pigmalion

Nomads
  • Content Count

    1
  • Joined

  • Last visited

  1. Can someone CONFIRM that this article is saying Range Resources has been told by the Puntland administration to temporarily leave? If so I am going to write to this HornAfrik news site kindly requesting they stop publishing stories which are OUTRIGHT FALSE. Range today has not only announced they have been granted further government support from the Puntland government in their mineral exploratino activities, but they are about to sign an oil major on board. Many thanks in advance, like art I am from Australia and cannot read a word of Somali. http://www.hornafrik.com/Newspage/news0291.htm#8 Xubnihii kasocday shirkadii Renjis ee baaritaanka ka wadey deegaanada Puntland ayaa halkaasi isaga baxey iyadoo ka bixitaa koodana shaki uu dhaliyey. April 17, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Xubnihii kasocday shirkadii Renjis ee baaritaanka ka wadey deegaanada Puntland ayaa halkaasi isaga baxey, iyadoo ka bixitaa koodana shaki uu dhaliyey. Wararka aynu kaheleyno magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi ay ka tageen shaley xubnihii kasocdey shirkada Renjis oo Puntland ay heshiiska la saxiixatey, kuwaasoo hawlo baaritaan oo macdan iyo shidaal ka wadey deegaano katirsan Puntland. Xubnahan oo tiradoodu ay gaareyso ilaa lix qof ayaa markaasi ku laabtey dhanka magaalada Dubai ee wadanka Isu Taga Imaaraatka Carabta, halkaasoo ay markii hore ka yimaadeen. Sababta keentay laabashada xubnahan xili aaney si rasmi ah u dhameyn hawlihii ay Puntland markaasi ka wadeen ayaa waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo arrintaasi ku saleysan. Xubno katirsan maamulka Puntland oo aan dooneyn in la magacaabo ayaa u HornAfrik u xaqiijiyey in shaqaalaha shirkada Renjis uu mamulka Puntland markaasi ku amrey in hawsha ay joojiyaan inta laga xalinayo muranka beelaha iyo rabshadaha ka dhashey hawsha baarida gaar ahaan deegaanada Majayahan iyo Qandala. Halkaasoo ay ka dhaceen rabashado ay dad ku dhinteen kadib markii ay beeluhu arrintaasi ay kasoo horjeesteen, iyadoo maamulka Puntland-na uu iminka bilaabey wada hadalo beelaha uu ku doonayo inuu ku qanciyo, inkastoo odayaasha deegaanka Majayahan arrintaasi ay ku gacan seyreen, waxaana markii labaad odayaashu ay diideen guddi wasiira ah oo kasoo jeeda beesha halkaasi dagta oo loo direy. Wararka qaar oo kudhow dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in ragaasi ay u baxeen si ay markaasi dibadda ugu qaadaan natiijada kasoo baxdey hawshii baaritaanka aheyd ee halkaasi ay ku sameeyeen. Si kasta oo ay ahaataba waxaa markaasi muuqanaya in hawsha baaritaanka Renjis ay la kulantey caqabad addag, iyadoo sidoo kale arrintan ay khal khal galisey amaanka deegaanada Puntland, oo lagu tiriyo goobaha ugu nabad gelyada Soomaaliya kadib markii ay halkaasi kadhaceen dagaalo ay dadka ku dhinteen, waxaana tan iyo bishii February ku dhinteh halkaasi ilaa 11 qofood oo qaarkood inta badan ay ku dhinteen deegaanka Majayahan, kadib markii maleeshiyada beeluhu si cad u diideen in halkaasi laga qodo shidaal ama macdan. Su’aasha la is weeydiinaya ayaa waxey tahay maadaama Renjis iyo maamulka Puntland ay arkeen go’aanka beelaha isla markaana aan beelaha dhinacna loo ridi karin, in mar kale Renjis ay soo laaban karto iyo in hawsheeda ay sii wadi karto, xili baarlamaanka Puntland arrintaa aan la hor dhigin, xubno badan oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ah ay xitaa aaminsan yihiin in hawshan ay gaar u tahay madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse iyo rag isaga ka agdhaw