Cawaale

Nomads
  • Content Count

    1,272
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Cawaale


  1. Fake things people say: I didn't know qabiilkayga until the other day when my uncle told me i am reer qansax.

    Showqi, Sheekha Muriidi moo ku soo xasuusiyay? Muriidi waa mid reer xamar ah i know it because he called me and he was like " Waraa..waa ku salaamay, adiga CAWILKII SOL maahinoo"..;)


  2. Qofkeena la socda akhbaarta Soomaaliya, siyaasaddeeda iyo xaaladda murugsan ee shacabka la isugu tagay waxaan ka qarsooneyn in ay sheekadu alamtara soo dhaaftay. Dagaalada goos gooska ah ee maalin walba dhaca waxay galaaftaan oo ay la haraan shicibka. Dhinacyada dagaalku ka dhaxeeyo ayaan iyagu kala arxan rooneyn markii loo eego shacabka lagu dul caweynayo.

     

    Haddaba waxaa is weydiin mudan illaa iyo goorme ayay sheekadani socon doontaa? Wa maxayse arinta ugu daran ee aan maleyn karno in ay ka dhalato dagaaladan, markii laga yimaado qaxa, barakicinta iyo xasuuqa.

     

    Jawaabta su’aashaasi waxay ila noqotay in ay tahay waxa ugu daran ee ka dhalan kara dagaaladan in laga adkaado rabitaanka shacabka, jiritaanka nidaamka dowladda(ee haatanba daciifka ah) oo ay dhacdo in ay shabaabku la wareegaan wadanka. Waayo haddii la a waayo awood kale ama waddo kale oo lagu joojiyo shabaabyenta ka socoto soomaaliya maanta waxaa si weyn isu baddali doona nolosha shacabka.

     

    Hoos waxaan idinku soo bandhigi doonaa waxyaabo ka mid ah is baddalada laga yaabo in ay ku yimaadaan wadanka haddii ay dhacdo in ay wadanka la waregaan qoloda aan kor ku soo sheegnay.

     

    Dhaqaalaha:-

     

    Waa midda kowaad e waxaa dhici doona sicir barar ku aaddan kor u kaca qiimaha qamiisyada, khaas ahaan midbka cagaarka ah. Sidoo kale waxaa hoos u dhici doonna qiimaha dhamaan qeybaha kale ee dharka.

     

    Suuq weynaha Bakaaraha ma sii ahaandoono suuqa ugu caasan caasimadda. Suuqa ugu caansan caasimadda wuxuu noqon doonaa kan lagu iibiyo addoomada, jaariyaatka iyo waxyaabaha maamulka uu ku soo helo Ghaniimo ahaan(Bililiqo Dagal!).

     

    Arimaha Bulshada:-

     

    Dumarka ku dhaqan degmooyinka ay dowladda ka arimiso waxay noqon doonaan Jaaariyaat ama addooman dagaal ay banaantahay in uu ku shaneesto nin kasto oo 4 xaas ah leh!.

     

    Waxaa la mamnuuci doonaa gawaarida jabaanka iyo wadamada kale laga keeno maadaama ay dhanka bidixi kaga tallo shukaanta, waxaana lagu baddali doonaa kuwa laga keeno wadanka ingiriiska oo ay shukaanta kaga taallo dhinaca midig. Dabcan arinkan kaliya wuxuu imaan karaa haddi aanan la mamnuucin gawaarida oo dhan!.

     

    Warfaafinta:-

     

    Astaanta raadiyaha jamhuuriyadda waa la baddali doonaa, waxaana lagu baddali doonaa cod aan muustiko la raacinin sida "Warkiii Warkaaa, warka-warka war-ka". Dabcan wariye dumar ahna marnaba ma la ogolaan doono. Waxaan idinka hilmaamay in magaca jamhuuriyadda la baddali doono..!!

     

    Waxaa idaacadda si toos ah looga sii tebin doonaa dilalka qasaaska ah, tacshiirta karbaashka ah iyo dhagxeynta dadka ay maamulka u arkaan in ay muteesteen in la deldelo.

     

    Garoonka kubadda cagta ee muqdisho dib ayaa loo furi doonaa, ciyaatoydana waxaa lagu wargelin doonaa in ay cowradooda asturaan. Hadii ay dhacdo kulan ciyaaro in uu ku soo aado maalin jimca ah waxaa laga yaabaa in la hakiyo kulankaas oo la keeno goobta qof la doonayo in dhegax lagu dilo.

     

    Shirkadaha sida gaar ka ah loo leeyahay:-

     

    Adeegyada mobilka shirkadaha taleefanada aya waxaa ku imaan doono is baddal, tusaale ahaan, shirkkadaha "NationLink" iyo "Telesom" waxaa lagu qasbi doonaa in ay la baxaan magac carbeed oo ay ka tanaasulaan kan "Ingiriisiga" ah. Dhanka fariimaha shirkadaha ay adeegsadaan xilliyada taleefanada ay mashquulka yihiin ama ay dhici karto qofka aad waceysid in talefankiisa/taleefankeeda uu dansanyahay. Tusaale ahaan "Lambarka aad wacday wuu densanyahay ama waxbaa ka si ah. Ilaah baana og."

     

    Shirkadaha xawilaadda iyagana waxaa ku imaan doono is baddal, tusaale ahaan, haddi ay lacagi kuu timaado waxaad heli doona fariin qoraal ah oo ay ku qorantahay "Fadlan lacagtaada u doono faraca ugu dhow ee shirkadeena, si aad u qadatid lacagtaada. Iska jir in aad u adeegsatid lacagtaada fusqiga. Allaa mahad leh".

     

    Wariye Axmed Xasan Cowke "Abuu Jaamac" wuxuu billaabi doonaa barnaamij cusub oo la yiraado Mac-Salaamynta oo loogu tala galay mujaahidinta u socda dagaalada dibadda ka socda sida Afghanistaan iyo dhulalka kale ee qalalaasaha ka jiraan. Waxa laga yaaba in ay Liibiya wadamadas ku soo biirto hadii aysan wax is baddalin iyagoo ka hoos dagaalamdi doonna Amiirrka wadamada ka hooseeya Saxaraha "Abuu Seef-el-diin Al qadaaafi"

     

    Nabi Amaanka Af-Soomaaliga ah waa la mamnuuci doonaa, waxaana lagu baddali doonaa Nashiidooyinka Afka Carabiga ah.

     

    Ugu dambeyntii qoraaga maqaalkan waxaa la soo taagi doonaa maxkamad. Maya. U kaadi, maxkamad iyo qareen midna ma jiri doono. Maamulkana ma ogolaan doono falfalxumada gaalada iyo beenaha qareenada.!

     

    Source : radiowiilwaal


  3. Akash;732077 wrote:
    Xaaji´Xunjuf, Halkan waxaan ku haynaan,,
    Jahliyada reer awdal State
    ee ku dhaqan Netherland oo u dalbaadagaya, Maamul goboleedka Somaliyeed, ee Awdal State,

    It will take me a week or so to get back to this. Where is JB? Halkaada ka wada.


  4. Kadib markii aan aragnay in Mudane Maxamed Farmaajo uu muujiyay sabar, is dhiibid iyo daciiftinimo dheeri ah xilligii uu shaqada Madaxa wasaaradaha hayay, laga billaabo goortii uu dib uga laabtay diidmadiisii xeerka 4.5 illaa iyo dhamaadkii shaqadiisa-Diidmaa heshiiski kambaala- Wuxuu muteystay in lagu xushmeeyo Shahaado sharafkan.

    Saxiixa.

    Labada Shariif.


  5. Polyani, Adiga in aan kugu dimbaabo aan ka cabsanaa adeer. Haddaan kula kaftamo adiga gabdhaha sidee isku tihiin? Osamahii weynaa baa Viagra laga sheegaayay, I hope adigana ina aadan MarwoBoys kooda aadan ahayn. Hanaga hadal siinin ninyow. Duca qabe.

     

    Maaddee, Welcome back. Mise maba maqneeen camal? wali ma shahiidin? Shahaadada(Tan xamar taalo) ilaahay hakuu soo dedejiyo. AAMIIN.


  6. MUQDISHO (KEYDMEDIA) Sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta boostada iyo is gaarsiinta xukuumada KMG ah Soomaaliya oo la hadlay idaacadaha waxaa daqiiqado ka hor isbitaalka Madiina ku geeriyooday wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG ah C.shakuur Shiikh Xasan Faarax.

     

    Wasiirka ayaa ku geeriyooday isbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana iminka ku sugan isbitaalka xubna ka mid ah ehelada iyo qaarabada wasiirka.

     

    Kooxda shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qarax, waxaase dadka qaar ay rumeysan yihiin in qaraxa ay ku lug leeyihiin Saraakiil Dowlada ah. (Keydmedia Arintaas wee sii Baareysaa)

     

    Alle ha u naxriistee C.shakuur Shiikh Xasan Faarax waxa uu ka mid ahaa wasiirada ugu dhaq dhaqaaqa ruun xukuumada uu madaxda ka yahay Max’ed C.llaahi Farmaajo, waxaana bilowgii bishan ugu baaqay dhamaan talisyada ciidamada dowlada in ay wax ka qabtaan ciidamada maalaacyacniga hubka kula wareegaya magaalada.

     

    Bishii june ee sanadkii 2009 ayeey aheyd kolkii sidan oo kale loo dilay wasiirkii ammaanka qaranka ee dowlada KMG ah Cumar Xaashi Aadan oo ka tirsanaa wasiiradii ugu firfircoonaa ee xukuumadii xiligaasi jirtay.

     

    WWW.KEYDMEDIA.NET


  7. Clowns you say? Don't even start sxb. Sheeko igu soo dhacday.

    Mid cabtyooy ah ayaa shil galay, isbital baa loola carary oo qalliin baa loo la dhaqaaqay, dhaqtarkii baa suuxtin ku duray, saa wuu soo taaganyahay, waa loo siyaadiyay oo waa kan leh "Ditoore, Irbadda Akhri, mid dhacday lee amay tahay?" waa loo siyaaday isagoo soo jeeda yaana lagu billaabay qaliinkii. Ninkaas daroogada waxay gaarsiisay heer ay irbaddii kabaabyada kari weydo.

     

    Waxay ila tahay 20 sano in aad ku bislaan la'dahay...Clones, Gaalo, Munaafaq, Reer hebel, Jaahiliin..ram ram ram.

     

    Cajalad baa kugu jabtay malaha.


  8. WAR DEG DEG AH Wasiirka Arimaha Gudaha oo la qarxiyay

     

    MUQDISHO (KEYDMEDIA) - Waxaa goor dhaw qarax is miidaamin ah laga fuliyay guriga Wasiirka arimaha gudaha xukuumada KMG ah C.Shakuur Shiikh Xasan Faarax uu ka daganayahay magaalada Muqdisho ee caasimada.

     

    Warar kale duwan ayaa ka soo baxya goobta waxaana leysla dhex marayaa inuu dhintay wasiirka laakiin warar ayaa sheegaya in dhaawiciisa isbitaal Banaadir lagu dabiibayo.

     

    Ruuxa is qarxiyay waxa la sheegay inuu ahaa qof dumar ah, warar hor u dhac ahna waxa ay sheegayaan in wasiirka la qarxiyay ay qaraaba ahaayeen is qarxiyaha.

     

    Wasiirka la qarxiyay ayaa waxa uu ka mid yahay wasiirada wax qabadkooda sida weyn loo amaanay ee ka tirsan xukuumada, waxaana dhawaan uu soo saaray amar ah in aan hub lala dhex mari karin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

     

    NB: KEYDMEDIA WAXAY BAARIS KU HEYSAA QASAARAHA IYO QAABKA QARAXA XILI DHAW AYEEYNA SOO BANDHIGEYSAA INSHA-ALLAH


  9. Bartamaha is also reporting it. I guess its confirmed now, since bartamaha is reporting from V.Somalia.

     

    WAR DEG DEG AH Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gurigiisa la qarxiyay …Dhaawacna ah

     

    Waxaa gurigiisa la qarxiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sh. Xasan, Qaraxan oo sida uu u dhacay aan aruurinayno wixii macluumaad ah ayaa waxaa naloo sheegay in Wasiirku uu soo gaaray dhaawac, kana soo gaaray qaarka dambe.

     

    Wasiir C/shakuur Sh. Xasan ayaa iminka lagu daweynayaa isbitaalka Banaadir.

     

    Waxaa kaloo nasoo gaaraya qaraxan inuu ahaa ismiidaamin ayna ka dambaysay haweenay ay isku qoys ahaayeen Wasiirka.

     

    Wixii faahfaahin ah kala soco Bartamaha.com


  10. ^loll. Ducaysane. Life is good eh? One of the most Qunyar-Socod guys in SOL, aa caawa sheeko keenay. I am afraid this thread will hit the 20+ pages.

     

    Lazy, search #25jan and #Egypt on twitter(tweets are mainly in English ) and you will see what the regular people, the witness and the revolutionaries say about this and the current Egyptian situation in general. Don't pay attention to the mainstream media.


  11. Nuruddin is not less Somali/Muslim than any of your tribe line Adeer. The man served his country, touch generation back then when he was a teacher in Somalia, he fought the regime while many of our parents were cheering for him, and today he is representing ungrateful people that are trying to kick him him out the circle of Islam.

     

    Personally, I had the privilege of having a tea with him, and also i was present in celebration night of his long years of serving the country. Notable Somali elders, Intellectuals, former and present ambassadors of Somalia, including his former boss at National University were also present and gave speeches honoring him.

     

    Easy Brothers. Bani'aadamka la is kama maago.


  12. Thread subject wrote:
    Gaandi oo waji gabax kala kulmay Shirka Mahiga

    Ewelba shirka nin ayaa watay oo waa un "Mashruuc" dhaqaale iyo "CV" credits..so Gaandi oo loo diido ama Geedi oo loogu yeero it shouldn't make difference for you sxb.

    @Ziko, maalmahan ma mooddaa in duqqa(Gaandi) la saaranyahay? adse ma is tiri waad u jidbeysantay odayga?

     

    On serious note, KeydMedia is very unique and different website and it has good future ahead.


  13. Buraanbur ma ahan waa gabay(iyo hees). Qofka tiriyayna kor uu ku qoanyahay.

    Hadde maagistaaduna waa tan aad hadda iga filaneyso.

     

    If Dahir and his likes air their Poisson and we (the public) took it as it is, you will jump and start giving lame excuses. Well let me help you with that. The man has dementia to the point he expects to be awarded Peace Nobel Prize for his crimes against these poor children. Odayga halloo duraanto ninyow. in fact he somewhat reminds me of Aidid back in the 90's.