Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xildhibaan Jeesoow: Qorshe ay DF Soomaaliya kusoo xireyso Axmed Madoobe

Recommended Posts

Jeesoow has been re-selected again. His loyalty to Farmaajo has paid off.

Doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday magaalada Baledweyne

2022310637825054852279079.jpg

[Ergagaan Barbaarta afka duuban ka cabsaneyso ayaa xushay. s0253.gif]

Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta magaalada Baledweyne ku qabtay doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baledweyne oo tirsigiisu yahay HOP 030 waxaa kusoo baxay Daahir Amiin Jeesow, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa ee Cali Cabdullaahi Xeefow, waxaana hab gacan taag ah oo loogu codeeyay Xildhibaan Jeesoow uu helay dhamaan codadkii ergada oo ahaa 101 cod.

Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 010, waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Cismaan Gureey oo helay 90 cod, kadib markuu tanaasulay musharax Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana kursiga horay ugu fadhiyay Cabdirisaaq Jindi.

Kursiga sadaxaad ee doorashada Maanta ka dhacday Baledweyne oo ahaa midkii ugu tartanka adkaa doorashada kuraasta Baledweyne taala ee la doortay waxaan kursiga kuwada tartamay sadax musharax oo kala ahaa Cabdimaalik Cabdalla, Cabdi Daahir Guure, iyo Cumar Cismaan Waasuge oo horay ugu fadhiyay kursiga, waxaana tartanka adkaa kuso baxay Cabdimaalik Cabdalla oo helay 58 cod, halka Cabdi Daahir Guure uu helay 30 cod, iyadoo Cumar Cismaan oo ahaa Xildhibaankii hore uu helay 7 cod.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.