaldagii xoriyadda is maalintaasna uu ku biiray ciidamada Boliska.

1961 waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada gaarka ah (Special Branch) ee gobolada waqooyiga ee Somalia

1964 waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo ciidamada gaarka ah (Special Branch) ee dalka oo dhan

1967 waxaa loo beddeley taliyaha ciidamada boliska ee jubada hoose.

1969 wuxuu ka mid ahaa madaxdii gobolka jubada hoose oo xilka la wareegay markii waddanka inqlaabku ka dhacay.

1970 wuxuu ku jiray ragii ugu horeeyey oo Mohamed Siyaad Barre ka wareejiyey ciidamada asagoo lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer (Governor)

1972 waxuu ku jiray dadkii ugu horeeyey oo loo masaafuriyey Russia. Halkaas oo uu ka bilaabay wax barasho Jaamacadeed ( Lavof University)

1974 si lama filaan ah ayaa loogu magacaabay inuu noqdo hogaamiyaha ciidamada Boliska Somaliyeed (Commander in chief)

1978 ayaa la xiray iyadoo lagu eedeeyey inuu ka soo horjeedo kacaankii Mohamed Siyad Barre, halkaasna u ku xiranaa xabiskii caanka ahaa ee LAANTA BUUR muddo dhan LIX SANO IYO AFAR BILOOD

1984 ayaa laga sii daayey xabisgii, wuuna diiday inuu jago cusub ka qabto wadanka in kastoo Mohamed Siyaad barre u soo jeediyey.

1990 mar kale ayaa la xiray isagoo ku jiray odayaashii Somaliyeed oo saxiixay warqadii caanka ahayd ee la magacbaxday "MANIFESTO"

1991- 2000 wuxuu aad isugu masquuliyey inuu ka qayb qaato dib u soo celintii dowladnimada Somaliyeed asagoo ka qayb galay shirar kala duwan oo ay ka midiahiin kii 1991 ee dalka Jabuti iyo 1993 dalka Ethiopia

2001, Axad Lulyo 8, 1dii aroornimo ayuu ku geeriyooday gurigiisa, aydoo ay la joogaan dhammaan caruurtiis, magaalada Lorton, Virginia ee Dalka Maraykanka

Waxaa lagu aasi doona Gobolka Mudug ee Dalka Somaliya

Wuxuu ka tagey Xaaskiisa Xalima Warsame iyo 26 qof oo isuku jira waxuu dalay iyo waxay sii dhaleen.

Waxaa dhawaan soo bixi doona boog uu qoray Marxuumku oo ka hadlaya taariikh nololedkiisii iyo taariikhda Somaliya guud ahaan laga bilaabo xorriyad u dirirkii ilaa iyo burbuka waqtigan lagu jiro

Allaha u naxriiso Abdullahi Mohamud Hassan, samir iyo iimanna allaha ka siiyo eheladiisii iyo asxaabtiisiiba iyo Ummada Somaliyeed Guud ahaanba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this