Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

What is cooking in Dhuusamareeb?

Recommended Posts

What is cooking in Filla Soomaaliya?

Villa-Somalia2.jpg

Shirka Muqdisho oo galay maalintii labaad & wararkii u dambeeyey

Shirka wadatashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii labaad.

Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa gaaray xarunta madaxtooyada oo ah meesha uu shirku ka dhacayo.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo guda geli doono ajendeyaasha shirka, maadaama kulankii shalay uu ahaa furitaan iyo qado.

Inta badan waxaa laga wada doodi doonaan heeshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, kaas oo aysan qeyb  ka aheyn madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Deni ayaa miiska soo saaray qodobada qaar oo ay diidan yihiin, kuwaas oo ay doonayaan in markale dib loogu laabto.

Waxaa sidoo kale xalay dhacay kulamo gaar gaar ah oo lagu gorfeeyey sida looga gudbi caqabadaha taagan, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka soo socda.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada ka soo baxda shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka oo saldhig u noqon doonto doorashada 2020/2021-ka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubno dheeri ah oo kusoo biiray shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya shirka Villa Somalia ee madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ayaa sheegaya inay kusoo biireen xubno kale oo dheeri ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirka oo xalay dib u billowday ay kusoo biireen guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Kusoo biirista Mahdi ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay inuu shirka ku matalo beelaha dega gobollada waqooyi oo aan lahayn maamul goboleed shirka u fariista, balse ma cadda sababta uu Mursal ugu soo biiray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kusoo biirista Mursal ay muhiim tahay sababtoo ah heshiis kasta oo la gaaro waxaa la horgeyn doonaa baarlamanka, sidaas darteedna waxaa laga fursan waayey in Mursal uu talo ku yeesho qodobada lagu heshiinayo.

Ku biirista Mursal iyo Mahdi ayaa sidoo kale taageero siin karta madaxweynaha, xilli ay muuqato in inta badan madax goboleedyada ay isku aragti ka nqodeen qodobada ugu xooggan ee la isku hayo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo.

Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madax goboleedyada oo isku aragti ka noqday inta badan qodobada la isku hayo

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Muqdisho ka socda ayaa soo sheegaya in dhamaan Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka ay isku aragti ka noqdeen inta badan qodobada la xiriira.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulamo gaar ah oo ay dhinacyadu qaateen ay isku aragti ka noqdeen arrimaha doorashada waxaana aragti keli ah qaba madaxweyne Farmaajo, Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii Cumar Finish.

Dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka ayaa markaan isku fahmay in siyaasad mideysan ku qaabilaan Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ka fogaadeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo.

Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madax goboleedyada ay doonayaan in awood dheeri ah laga siiyo maamulka doorashada, halka dowladda ay dooneyso in loo madax baneeyo guddiga doorashada.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tani ay horseedi karto in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul badan sameeyo, six al loo gaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wali dhariga waala karinaayaa.

Wararkii u dambeeyay Dhuusamareeb iyo Axmed Madoobe oo shirkii caawa ka baaqsaday

444.jpg

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu marxalad xasaasi ah galay, kaddib markii qodobada ugu adag ee doodda ka taagan tahay dhinacyada ay illaa iyo hadda ay wax isla meel dhigi la’yihiin.

Arrimaha Somaliland iyo Arrinta Gedo oo ah labada qodob ee si adag la isugu haayo ayaa weli xal laga gaarin, iyadoo tan iyo shalay markii uu shirka furmay aheyd dood taagneyd oo aan horumar laga sameyn.

Afar Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa loo saaray xalinta arrinta Gedo, sida Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, inkastoo aanay wax horumar ka sameyn qodobada la isku hayay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka hor-yimid qodobada la soo jeediyay ee xal ka gaarista Gedo, sida in Ciidan Boolis AMISOM la geeyo Garbahaarey, Maamulka degmada lagu celiyo iyo in Guddiga Doorashada la geeyo.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ka baaqsaday shirka caawa, taasoo ku aadan in aan tallaab horumar ah laga sameyn qodobadii maanta looga hadlay, shirka caawa ayaa waxa fadhiya dhammaan Madaxdda kale.

Shirka Dhuusamareeb ayaa u muuqda mid maalmo dheeraad ah qaadanaya, maadaama  jadwalkii uu Madaxweynaha u qorsheeyay shirkaas uu ka dib dhacay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.