Gheelle.T

Nomad
  • Content Count

    3,314
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    5

Posts posted by Gheelle.T


  1. Ka qayb qaado kaalmada:

     

    Ka Qaybqaado Gurmadka Loo Fidinayo Dadkii Waxyeeladu Kasoo Gaartay Duufaanta Ku Dhufatay Puntland

     

     

    Deegaanada Puntland waxa ka socda olole oo loog gargaarayo dadkii ku waxyeeloobay Roobabka dabaylaha xoogan wata ee ka da’aya Puntland.

     

    Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari waxay ka mid tahay magaalooyinka uu gurmadka xoogan ka socdo,waxaana Gurmadka horseed u ah Culumada Puntland.

     

    Dhibaatada gaartay shacabka Puntland ayaa ah mid baaxad wayn,waxaana jira qoysas Carruurtoodii iyo Xoolohood waayay,oo wali ku dhibaataysan deegaanada ay Duufaantu ku dhufatay.

     

    Qabowga,haraadka,Gaajada iyo dhibaatada kale ee ay dareemayaan walaaleheen lama joogo maanta xilli aan wax ka lexa jeclaysano.

     

    Hadaba Puntlandi oo ay ka go’an tahay inay u adeegan umada reer Puntland,waxay Jaaliyadaha Puntland ee ku nool dibada,umada Soomaaliyeed iyo kuwa ku nool gudaha ka codsanaysaa inay ka qayb qaataan Gurmadka.

     

    Waxa Culumada Barnaamijkan wada kala xiriiri kartaa Telefoon Nambarada kala ah;-

     

    Sheekh Daahir Aw-Cabdi, 00252907726104

     

    Sheekh Ahmed Daahir, 00252907727229

     

    Sheekh Maxamed Maclin, 00252907796364

     

    Sheekh Ahmed Yuusuf Daad, 00252907793171

     

    Sheekh Axmed Faarax Gaas, 00252907765212.

     

    ALLAA MAHAD LEH,EEBOW u gargaar umadayada.