Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Eebba ha u raxmado Cumar Shooli

Recommended Posts

Madaalihii hobolada Waabeeri Cumar Shooli oo Muqdisho ku geeriyooday

sholi.png

Fanaankii caanka ahaa, madaalihii hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, Cumar Cabdulle Shooli ayaa caawo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu dabiiyay isbitaalka Aadan Cadde.

Fannaanka ayaa u geeriyooday cudurka Sonkorta oo muddo la dheer uu la noolaa, markii dambena sariirta soo jiifiyay, sida ay sheegeen qaar kamid ah carruurtiisa oo kula jiray isbitaalka Aadan Cadde, iyagoo ka cabanayay in Aabahood uu waayay garabkii dowladda  

Fannaanka oo maalmo kahor wareysi bixiyay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka waayay qaymihii uu qarankiisa ku lahaa, isagoo sheegay inaanu jirin hal masuul oo xaaladiisa caafimaad ka warqabay ama isbitaalka kusoo booqday.

Guddoomiyaha golaha abwaaniinta Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Dhuux, ayaa sheegay Cumar Shooli iyo fanaaniinta lamidka ah inay hantidooda ahayd  dhaxalkii faneed ee ay uga tageen qaranka Soomaaliyeed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.