General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. Heeggan ballaaran oo maanta la galiyey ciidamada magaalada Kismaayo.

     

    Posted by Kismaayo

    Saturday, December 15 @ 06:27:05 PST

     

    Heeggankan maanta la galiyey qeybaha kala duwan ee ciidamada magaalada Kismaayo sida kuwa nabadgelyada iyo qeybaha xeryaha keydka ku ah ayaa saraakiisha ciidamada magaalada Kismaayo waxaa ay ku sheegeen inay la xiriirto kadib markii laga war helay kooxa ammaanka Jubbooyinka qalqal galin ku soo wada oo abbaabullo ciidamo ka wada meela katirsan G/J/dhexe.

     

    Afhayeenka ciidamada magaalada Kismaayo C/risaaq Aadan Faarax (Suufi) oo maanta wariyayaasha kula hadlay Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in heegganka sababtiisa ay tahay kagadaala markii ay heleen xog buuxda oo muujineysa ciidamo lagu abbaabulayo aagag ku dhow degmada Jilib ee G/J/dhexe oo uu xusay in ay dagaal ku soo wadaan magaalada Kismaayo, islamarkaana buu yiri ay doonayaan in ammaanka oo hadda meel fiican maraya ay qalqal galiyaan.

     

    “Ciidamada noocyadooda kala duwan heeggan ayaa la galiyey, waxaanu helnay information ah in ciidamo ay isku urursanayaan W/bari iyo W/galbeed degmada Jilib” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Kismaayo C/risaaq Aadan Faarax (Suufi) oo intaasi raaciyey in ay ka war hayaan lix gaadiidka dagaalka ee Technic-da oo ka yimid G/J/hoose in ay soo gaareen J/dhexe qeyba ka tirsan.

     

    C/risaaq Suufi ayaa magac dhabay shaqsiyaad uu sheegay in ay horkacayaan ciidamada isku urursanayo J/dhexe, wuxuuna ku goodiyey in tallaabo ay ka qaadi doonaan haddii ay isku dayaan in ay Kismaayo duullaan ciidan ku soo qaadaan.

     

    Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamo horay uga tirsanaan jiray guutooyinkii koowaad iyo saddexaad ee ciidamada xooga dalka DKMG ah ayaa horaantii iyo bartamihii sanadkan waxaa ku dagaalamay laba ciidan oo dowladda taabacsanaa, kuwaasoo qaab qabiil u hardamay hase ahaatee waxaan la ogeyn kooxaha haaatan saraakiishu ay sheegeen ee Kismaayo weerarka ku soo ah sida ay hadalka u dhigeen ujeedkooda iyo waxa ay u socdaan intaba.

     

     

    Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo


  2. ^^^This is not a wrestling contest adeer. But in the history of Somalia we have had two men who set records for cowardice. One was Siyad Barre who inherited an army with Migs and ended up running on a donkey from Aydeed. The other warlord Hiiraale who ran from Kismayu when his rival was just reaching Barawe.

     

    Those two men's followers continue to speak, is that not ammusing? :D


  3. Maleeshiyada kusugan Kismaayo ee sugta Ammanka Degmadaasi oo heegankii ugu sareeyay la geliyay.

     

    Maleeshiyada dowladda ee kusugan magaalada Kismaayo lakin dowladdu ay sheegto in ay beelo yihiin ayaa la geliyay Heegan buuxa kadib markii ay ka warheleen sida ay sheeganayaan horjoogeyaasha maleeshiyaadkaasi in ay weerar kusoo yihiin dagaalyahanno taabacsan maxkamadaha Islaamka.

    Wararka aanu Kismaayo ka heleyno ayaa sheegaya in Heegankaasi ay galiyeen Maleeshiyada kismaayo kusugan Odayaasha horkacaya maleeshiyaadkaasi, waxaana lagu soo waramayaa in odayaashu ay hanjabaadyo la kulmeen.

     

    Warar kale ayaa waa ay sheegayaan oo GOOBJOOG ay ka heleyso ilo lagu kalsoon yahay in Degmada Jilib ay kasoo socdaan Xoogaga tababaran oo taabacsan Golihii Maxaakimta kuwaasi oo doonaya in ay si toos ah ula wareegaan Gacan ku heynta magaalada Kismaayo.

     

    Waa markii ugu horeysay oo heegan buuxa la geliyo maleeshiyada Ammaanka ee magaalada Kismaayo kuwaasi oo iminka sida ka muuqata dagaal diyaar u ah, waxaana soo baxeysa cabsi laga qabo in maalmaha soo socda waa haddii sida ay filayaan odayaasha qaban qaabiyay maleeshiyada dowladda ay dhacdo in uu ka dhici doono Kismaayo dagaal aad u xoogan.


  4. Imaatinka ciidamada I-G-A-D ee Somaliya oo ey wax yar ka dhiman yihiin

     

    Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 15-Desember-2007

     

    Dowlada Burundi ayaa daboolka ka qaaday in waqti yar kaliya ka hartay qorshaha ay cidamadeeda ku gaarayan dalka Soomaalya.

     

    Afhayeenka wasaarada Gaashaanka Burundi Adlof Manerkeza ayaa sheegay in xukuumada Bujunbura ay sugayaan oo kaliya taageero maaliyedeed oo k imaaneysa dhanka Biritin taasi oo laba cutub oo ciidamo ah loogu geeynayo Soomaaliya .

     

    Afhayeenku waxa uu intaa ku daray qorshaha ciidamada garaya 1800 ee Burndi ka socda ay dhawaan Soomaaliya gaarayaan iyadoo Biritin wax yar uun ay uga hartay bixinta tagaeerada maaliyedeed si sedexda bil ee ugu horeysa cdamada mushaar ahaan loo siinayo .

     

    Waxa uuna intaa raaciyay n cidamada Soomaaliya loo dirayo ay heleen tababar iyo taageero farsamo iyo mid loojistika ah oo ay bixiyeen dalalka Mareykanka iyo Faransiiska .

     

    Afhayeenka ayaa laga soo xigtay in dowlada faransiiska ay qaadeyso mas`uuliyada daad gureynta ciidamadaasi la geeynayo dalka Soomaaliya .

     

    Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ayaa waxaa haatan jooga ciidamo ka socda dalka Uganda kuwaasi oo aan si dhab ah ugu filneyn sugida amaanka caasimada Muqdisho.


  5. wasiirka Arimaha gudaha Gacma dheere oo sheegay in Dowlada ay wada hadal kula jirto kooxaha ka soo horjeeda.

     

    Baydhabo (WNT)-Wasiirka arimaha gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxa’ud Guuleed (Gacma dheere) ayaa shegay in Dowlada federaalka Soomaliya ay wada hadal ku aadan qaabkii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya la leedahay kooxaha ka soo horjeeda dowlada.

    Gacma dheere ayaa hadalkaani maanta ka sheegay kulan balaaran uu la qaatay odayaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha uu ka dhashay ee (Habar Gigir) kaasi oo looga hadlayay sidii ay beeshu u taageeri laheyd dowlada isla markaana ciidamo ugu soo biirin laheyd si ay uga qeyb qaataan amaan ku soo dabaalida dalka gaar ahaan

     

    Muqdisho.

    Wasiirka ayaa ku nuux nuusaday in dhawaan mas’uuliyiin uusan magacaabin oo ka

     

    socday dowlada ay kulamo Jabuuti kula qaateen xubno ka socday Maxaakiimtii

     

    islaamiga isla markana ay meel wanaagsan wax isla soo dhigeen ayna dhici doonto

     

    sida uu sheegay kulamo kale oo lagu soo afjarato khilaafka u dhaxeeya labadooda

     

    dhinac.

     

    Sidoo kale odayaashii uu wasiirka kulanka la qaatay ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay

     

    ka qeyb qaataan ammaan ku soo dabaalida magaalada Muqdisho,ayna gacan siiyaan

     

    ciidamada iminka howlgalada ka wada caasimada.

    Waa iyana halkaasi ka hadlay odayaal ka soo jeeday beesha uu wasiirku ka dhashay

     

    iyaga oo sheegay in warar been ah laga faafiyay beeshooda isla markaana wararkaasi

     

    ay yihiin kuwa raqiis ah isla markaan ay taageersan yihiin dowlada federaalka

     

    Soomaaliya dhawaana ay maleeshiyooyin ku soo biirin doonaan kuwaasi oo ka mid

     

    noqon doona ciidamada dowlada.

     

    C/kariim Xuseen Gutaale

     

    Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya


  6. Odayaasha beesha Habar Gidir oo sheegay in ay dowladda la shaqeynayaan maliishiyooyinkoodana ku biriinayaan kuwa la qarameeyay.

     

    Odayaal ku abtirsada beesha Habar Gidir ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay la shaqeynayaan dowaldad Federalka Soomaaliya, islamarkaana ay maliishiyooyinka beeshooda kusoo wareejinayaan xukuumada si loo qarameeyo.

     

     

     

    Odayaal ku abtirsada beesha Habar Gidir ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay la shaqeynayaan dowaldad Federalka Soomaaliya, islamarkaana ay maliishiyooyinka beeshooda kusoo wareejinayaan xukuumada si loo qarameeyo.

     

    Odayaasha ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wad jir ah maanta u qabteen wasiirka arrimaha gudaha iyo iyaga kaas oo yimid ka gadaal kulamo u soconayay ra’isul wasaare ku xigeenka Maxamed Cali Xersi iyo wasiirk oo dowladda Matalaya iyo odayaasha oo qabiilkooda matalaya.

     

    “Wali hada maliishiyooyin ma wareejin laakin sadex maalmood gudohood ayaa naga go’an in aan dowladda ku wareejino malishiyooyinka dhibka ka wada magaalada Muqdisho si loo qarameeyo”ayuu yiri nabadoon C/qaadir Cali Kulmiye oo odayaashu ay u dimadeen in uu afkooda saxaafada kula hadlo.

     

    Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in odayaashu ay markii hore ra’isul wasaare ku xigeenka maxamed Cali Xersi iyo Wasiirka arrimaha gudaha Gacma dheere usoo ban dhigteen cabashadooda ku aadan in dhib kasta oo dhacayaahi uu beshooda saameynayo sida barakaca iyo dagaalada kuwa ku dhimanaya,taas oo ay wasiiraduna kaga jawaabeen in hadii ay iyagau dhibka ka haraan maliishiyooyinka dagaalka dowlada kula jirana qarameeyaan cid si gaar ah u raadsanaysahi aanay jirin.

     

    Dood iyo falan qeyn dheer kaddib ayay odayaashu ogolaadeen in maliishiyooyinka ay kusoo wareejiyaan gacanta dowladda si loo qarameeyo kadibna shacabka Muqdisho looga dul qaado dhibaatada colaadeed.

     

    Odayaasha ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan dowladda Soomaaliya oo dhinacna looga soo wada jeesanayo qolooyinka argagixisada ah ee rabshadaha wada.

     

    Xafiiska warqabadka shabakda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

     

    Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com


  7. Gacma dheere “Shan beelood wax gaardkooda ayaa wada hadallo ay noo socdaan,maliishiyooyinka ku abtirsada ayaana doonaynaa in ay ciidanka dowladda kusoo biiraan”.

     

    Wasiirka arrimaha gudaha dalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud guuleed (Gacma dheere) ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay jiraan wada hadallo isaga, ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cali Xersi iyo masuuliyiin kale ay la leeyihiin 5 beelood oo ka mida beelaha Gobalka Banaadir oo lagu qanciyay in ay maliishiyooyinkooda kusoo biiriyaan dowlada.

     

    Wasiirka arrimaha gudaha dalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud guuleed (Gacma dheere) ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay jiraan wada hadallo isaga, ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cali Xersi iyo masuuliyiin kale ay la leeyihiin 5 beelood oo ka mida beelaha Gobalka Banaadir oo lagu qanciyay in ay maliishiyooyinkooda kusoo biiriyaan dowlada.

     

    “maalmahanba shirar ayaan la lahayn beelahan,walina shirakru waa noo socdaan,waxaana jira is faham weyn oo ku aadan in maliishyooyinka beelahan ay kusoo biiraan ciidamada dowladda oo dhibkana ay ka haraan”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Gacma dheere oo sheegay in haatan maliishiyooyin aad u faraabdan ciidamada lagusoo biiriyay kuwa kalana ay maalmaha soo socda kusoo biiri doonaan.

     

    Hadalka ka soo baxay Gacma dheere ayaa ku soo beegmaya ,iyadoo maalmahan warar soo baxayay ay sheegayeen in masuuliyiin ay ka mid yihiin ra’isul wasaare ku xigenka Maxamed Cali Xersi iyo wasiirka arimaha gudah Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere) ay wada hadallo la leeyihiin wax garad kasoo jeeda afarta beelood ee Habar gidir iyo Duduble oo laga dhaadhicinayo in ay dowladda taageeraan iskana dhex saaraan dadka danaha gaar ahaaneed leh ee rabshadaha wada sida xaafadaha shacabku dagan yihiin sida kooxaha Al shabaabka.

     

    Si kastaba arintu ha ahaate wada hadalada masuuliyiintani ay la leeyihiin wax garadka beelahan ayaa u muuqanaya kuwo horseedaya in ay soo dhamaadaan rabshadaha ka taagan magaalada Muqdisho,marba hadii ay dhacdo in maliishiyooyinka dhibka wada dowladda lagusoo biriiyo kuwaas qeybtii ugu horeysay ay soo galeen xeryaha ciidamada lana qarameeyay sida uu wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya sheegay maanta.

     

    Xafiiska warqabadka shabakada wararka camrooyin.com ee Muqdisho.

    Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com


  8. Muqdisho: Odayaasha Dhaqanka Beesha ********** iyo Wasiirada dowlada Soomaaliya oo kulmay.

    15. december 2007

     

    Muqdisho(AllPuntland)- Odayaasha dhaqanka ee Beesha ********** iyo Wasiiro ka soo jeeda Beeshaasi ayaa kulan dheer ku yeeshay magaalada Muqdisho ,ayagoo ka wada hadlayay xaalada Magaalada Muqdisho.

     

    Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo soo celinta kala danbeyntii Magaalada Muqdisho.

     

    Wuxuu sheegay wasiirku in looga baahan yahay Odayaasha dhaqanka ee Beesha ********** in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada ayna taageeraan dadaalada ay wadaan Masuuliyiinta dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

     

    Gacma dheere wuxuu tibaaxay in beeshan ay mudo ku soo jirtey dagaalo badan oo ay ku jireen dagaaladii Sokeeye ,isla markaana ay waqtigan heegsato sidii horay loogu qaadi lahaa Nabadgalyada iyo taageerida Soomaali oo isku timaada.

     

    Wuxuu ku booriyey Gacma dheere Odayaashaasi in ay ka shaqayeen nabad ku soo celinta Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan goobaha ay beeshan dagto oo ay qaarkood ka jiraan dagaalo.

     

    Wasiirka howlaha guud iyo Guryeynta Soomaaliya Maxamed Cali Xirsi ayaa dhiniciisa sheegay in looga baahan yahay Odayaashaasi in ay taageeraan dadaalada ay wado dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

     

    Kulankaan ayaa ku soo beegmay xili ay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ku howlan tahay nabad soo celinta Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayagoo Odayaashan dhaqanka beeshana ay degan yihiin Deegaanada ay weerarada ka soo qaadaan Kooxaha ka soo horjeeda.

     

    Faarax C/qaadir Geylan

    AllPuntland


  9. Dawlada Dalka Burundi oo Sheegtay in Ciidankeeda Ay Sida ugu Dhaw Ugarayaan dalka Somalia

    Last Updated::2007-12-15 11:46:09

     

    Bujumbura (HRNet):- Wararka ka imaanaya Saraakiisha Ciidanka ee Dalka Burundi ayaa sheegaya in Wadankaas ciidamadii Nabad ilaalinta ee ay ugu talageleen Dalka Somalia ay Diyaar sheen Haatan Sida ugu Dhaqsaha badana ay usoo garai donaan

    Goboladii loogu talagalay ee Wadanka Somalia

     

    Dowladda Brundi ayaa sheegtay in ay ciidamadeedu si weyn ugu diyaargaroobeen howlo nabad ilaalineed in ay u Tagayaa dalka Soomaaliya, Balse waxa keliya ee haatan ay sugayaan ay tahay ayey ku shegeen Dhaqaalihii ay kusoo dhaqaaqi lahaayen oo loo Sheegay balse aan Wali Gacanta loo galin.

     

    Dowladda Brundi waxaa ay diyaarisay laba guuto oo ciidamo ah oo aad ugu tababaran nabad dhalinta,laakin wax yaabo lagama maar maan ah ayaa hada u dhiman oo ay sugayaan ,waxaana rajeyneynaa in bishan gudeheeda ay gaaraan magaalada Muqdisho”ayuu yri afhayeenka wasaarada gaashaan dhiga dalka Brundi oo ah khabiir xaga howlaha nabad ilaalinta oo lagu magacabo Lieutenan t -Colonel Adolphe Manirakiza,

     

    Horay Ayaa waxaa Dalka Somalia uyimid Ciidamo Nabad ilaa lin ah oo ka socda Dalka Ugandha iyadoona Dawladaha Afrika ay Balan Qaadeen Ciidamo Nabad ilaa lineed oo gaaraya 8000 Kun oo As kari kuwaas oo ka qayb qadanaya Nabad kusoo dabaalida Dadka iyo Dalka Somalia.

     

     

    HorseedNet.com


  10. Burundi Oo Sheegtay In Todobaadyada Soo Socda Ay Cidamadeedu Gaarayaan Muqdisho

    Posted to the MOL December 15, 2007, 7:40 am

     

    Dawladda dalkaasi Burundi ayaa shaaca ka qaaday in ay todobaadka soo socda dalka Somaliya usoo diri doonaan Ciidamo nabad ilaalineed oo ka qeyb qaata nabad kusoo dabaalidda dalka Somaliya.

     

    Afhayeen hadlay ayaa sheegay in qorshaha ciidamada garaya 1800 ee Burndi ka socda ay dhawaan Soomaaliya gaarayaan iyadoo Biritian wax yar uun ay uga hartay bixinta tagaeerada maaliyedeed si sedexda bil ee ugu horeysa cdamada mushaar ahaan loo siinayo .

     

    Masuul ka tirsan Golaha Midowga Afrika oo lagu magacaabo Nicilas Boukira ayaa shaaciyay in Xukuumadda Burundi ay diyaarisay 1700 oo Ciidamo ah kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya nabadda dalka Somaliya kuwaasi oo guutooyinka hore ay dhawaan imaanayaan dalka.

    Waxa uuna intaa raaciyay n cidamada Soomaaliya loo dirayo ay heleen tababar iyo taageero farsamo iyo mid loojistika ah oo ay bixiyeen dalalka Mareykanka iyo Faransiiska .

    Soomaaliya ayaa hataan waxaa jooga ciidamo ka socda Uganda kuwaasi oo aan ku filneyn sugida amaanka caasimada Soomaaliya .

     

    Mudugonline.com


  11. Dhiilo ka jirta Kismayo

    15 Dec 15, 2007 - 5:50:39 AM

     

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose ayaa sheegaya in maamulka ka arimaya ay amar ku bixiyeen in ciidamada amaanka iyo kuwa Maleeshiyo beeleedka ah la geliyo heegankii u sareeyay xili ay soo baxayaan warar sheegaya in magaaladaasi ku soo wajahan yihiin ciidamo taageersan Maxkamadihii Islaamiga ee loo awooda sheegtay.

     

    C/risaaq Aadan Faarax Suuf oo ah afhayeen ayaa sheegay in tallaabadaan tahay mid looga hortagayo xoogag uu sheegay iney soo buuxiyeen dhinaca Waqooyi Galbeed ee degmada Jilib kuwaasi oo uusan sheegin halka ay ku wajahan yihiin balse uu qiray iney jiraan tuhuno duulaan lagu soo qaado magaalada Kismaayo.

     

    Waxaa Kismaayo lagu arkayaa gaadiidka dagaalka iyo Maleeshiyaad hubeysan oo wadooyinka socod ku maraya kuwaas oo diyaar garow ku jira.

     

    Dhinaca kale dadka ku dhaqan magaaladaas ayaa cabsi ka qaba isku dhac dhexmara maamulka gacanta ku haya Kismayo kaas oo sheegta in u tageersan yahay DFKMG ah iyo kooxo tageersan Maxkadahii laga awood roonaadey kuwaas oo ka tirsan beesha ka arimisa inta badan Jubbada Hoose.

     

    Wel-welkan ayaa yimid xilli dhowaan magaalada Kismayo booqasho ku yimid Ugaas Maxamad Weli oo ka tirsan Maxakimta isla markaana ka soo qeyb galey shirkii Asmara.

     

    Maxamad Weli oo odaaysha beesha dhaqanka **** ku amreen in ka baxo magaalada Kismayo ayaa wararku sheegayaan in u ambabaxey dhinaca Dhooble halkaas oo la sheego in ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Maxaakimtii.


  12. loooool. Adeer your short sightedness and ignorance is legendery. The TFG you hate so much because of Yey, is the same one your little clan wants more ministers of.

     

    Anyhow make sure you have the donkeys ready, Baidoa and Mogadishu are no longer your old masters base. They wont coem to your rescue, because they need it themselves.

     

    Adeer the TFG control Mogadishu, Baidoa, Garowe, Bossaos.

     

    Your obsession with Kismayu shows your weakness adeer.

     

    keep dreaming the demise of Arta, Jva and the clown courts was a big loss to you.

     

    PS: You will not keep Kismayu or the Juba's, majority rules adeer. :D


  13. ^^^Adeer you seem worried, anyhow how do you talk to me Horn?

     

    When your hero Hiiraale is working as an MP in my hero's governemnt? Even after he was blown up supposidely by me?

     

    As for Kismayu you have proven you can not run it, be patiant while I skin your old masters of the JVA, then it will be your turn.

     

    Minorities like you have a right to talk big Horn, after all this is the new Somalia.

    After all did I not give you cover when they chased you out of Kismayu :D


  14. Sweden denies Mogadishu conflict

     

    The UN estimates one million Somalians have fled their homes

    Swedish authorities have ruled that failed asylum seekers from the Somali capital, Mogadishu, can be sent back as there is no "armed conflict" there.

    The Swedish immigration agency said that Swedish law says there is no armed conflict in Mogadishu because rebels there do not control territory.

     

    Ethiopian troops backing the interim government have been battling Islamist insurgents in Mogadishu.


  15. Afhayeenka G/Banaadir: ""Dagaal yahano ONLF iyo OLF oo garab siinayey nabad diidka ayaa gacanta lagu soo dhigay"

     

    { 14 Dec 2007}

    waxaa la daabacay Fri 14 Dec 2007 04: 03: 42

    Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxiyaddiin Cali ayaa sheegay in qeybo ka mid ah dagaaladdii shalay ka dhacay degmada Yaaqshiid iyo xaafaddo ka mid ah Heliwaa la soo afjaray isla markaana ciidamada amniga iyo kuwa Itoobiya ay ay ku raad joogaan firxadka kooxo uu ku sheegay iney yihiin nabad diid.

     

    "Dagaal yahano ONLF iyo OLF oo garab siinayey nabad diidka ayaa gacanta lagu soo dhigay kuwaasi oo ka barbar dagaalamayey kooxaha nabad diidka ah, waxaana haatan ciidamadu ay ku raad joogaan firxadkooda, taasoo muujineysa in uu soo gabagabooway wajiga koowaad ee dagaalada" ayuu yiri Maxamed Muxiyaddiin Cali Afhayeenka Gobolka Banaadir.

     

    Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in saakay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca nabadgelyada C/fitaax Ibraahim Shaawey uu booqday duleedka jidka Warshadaha gaar ahaan dhinaca qiblada ee Jaamacadda Muqdisho halkaasi oo ay ka baadigoobayaan buu yiri kuwii tuuray qoryaha.

     

    Md. C/fitaax Shaawey ayaa sheegay in wax rasaas ah saakay lagala hor imaan isla markaana ay baadi goobayaan ciidamada kuwii ka firxaday, wuxuuna Shaawey uu intaa raaciyay in dagaalyahano Ajaaniib ah lagu soo qabqabtay dagaaladii shalay ka dhacay xaafadaasi, kuwaasi oo uusan sheegin tiradooda.

     

    Email: admin@gobolkabanaadir.com

    GobolkaBanaadir.com


  16. Ciidamada Is Garabsanaya ee Soamlia iyo Itoobiya oo is Ku Gadaamaya Xaafadihii Dagaaladu Ka Dhaceen.

    Last Updated::2007-12-14 10:29:46

     

    Muqdisho(HRNet):-Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhaca qaybo ka mid a Muqdisho ayaa Geystay Qasaarooyin kala duwan iyo bara kac dad kale oo hor leh,

    xaafadihii kala duwanaa ee ay Dagaaladu ka dhaceen ayaa waxaa is ku gadaamay Ciidamada Dawlada Federaalka Somaaliya iyo Kuwa Dawlada Ethopia iyadoona Qaar ka mida Xaafadahaas Haatan laga Dareemayo Amaan Soo Iftiimnaya.

     

    Iska hor imaadyada saakay bilowday ayaa yimid kadib markii saakay ey ishortaageen hawlgallo ey ciidamadaasi fulin lahaayeen kooxaha kasoo horjeeda dowladda kuwaasoo bomboyinka gacanta laga gano iyo bastoolado ku hubeysnaa Kadib markii la isku haystay halkaa qadar saacado ah ayaa waxaa ey ciidamadu bilaabeen in ey isku balaariyaan deegaanka Suuqa Xoolaha iyo xaafadaha ku hareereysan.

     

    Dhanka kale weerar hoobiyaal ah oo qasaare badan geystay ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha halkaasoo sida la sheegay ey kusoo dheceen Hoobiyayaal dhawr a ah oo aan la ogeyn cida soo tuurtay.

     

    Ciidamada is Garabsanaya ee Somalia iyo Ethopia ayaa Dhamaan is ku Gadaamaya Xaafadihii Saaka iyo Xalay ay Dagaaladu ka dheceen iyagoo Dhaq dhaqaaqa xaafadahaas isha ku haaya.

     

    HorseeNet.com

    Muqdisho Somalia


  17. Raisal Wasaaraha Somaliya Nuur cadde oo soo gaaray baydhabo kadib safar uu ku tagay qaaradda Yurub.

     

    Raisal wasaaraha oo booqashadii ugu horaysay ku tagay wadamo ka tirsan qaarada Yurub ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada baydhabo kadib safar uu kaga soo kicitimay magaalada Nairobi isagoo siwayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo.

     

     

    Waftiga raisal wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xubno ka tirsan labada gole ee dawlada golaha wasiirada iyo golaha wakiilada ee barlamanka iyadoo loo galbiyay hoygiisa si uu ugu nasto.

     

    Wasiirka koobaad ayaa intii uu safarka ku maqnaa wuxuu soo maray wadamo ka tirsan qaarada yurub isagoo ka qayb galay shirwayne looga hadlayay xaaladda wadanka somaliya ee oo ka dhacay magaalada Lispon markii uu shirkaasi soo dhamaaday ayuu sidoo kale raisal wasaaruhu booqday Magaalada London isagoo kula kulmay Madaxwaynaha somaliya oo xaalad caafimaad u tagay London.

     

    AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba.


  18. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo kulamo kala gooni gooni ah la qaatay guddoomiyaha barlamanka iyo ra’isul wasaare ku xigeenada.

     

    Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyada Nuur Xasan Xuseen (Cadde) oo maanta uun dib ugu soo laabtay xarunta dowladda ee baydhabo ayaa kulamo kala duwan waxaa uu la qaatay..

     

    guddoomiyaha baarlamanka Sh Aadan maxamed Nuur Madoobe iyo labada ra’isul wasaare ku xigeen Prof Saalim Caliyow Ibrow iyo AVV Ceydiid C/llaahi Ilka xanaf.

     

    Wararka Baydhabo ka imaanaya ayaa sheegaya in ra’isul wasaaruhu uu kulankii ugu horeeyay la qaatay guddoomiyaha baarlamanka Sh Madoobe oo uu war bixin ka siiyay kulamadii uu madax ka tirsan beesha caalamka kula soo yeeshay magaalooyinka Addis Ababa iyo Lisbon.

     

    Intaa Kaddib ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa kulan kale uu la qaatay ku xigeenadiisa oo kala ah Prof Saalim Caliyow Ibrow iyo AVV Ceydiid C/llahi Ilka xanaf,waxaana uu sidoo kale war bixin ka siiyay safaradiisii dibadeed.

     

    Ra’isul wasaaraha ayaa tan iyo intii uu dalka dib ugusoo laabtay aan la hadlin saxaafada waxaase la filayaa in sacadaha inasoo aadan uu war baahinta la hadlo.

     

    Xafiiska warqabadka shabakada wararka camrooyin.com ee Muqdisho.

     

    Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com