Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Eebbe ha u raxmado Cabdi Tahliil Warsame

Recommended Posts

Fannaan Cabdi Tahliil Warsame oo geeriyooday

Cabdi-Tahlii-Warsame.jpg?fit=480,360&ssl

Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib muddo uu ku xanuunsanaa magaalada, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya

Geerida Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ku xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinat Soomaaliya Ismaaciil Oronjo.

“Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuun, waxaa hadda la ii xaqiijiyay in uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaanka caanka ah Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeyn ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka.

Xaaladda caafimaad ee fannaa Cabdi Tahliil ayaa sii xumaanaysay waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay dowladda Soomaaliya.

Cabdi Tahliil Warsame wuxuu safka hore kaga jiray fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh fanka Soomaalida, heesihii uu ku luuqeeyey waxay kaalimaha ugu sarreeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada Soomaalidu.

Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday. Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari.

Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya waxaa ay ka tacsiyeynee Geerida xanuunka badan ee ku timid hobolkii Qaranka Cabdi Tahliil Warsame oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho waxaana ay Allah uga barisay Ehelka marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

101812627_3229299617130808_8243257068228

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.